Afar arrimood oo ku saabsan xiisadda ka taagan Galmudug

Xigashada Sawirka, Sonna
Xiisad ayaa weli ka taagan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya kadib markii shaley ciidamo ururka Ahlu Suna Waljamaaca ay qabsadeen magaalada Guriceel.
Khamistii wuxuu dagaal culus ka dhacay deegaanka Bohol oo qiyaastii 30Km u jira magaalada Dhuusamareeb, waxaana dagaalkaas ku dhintay ku dhawaad 10 qof halka dad badan ay ku dhawaacmeen, waxaana dagaalka lagu kala qabsaday gaadiid dagaal.
Dagaalka kasoo cusboonaaday gobolka Galguduud ayaa salka ku hayaa khilaaf u dhexeeyay maamul goboleedka Galmudug iyo ururka Ahlu Suna Waljamaaca.
Ciidan uruursiga
Wararka ka imaanaya waddada isku xirta Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Ahlun Sunna saaka lagu arkay deegaanka Ceeldheere oo u dhaw Dhuusamareeb.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkeen ciidamada Ahlu Suna oo wata gaadiidka dagaalka oo gaaray deegaanka inkasta uusan halkaas maanta ka dhicin wax iska hor'imaad ah.
Waxaana deegaankaas shaley isaga baxay ciidamadii dowladda ee ku sugnaa halkaas iyaga oo gaaray magaalada caasimadda ah ee Dhuusamareeb.
Ururka Ahlu Suna ayaa dhawaan dib ugu soo laabtay deegaanka iyaga oo ku yimid inay ka qeybgalayaan Siyaaro ka dhaceysay deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud, wixii xilliggaa ka dambeeyay abaabul ciidan ayaa deegaanka ka socday kadibna Khamiistii ayuu dagaal xooggan ka dhacay deegaanka Bohol uu u dhaw Dhuusamareeb.
Shaley ayay ciidammada Ahlu Suna si nabad ah kula wareegeen Guriceel.
Waxaa isla shaley gelinkii dambe magaalada Dhuusamaree gaaray madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, waxaana xigay dhowr diyaaradood siday ciidamada dowladda federaalka oo laga qaaday Muqdisho oo halkaas la geeyay taas oo xiisadda sii kordheysay.
Ciidamada dowladda waxay isku diyaarinayaan inay dib ula wareegaan Guriceel xilli ciidamada Galmuduga ay kuwa dowladda ay abaabul xooggan ka wadaan Dhuusamareeb.
Garoonka diyaaradaha Guriceel oo xiran
Waxaa maanta gebi ahaanba xiran howlihii duulimaadyada diyaaradaha ee garoonka diyaaradaha magaalada Guriceel, maanta wax duulmaad ah oo tagey Guriceel ma jirin.
Diyaaradaha qaar ee tegi jiray magaalada waxay u wareegeen garoobka diyaardaha ee Dhuusamareeb kadib xiisadda ka taagan halkaas oo ay la wareegeen ururka Ahlu Suna.

Sarkaal ka tirsan shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in maadama ay xaaladda Guriceel ay isbaddashay ay keentay in diyaaradaha loo weeciyo dhinaca Dhuusamareeb.
Saraakiisha Ahlusuna waxay shaley sheegeen in diyaaradaha sida ciidanka iyo hubka aanay imaan karin Guriceel.
Xiisadda gobolka ka taagan ayaa cirka isku sii shareeraysay tan iyo khamiistii markaasoo dagaal khasaare badan dhaliyay uu ku dhexmaray ciidamada dawladda iyo kuwa Ahlu-Sunna deegaanka Bohol oo isna ku dhaw Dhuusamareeb.
Ahlu Suna: Galmudug dagaal ayay nagu heysaa
Hoggaamiyaha ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay in maamulka Galmudug meeshii uu la dagaallami lahaa Al-Shabaab ay soo weerareen ururka Alhu Sunna.
Wuxuu sheegay in ujeedkooda ugu weyn ee ay u joogaan gobolka Galgaduud uu yahay la dagaallanka Al-Shabaab iyo in la hagaajiyo wixii ka khaldan sida uu sheegay maamulka Galmudug.
"Waxaan rabnaa anagu nidaamka iyo maamulka ka jira Galmudug in la hagaajiyo oo laisku waafaqo, wixii tabasho ah oo dhan laisaga yimaado laga wadahadlo la xalliyo taas muhiim ah, marka waad arkeysaa deegaanadii Shabaab baa qabsaday ..in ciidankii dowlada laga soo duubulo Muqdisho oo deegaankii lagu soo daabulo oo loo soo daabulo Culimadii baa timid ee ..kaalaya la dagaallama oo Al Shabaab aanan loo daabuleynin" ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir Cali.

Xigashada Sawirka, GOOBJOOG NEWS
Baaq nabadeed
Waxaa isa soo tarayaa baaqyada ah ka imaanayo waxgaradka iyo siyaasiyiinta ee lagu codsanayo in la joojiyo xiisadda ka taagan gobolka Galgaduud, waxay ku baaqeen in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka haatan ka taagan Galmudug.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo xiisadda haataan ka taagan gobolka isla markaana miiska wadahadalka laisugu yimaado si loo soo afjaro colaadda.
"Cid kasta oo qabta tabasho waa in ay u martaa xalka dariiq nabadeed, waana in la joojiyaa abaabulka hubaysan iyo weerarada baal-marsan sharciga taas oo halis ku ah xasilloonida, nidaamka iyo kala danbaynta"
Wuxuu soo jeediyay in laga dheeraado tallaabo kasta oo khalkhal gelin kara amniga Galmudug.
"Galmudug waxaa ka jirta Dawlad-Goboleed haysata sharciyad buuxda iyada ayaana mas'uul ka ah amniga deegaannada Galmudug , sidaas awgeed waa in laga dheeraado tallaab kasta oo u muuqata mid lagu carqaladaynayo Galmudug" ayuu yiri Rooble.










