Maxaa u dambeeyay xiisadda ka taagan Guriceel ?

Xigashada Sawirka, Radio Galgaduud
Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa qaybo ka mid magaalada Guriceel oo shalay ay ku dagaallameen ciidamada maamulka Galmudug oo kaashanaya kuwo dawladda federaalka iyo ciidammo taabacsan ururka Ahlu Sunna.
Dagaalkii shalay waxaa ka dhashay khasaare ba'an, iyada oo haatanna labada dhinac ay wada joogaan magaalada.
Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay halka 40 qof ay ku dhawaacmeen dagaalkii cuslaa ee shaley Guriceel ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna, sida laga soo xigtay ilo wareedyo caafimaad iyo kuwa ciidanba.
Saraakiisha ku dhintay dagaalka waxaa kamid ahaa taliyihii ciidamada Danab ee Galmudug iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ahlu Sunna.
Xaaladda magaalada Guriceel ayaa saaka deggan inkasta oo la maqlayo rasaas goos goos ah, dadka deegaanka ayaa ka cabsi qabaa in xilli kasta uu dagaal ka qarxi karo halkaas.
Dagaalkii xoogganaa ee shaley dhacay wuxuu keenay in dadkii yaraa ee fara ku tiriska ahaa ee magaalada ku haray inay isaga qaxaan halkaas iyadoona saaka ay magaalada cidlo tahay.
ilaa hadda wax waanwaan ah oo laga dhex wado laba dhinac mana jiraan.
Shaley ayay aheyd markii magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ay ka dhaceen iska hor'imaadyo hubeysan oo u dhaxeeyay ciidamada dawladda iyo kuwa Ahlu-Sunna Waljamaaca kaas oo ka socday xaafado ka tirsan magaalada.

Xigashada Sawirka, Baraha bulshada
Dagaalka ayaa ka dhashay markii ciidamada dowladda ay isku dayeen inay galaan xaafado ka tirsan Guriceel halkaas oo ay iska caabin kala kulmeen xooggaga Ahlu-Sunna ee horey gacanta ugu hayay Guriceel.
Guriceel waxaa horey uga qaxay dad badan oo haatan ku sugan duleedka kuwaas oo sheegay in aanay heysanin biyo iyo cunto.
Galabnimadii shaley ayay mar kale dib ay u soo rogaal celiyeen xoogagga Ahlu-Sunna oo dib ula wareegay goobihii ay ka qabsadeen ciidamada dowladda.
Xiisaddan ayaa ka dhalatay kadib markii horraantii bishan ciidamada ururka Ahlu Suna Waljamaaca ay qabsadeen magaalada Guriceel.
Xilliggaas wuxuu dagaal culus ka dhacay deegaanka Bohol oo qiyaastii 30Km u jira magaalada Dhuusamareeb, waxaana dagaalkaas ku dhintay ku dhawaad 10 qof halka dad badan ay ku dhawaacmeen, waxaana dagaalka lagu kala qabsaday gaadiid dagaal.
Dagaalka kasoo cusboonaaday gobolka Galguduud ayaa salka ku hayaa khilaaf u dhexeeyay maamul goboleedka Galmudug iyo ururka Ahlu Suna Waljamaaca.










