Ahlu Sunna oo shaaca ka qaadday waxa u qorseysan dagaalkii Guriceel kaddib

Xigashada Sawirka, Abdisalan Hussein
Madaxa siyaasadda ee xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca ee dhawaan ka dagaallamay Galmudug ayay BBC-da weydiisay tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan.
Cabdisalaan Aadan Xuseen, ayaa sheegay in qorshahooda uu ahaan doono sidii uu horay u ahaan jiray.
"Ahlu Sunna Waljameeca taladeedu way iska caddahay, horay ayayna u bayaaniyeen culimada iyo hoggaankuba," ayuu yiri.
"Ahlu Sunna taladeeda waa in fikirkii ay ku shaqeynayeen iyo qaabkii ay u shaqeynayeen, oo ahayd inay cadowga ummadda Soomaaliyeed ka dul qaadaan, dadkooda iyo shacabkoodana ay u hiilliyaan mar kasta oo ay uga baahdaan," ayuu yiri madaxa siyaasadda ee Ahlu Sunna.
Aroornimadii hore ee maalintii Arbacada ayay ciidamada Ahlu Sunna ka baxeen magaalada Guriceel kaddib dhowr maalmood oo ay halkaas ku dagaallamayeen iyaga iyo ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka.
Maxay tahay sababta ay Ahlu Sunna uga baxeen Guriceel?
Cabdisalaan ayaa wareysiga uu BBC-da siiyay ku sharraxay sababta keentay in ciidamadooda ay ka baxaan magaalada Guriceel.
"Ahlu Sunna Waljameeca mar asta waxay ku baaqeysay nabadda, haddana nabadda ayay ku baaqeysaa, Ahlu Sunna iyadoo u tureysa shacabka reer Guriceen iyo umadda Soomaaliyeed ayay go'aansatay inay bannaanka uga baxdo magaalada Guriceel," ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay: "Dowladdu way jabisay heshiiskii Guriceel looga soo baxay.
Haddaba muxuu yahay qorshaha xiga ee Ahlu Sunna?
Isla qodobkaas isagoo faahfaahinaya ayuu Cabdisalaan yiri: "Dagaalkeennu hal qolo ayuu ku wajahan yahay, dagaalkeennu wuxuu ku wajahan yahay a-Shabaab, waxa uu qorshaheennu yahay inta kale oo dadka Soomaaliyeed ah ma u qalmaan inay dhintaan inaan dilnana uma qalmaan."
Billowgii bishan October ayay soo cusboonaatay colaadda Galmudug kaddib markii ay xoogag daacad u ah ururka Ahlu Sunna ee uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir la wareegeen magaalada Guriceel.
Dadka dhaliilsan siyaasadda kooxdan ayaa ku eedeeyay in tallaabada ay qaadeen ay tahay mid looga gol leeyahay sidii ay ku heli lahaayeen saameyn siyaasadeed, laakiin madaxa siyaasadda ee Ahlu Sunna ayaa gaashaanka ku dhuftay eedeyntaas, waxa uuna sheegay in kuraasta mar walba ay yihiin kuwo lagu kala qaybsado qaab qabiil".
Dhowr jeer oo hore ayuu isku dhac dhex maray ciidamada HLU Sunna iyo kuwa dowladda federaalka kaddib markii ay madaxdu isku khilaafeen arrimo siyaasadeed.

Xigashada Sawirka, OPM SOMALIA
Marar kala duwan ayay socon waayeen heshiisyo ay galeen labada dhinac oo mid walba uu kan kale ku eedeeyo ku xad gudubka wixii la isku afgartay.
Intee dhan tahay awoodda Ahlu-suna
Markii ay dowladda Soomaaliya ay meesha ka saartay Ahlu Sunna sanadkii hore ayaa waxa gabi ahaanba burburay awoodoodii ciidan, ugu yaraan inta markaas muuqan kartay.
Ciidamadii Ahlu Sunna ayaa ku biiray kuwa dowladda federalka ee Soomaaliya islamarkaana madaxdii Ahlu-sunna ayaa dalka dibadiisa aaday.
Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada Ahlu sunna ay u badan yihiin dad mutadhawiciin ah.
"Horta Ahlu Suna waa dadka manhajka aaminsan ee ma jiro ciidan toos ah," ayu yiri Mr Fiqi.
Waxaa uu intaa ku daray in ciidanka imika ka dagaalamaya Guriceel ay ku jiraan ciidamo ka soo goostay dowladda Soomaaliya, balse asalkooda ka yimid Ahlu-Sunna.
"Ciidankan Guriceel ka dagaalamaya waxaa ku jira qiyaastii 250 ciidanka dowladda ka tirsan laakiin asalkii hore Ahlu-sunna ka yimid, saraakiil qiyaastii ilaa 42 sargaal ayaa ku jirta oo tabashooyiin ka qaba maamulka Galmudug, "ayuu intaa ku daray.

