Maxaad ka taqaanaa seddaxda nin ee tiirka u ah ururka Ahlu Sunna

Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir

Xigashada Sawirka, Baraha bulshada

Qoraalka sawirka, Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir

Xooggaga Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa saaka duullaan ballaaran ku soo qaaday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, waxaana halkaa hadda ka socda dagaal culus.

Waxaa la dagaallamaya ciidamada dowladda Soomaaliya oo isugu jira booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kumaandoosta Gorgor iyo milateriga.

Haddaba waxaan halkan idiin kuugu soo gudibineynaa taariikh nololeedka seddax kamid ah madaxd ugu sareysaa Ahlu Sunna.

Sheekh Shaakir

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa ah waddaad bartay shareecada Islaamka, iyadoo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya aad looga yaqaano.

Waxaa uu dhashey sanadkii 1973-dii, wuxuu ku dhashey tuulada Garsaalo, oo kaga beegan qiyaastii 20km dhanka waqooyi bari xarunta gobolka Galgaduud ee magaalada Dhuusamareeb.

Tuuladii uu ku dhashey qudheeda, ayuu ka bilaabey waxbarashadii Dugsi Qur'aanka. Macalinkiisa Qur'aanka waxaa la oran jirey Macalim Maxamuud Axmed Ceynab, oo ahaa macalim muctarif ka ahaa Gobolada Dhexe ee Soomaaliya.

Markii danbe waxa uu yimid Dhuusamareeb, oo uu ka bilaabey barashada culuumta diinta Islaamka, iyadoo culimadii uu ka loox jiitay ee uu ka qaatey cilmiga ay kamid ahaayeen Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan iyo Sheekh Maxamed Guuleed Kaarshe.

Sanadkii 1989-kii ayuu safar ugu kicitimey magaalada caasimadda ee Muqdisho, halkaas oo uu kasii ambaqaadey barashada diinta Islaamka, isagoo Muqdisho uu kula kulmey culumo kala duwan, cilmiga diintana uu ka qaatey.

Sheekh Maxamed Shaakir

Xigashada Sawirka, GOOBJOOG NEWS

Qoraalka sawirka, Sheekh Maxamed Shaakir

Waqti yar un kadib, waxaa uu safar ku tagey dhanka dalka Itoobiya, oo iyana uu barashadeeda kusoo qaatey qeybo badan oo kamid ah Culuumta Shareecada Islaamka.

Waxa uu kasoo qalin jabiyey mu'asasada Al Mamuun, kadibna waxa uu aqoonta jaamacadda u tagey dalka Yemen, isagoo galey jaamacadda Axqaaf ee ku taallo magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen.

Waxa uu kusoo qalin jabiyey Sheekh Shaakir shahaadada heerka Diploma, oo uu ka qaatey Culuumul Xadiis.

Axqaaf jaamacadda la yiraahdo, ayuu ka qaatey shahaadada heerka koowaad iyo tan labaadba, isagoo bartey Shareecada iyo Qaanuunka, iyo Cilmiga Siyaasadda. Waxa uu qaab darsiga masaafada dheer uu kaga qaatey shahaadada PhD, isla jaamacadda Axqaaf.

Dalal kala duwan oo ku yaalla qaaradda Afrika, ayuu u tagey aqoon kororsi Sheekh Shaakir, sida Kenya, Nigeria, Masar, Suudaan iyo Itoobiya.

Wuxuu Sheekha si gaara ugu takhasusay Maareynta iyo maamulka, isagoo ka heysto shahaadada labaad. Sidoo kale, Sheekhu ugu ambabaxey fidinta diinta Islaamka waddamo badan, oo ku yaalla qaaradda Afrika.

Waxaa loogga magacaabay xilal kala duwan. Waxa uu Ahlu Sunna, u ahaa wasiir ku xigeenka waxbarashada, ku simaha guddoomiyaha golaha fullinta Ahlu Sunna iyo sidoo kale wuxuu madax ka noqday maamulka la magac baxay Gobolada Dhexe, waxa uu soo noqdey madaxa xukuumadda Galmudug.

Macalin Maxamuud

Macalin Maxamuud Xasan Faarax waa guddoomiyaha ururka Ahlu Sunna, wuxuu kusoo barbaaray magaalada Dhuusamareeb ee bartamaha Soomaaliya.

Sheekha wuxuu Qur'aanka Kariimka kusoo bartay Dhuusamareeb, sidoo kale wuxuu kamid ahaa ganacstada Dhuusamareeb.

Wuxuu Sheekha saami ku lahaa shirkad xoolaha ka dhoofin jirtay Soomaaliya oo geyn jirya dalalka Carabta.

Wuxuu culuumta diinta ka bartay Sheekh Yuusuf Ibraahim oo loo yaqaanno Sheekh Yuusuf Direed.

Wuxuu Qur'aanka bari jiray carruurta Sheekh Yuusuf Direed sidaas ayuu ugu baxay magaca 'Macalin Maxamuud'

Macalin Maxamuud ayaa ka qeyb ka ahaa aasaaska ururka Ahlu Sunna Waljamaaca sanadkii 2010, waxay gacanta ku dhigeen gobollada dhexe ee Soomaaliya kadib markii Shabaab ka saareen deegaanadaas.

Ururkan uu hoggaaminayay Macalin Maxamuud waxaa laga asaasay deegaanada Galmudug islamarkana waxa ay taageero badan ka heleen dadkii deegaanka.

Xilliga waxaa degaanadaasi ku xooganaa Al-Shabaab.

Isla sanadaasi 2011 ayaa waxa ay billaabeen in ay dagaal la galaan Al-Shabaab. Waxaa lagu bilaabay dhalinyaradii xirta ahayd ee deegaanadaasi kutubta ka raacaneysay.

Asasaakooda ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay al-Shabaab dileen qaar ka mid ah culumadii halkaasi joogay islamarkana ay qaar kale isaga carareen.

24-kii April, 2011, Ahlusunna Waljamaaca ayaa Al-Shabaab kala wareegtay Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.

Macalin Maxamuud wuxuu kaaalin firfircoon ka qaatay howlgalladii Ahlu Sunna ay ku muquunisay Al-Shabaab, isla markaana ka saartay inta badan deegaannada gobollada dhexe.

Saadaq Sheekh Yuusuf

Saadaq Sheekh Yuusuf Direed waxaa uu kamid ahaa saraakiishii Ahlu-Sunna Waljamaaca ee bilowgiiba ka qaybgalay dagaalladdii kooxdu la gashay kooxda kale ee Alshabaab. Waxa uu kaalin wayn ku lahaa dagaalkii Alshabaab looga saaray Guriceel iyo Dhuusamareeb.

saadaq

Xigashada Sawirka, Saadaq

Markii dambe waxa uu kamid noqday hogaamiyayaasha Ahlu Sunna isagoo dhowr xil oo kala duwan ka soo qabtay maamulkii ay ka sameeyeen gobollada Dhexe

Markii Galmudug ta hadda uu madaxda ka yahay Madaxweyne QoorQoor la dhisay waxa kamid noqday 20 kii Xildhibaan ee Ahlu Sunna laga siiyay Barlamanka Galmaudug, wuxuna u tartamay gudoomiye kuxigeenka waase looga adkaaday, taasina waxay keentay inuu iska casilo xildhibaanimadii Galmudug.

Waxa dhalay sheekha caanka ah ee Soomaalidu taqaano ee qabrigiisa ay siyaartaan culimada Suufiyada ee Sheekh Yuusuf Direed oo ku aasan gobollada dhexe.