Taliyaha militariga Soomaaliya iyo saraakiisha kale ee ku lugta leh dagaalka Guriceel

Waxaa maalinkii saddexaad xiisad dagaali ka jirtaa magaalada Guriceel ee Galmudug. Weli waxaa la soo sheegayaa dagaal goos-goos ah in uu ka dhacayo halkaas.
Dagaalka wuxuu u dhexeeyaa ciidamada maamulka Galmudug oo kaashanaya kuwa dawladda federaalka, iyo malleeshiyaad taabacsan ururka Ahlu Sunna.
Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay halka 40 qof ay ku dhawaacmeen dagaalkii cuslaa ee illaa shaley Guriceel ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna, sida laga soo xigtay ilo wareedyo dhanka caafimaad ah iyo kuwa ciidanba.
Saraakiisha ku dhintay dagaalka waxaa ka mid ahaa taliyihii ciidamada Danab ee Galmudug, Gaashaanle Cabdiladiif Axmed Culusow (Feyfle), iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ahlu Sunna.
Ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka sheeganaya dagaalkaasi.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Ilo wareedyo ayaa BBC u sheegay in taliyaha guud ee militariga Soomaaliya, Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, uu ku sugan yahay Guriceel halkaas oo maalmihii la soo dhaafay uu ka socday dagaalka, laakin BBC si madaxbannaan uma xaqiijin karto arrintaas.
Janararaal Odowaa inta aanan loo magacaabin taliyaha militariga, Wuxuu ka tirsanaan jiray ururka 60-aad ee madaxtooyada, ama loo yaqaanno koofiyad guduudda.
Darajadiisa waxay ahayd gaashaanle markii uu xilka kala wareegayey taliyihii ururkaas uga horreeyey, Axmed Maxamed cali (Af-caddeey).
In yar ka dib waxaa loo dallacsiiyey Gaashaanle dhexe, darajadaas ayuuna ku ahaa taliyaha ciidanka madaxtooyada.

Xigashada Sawirka, JUBBALAND TV
Sidoo kale, waxaa jiro warar sheegaya in taliyaha booliska ee gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole, uu ka mid yahay saraakiisha ku sugan maagalada Guriceel oo ay ka taagan tahay xiisadda dagaal.
Farxaan Qaroole wuxuu horey u ahaa taliyihii ciidanka Harmacad, wuxuuna xilka taliyaha booliska Gobolka Banaadir qabtay bishii April ee sannadkan, markii awoodda laga xayuubiyay taliyihii hore ciidanka booliska Banaadir, Saadaq Joon.

Taliyaha Guutada 5-aad, gaar ahaan Qeybta 27-aad, Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay, oo madax u ah ciidammo saldhgoodu yahay gobolka Hiirana ayaa sidoo kale la sheegay inuu ku sugan yahay Guriceel, uuna qeyb ka yahay dagaalka ka dhanka ah Ahlus Sunna.
Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim, ayaa hoggaaminayay howlgalka ay ciidamada dowladda Soomaaliya ay mar hore Al shabaab kaga saareen deegaano dhowr ah oo ku yaalla inta u dhaxeysa Maxaas, Matabaan iyo Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Xiisadda gobolka ka taagan ayaa cirka isku sii shareeraysay tan iyo Khamiistii markaas oo dagaal khasaare badan dhaliyay uu ku dhexmaray ciidamada dawladda iyo kuwa Ahlu-Sunna, deegaanka Bohol oo isna ku dhaw Dhuusamareeb.
Xiisaddan ayaa ka dhalatay ka dib markii horraantii bishan ciidamada ururka Ahlu Suna Waljamaaca ay qabsadeen magaalada Guriceel.
Xilliggaas wuxuu dagaal culus ka dhacay deegaanka Bohol oo qiyaastii 30Km u jira magaalada Dhuusamareeb, waxaana dagaalkaas ku dhintay ku dhawaad 10 qof halka dad badan ay ku dhawaacmeen, waxaana dagaalka lagu kala qabsaday gaadiid dagaal.
Dagaalka kasoo cusboonaaday gobolka Galguduud ayaa salka ku hayaa khilaaf u dhexeeyay maamul goboleedka Galmudug iyo ururka Ahlu Suna Waljamaaca.