Xigashada Sawirka, Axmed Macallim Fiqi
Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa dhanka kale sheegay in ciidamada kale ee u dagaalamaya Ahlu-sunna ay yihiin dhalinyaradii xerta ahayd oo dagaalka kaga soo biiray dhaman deegaanada Galmudug.
"dhalinyarada kale waa dad xer ah oo daafaha Galmudug oo dhan ka yimid dadkaasi oo manhajka aaminsan," ayuu yiri.
Mr Fiqi ayaa farta ku fiiqay in ciidamada Ahlu-sunna ee imika dagaalka u yimid Guriceel ay gaarayaan ilaa 1,500 oo dagaalyahan.
"Ciidanku intaasi wuu ka badan yahay, qiyaastii dadka meesha ka dagaalamaya ee Ahlu-sunna u yimid muddadii hadda la soo dhaafay 1,500 way gaarayaan.
Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa dhanka kale sheegay in aysan jirin ciidamo Ahlu-sunna ah oo xerooyiin degan, balse ay isu habar-wacdaan marka dagaal lagu soo qaado.
"Waa dad marna yimaadda marna taga, marka xaalad adag jirto way soo gurmanayaan, maanta oo kale haddii uu dagaal jiro waxaa laga yaabaa 400 ilaa 500 in ay u soo gurmato markii xaaladda ay dagtana ay deegaanadoodi ay ku laabtaan," ayuu yiri Mr Fiqi.
Waxaa uu xusay in Ahlu-suna ay ciidamadooda ay markii ay la dagaalamayeen Al-Shabab ay awoodooda gaartay 10,000 oo dagaalyahano.
"Waligood-ba dagaaladii ay ku jireen ciidamadii ku jiray 10 kun way dhamaayeen laakiin ciidan mutadhawiciin ah oo iskood isu xil-qaamay oo manhajkaas aaminsan,marka uu culeys jirna yimaadda," ayuu intaa ku daray.
Yaa siiya tababarka iyo dhaqaalaha?
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maanta hadlay ayaa sheegay in uu ka xunyahay in dhinacyo Soomaali iyo Ajaaniib ahba ay taageerayaan ururka Ahlu Sunna.

Xigashada Sawirka, Axmed Macallim Fiqi
Ahlu -suna ayaa la sheegay in tababarka inta badan ay ka kaalmeeyaan saraakiil horey ciidamaad uga tirsanaan jiray.
"Ciidanka imaanaya waa la kala habeeyaan waxaa jira labo nin oo janaraalo ah oo ah janaraaladii ahlu-sunna hogaamin jiray, rag korneelo ah ayaa jooga raggaas 42 sargaal ee aan sheegeynayn ayaa meesha ku sugan," ayuu yiri Mr Fiqi.
Axmed Maclin Fiqi oo sidoo kale horey u ahaa taliyihii nabad-sugidda Soomaaliya ayaa sheegay in Ahlu suna aysan haysan hub culus islamarkana waxa ay haystaan ay tahay dhowr gaari oo tikniko ah.
"Baabuur badan ma wataan saddex baabuur iyo labo baabuur oo ay dowladda ay ayaan hore ka qabsadeen , shantaas gaari ayay haystaan," ayuu yiri Mr Fiqi
"Rasaastu waa wax la beeciyay iyo ciidanka soo goostay wixii ay wateen iyo keyd hore oo u yaalay waagii ay cariga ka talinayeen keydkoodii rasaasta waxbaa uga yaalla marka waxaasi oo la isku daray ayay dagaalka u isticmaalayaan," ayuu yiri.
Ahlu-sunna ayaa la sheegay in tan xilligii la asaasay ay dhaqaalo ka heli jireen dadka deegaanak iyo dadka kale ee aaminsan mad-habkooda ee ku sugan daafaha caalamka.
"Dhaqaala ahaan waxay ku tiirsan yihiin dadka manhajkooda aaminsan haba ugu badnaadaane dadka gobolada dhexe ee Galmudug deggan oo xoolaha iyo tabarucaadka iyo dad dibadaha jira oo manhajkaa aaminsan oo ilaa hadda wax u soo dira ayuu yiri," mr Fiqi.
Wasiir Fiqi ayaa xusay in dhalinyarada ahlu-sunna ee imika dagaalamaysa ay yihiin dad mintid ah oo aysan jirin meel ay u baxaan taasina ay keentay in ciidamada dowladda ay iska cabiyaan.














