Axmed Macallin Fiqi: Arrimaha aniga iyo Qoor Qoor aan isku qabanay ee igu khasbay inaan is casilo

Axmed Macallin Fiqi

Xigashada Sawirka, Axmed Macallin Fiqi

Qoraalka sawirka, Axmed Macallin Fiqi

Axmed Macallin Fiqi oo ahaa wasiirka amniga Galmudug ayaa bartiisa Farcebook ku shaaciyay inuu iska casilay xilkii uu hayay maamulkaasi.

Waxa uu sheegay in sababta uu xilka u baneeyay ay tahay in isaga iyo madaxweynaha Galmudug ay isla fahmi waayeen qaabka loo wajahayo khilaafka Galmudug iyo Ahlu Sunna.

"Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii aan isla fahmi weynay qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo ASWJ u dhexeeya, ee uu asagu doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe", ayuu qoraalkiisa ku yiri Fiqi.

Axmed Macallin Fiqi ayaa madaxwyenaha Galmudug ku eedeeyay in khilaafka kala dhaxeeyo ahlu sunna uu u adeegsanayo " ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey kuwaasoo wax talo ah mas'uuliyiinta Galmudug ama wasaaradda amnigu aysan ku lahayn".

Wuxuu Fiqi intaasi ku daray in isagu uu soo jeedeiyay in "wadada wadahadalka iyo dagaal la'aantu ay ka sahlan tahay, kana dhib yar tahay, kana guul badan tahay" dagaalka, ayna muhiimaddu tahay dagaalka ka dhanka ah al shabaab.

Madaxweynaha Galmudug kama uusan hadlin wali iscasilaadda iyo eedeynyta ka soo yeertay Wasiirkan.

Xiisad ayaa weli ka taagan gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya kaddib markii dhawaan ciidamo ka tirsan ururka Alhu Sunna Wal Jamaaca ay qabsadeen magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, Khamiistiina uu dagaal culus ka dhacay deegaanka Bohol oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay dad ku dhinteen.

Hoggaamiyaha ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay in maamulka Galmudug meeshii uu la dagaallami lahaa Al-Shabaab ay soo weerareen ururka Alhu Sunna.

Wuxuu sheegay in ujeedkooda ugu weyn ee ay u joogaan gobolka Galgaduud uu yahay la dagaallanka Al-Shabaab iyo in la hagaajiyo wixii ka khaldan sida uu sheegay maamulka Galmudug.

Iscasilaadda Fiqi ayaa imanaysa iyadoo ay jireen warrar sheegayay in gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ay ka socdeen dhaqdhaqaaqyo nabadeed oo lagu doonayo in si nabada gacanta dawladda loogu soo celiyo maamulka magaalada Guriceel uu halkaasi ka socdo.

Dhawr xidhibaan oo ka tirsan maamulka Galmudug iyo xubno ka tirsan maamulkii magaalada Guriceel ee Galmudug ayaa u dhaqaaqay dhinaca magaalada si ay ula kulmaan saraakiisha Ahlu-Sunna ee Jimcihii qabsatay, uguna qanciyaan inay si nabada maamulka magaalada ugu soo wareejiyaan maamulka Galmudug, sida aan ka soo xiganay illo wareedyo ku sugan gobolka.

Xildhibaannada waanwaanta wada oo gaaraya illaa shan ayaa markoodii hore ka soo galay maamulka Galmudug dhinaca wadaaddada Ahlu-Sunna, waxayna ka codsadeen maamulka Galmudug in iyaga laga war sugo oo waqti la siiyo si xal nabadeed loogu helo xiisadda ka taagan Guriceel.

Dhinaca kale waxaa la sheegay in Dhuusamareeb uu ka socdo diyaar garow ciidan oo ay wadaan ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa Dawladda Federaalka kaas oo ay doonayaan inay dib ugu qabsadaan magaalada Guriceel oo Jimcihii la soo dhaafay gacantooda ka baxday.

Illo wareedyo ku dhawdhaw xafiiska Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa BBC-da u sheegay in illaa hadda Madaxweynuhu uusan qaadan go'aan dagaal oo ka dhan ah Guriceel, balse uu bixiyay amarka ah in ciidanku galo diyaar garow buuxa.