Ahlu Sunnah: Tirada, awoodda iyo dhaqaalaha ururka Ahlu Sunnah Waljamaaca

Xigashada Sawirka, OPM Somalia
Waxaa maalmihii ugu dambeeyay uu dagaal xooggan ku dhexmaray magaalada Guriceel xoogagga Alu-suna iyo ciidamaad dowladda federaalka iyo kuwa Galmudug oo is kaashanaya.
Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo ka tirsan dhinacyadii halkaasi ku dagaalamayay.
Labadii dhinac ee daagalamayay ayaa midba uu dhinac ka joogaa magaalaada taasi oo muujinaysa in dagaalka aan wali lagu kala bixin oo aysan jirin cid guul ka sheegan karta, iyada oo dagaalka uu galay maalinkii seddexaad.
Dad badan oo falanqeeya arrimaha ammaanka iyo militariga ayaa su'aalo iska waydiinaya awoodda Ahlu-suna iyo ciidamada badan ee ay dowladda halkaasi gaysay oo ilaa iyo imika aan magaalada ak saarin.
Intee dhan tahay awoodda Ahlu-suna
Markii ay dowladda Soomaaliya ay meesha ka saartay Ahlu Sunna sanadkii hore ayaa waxa gabi ahaanba burburay awoodoodii ciidan, ugu yaraan inta markaas muuqan kartay.
Ciidamadii Ahlu Sunna ayaa ku biiray kuwa dowladda federalka ee Soomaaliya islamarkaana madaxdii Ahlu-sunna ayaa dalka dibadiisa aaday.
Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada Ahlu sunna ay u badan yihiin dad mutadhawiciin ah.
"Horta Ahlu Suna waa dadka manhajka aaminsan ee ma jiro ciidan toos ah," ayu yiri Mr Fiqi.
Waxaa uu intaa ku daray in ciidanka imika ka dagaalamaya Guriceel ay ku jiraan ciidamo ka soo goostay dowladda Soomaaliya, balse asalkooda ka yimid Ahlu-Sunna.
"Ciidankan Guriceel ka dagaalamaya waxaa ku jira qiyaastii 250 ciidanka dowladda ka tirsan laakiin asalkii hore Ahlu-sunna ka yimid, saraakiil qiyaastii ilaa 42 sargaal ayaa ku jirta oo tabashooyiin ka qaba maamulka Galmudug, "ayuu intaa ku daray.

Xigashada Sawirka, AXMED MACALLIN FIQI
Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa dhanka kale sheegay in ciidamada kale ee u dagaalamaya Ahlu-sunna ay yihiin dhalinyaradii xerta ahayd oo dagaalka kaga soo biiray dhaman deegaanada Galmudug.
"dhalinyarada kale waa dad xer ah oo daafaha Galmudug oo dhan ka yimid dadkaasi oo manhajka aaminsan," ayuu yiri.
Mr Fiqi ayaa farta ku fiiqay in ciidamada Ahlu-sunna ee imika dagaalka u yimid Guriceel ay gaarayaan ilaa 1,500 oo dagaalyahan.
"Ciidanku intaasi wuu ka badan yahay, qiyaastii dadka meesha ka dagaalamaya ee Ahlu-sunna u yimid muddadii hadda la soo dhaafay 1,500 way gaarayaan.
Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa dhanka kale sheegay in aysan jirin ciidamo Ahlu-sunna ah oo xerooyiin degan, balse ay isu habar-wacdaan marka dagaal lagu soo qaado.
"Waa dad marna yimaadda marna taga, marka xaalad adag jirto way soo gurmanayaan, maanta oo kale haddii uu dagaal jiro waxaa laga yaabaa 400 ilaa 500 in ay u soo gurmato markii xaaladda ay dagtana ay deegaanadoodi ay ku laabtaan," ayuu yiri Mr Fiqi.
Waxaa uu xusay in Ahlu-suna ay ciidamadooda ay markii ay la dagaalamayeen Al-Shabab ay awoodooda gaartay 10,000 oo dagaalyahano.
"Waligood-ba dagaaladii ay ku jireen ciidamadii ku jiray 10 kun way dhamaayeen laakiin ciidan mutadhawiciin ah oo iskood isu xil-qaamay oo manhajkaas aaminsan,marka uu culeys jirna yimaadda," ayuu intaa ku daray.

Xigashada Sawirka, .
Yaa siiya tababarka iyo dhaqaalaha?
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maanta hadlay ayaa sheegay in uu ka xunyahay in dhinacyo Soomaali iyo Ajaaniib ahba ay taageerayaan ururka Ahlu Sunna.
Ahlu -suna ayaa la sheegay in tababarka inta badan ay ka kaalmeeyaan saraakiil horey ciidamaad uga tirsanaan jiray.
"Ciidanka imaanaya waa la kala habeeyaan waxaa jira labo nin oo janaraalo ah oo ah janaraaladii ahlu-sunna hogaamin jiray, rag korneelo ah ayaa jooga raggaas 42 sargaal ee aan sheegeynayn ayaa meesha ku sugan," ayuu yiri Mr Fiqi.
Axmed Maclin Fiqi oo sidoo kale horey u ahaa taliyihii nabad-sugidda Soomaaliya ayaa sheegay in Ahlu suna aysan haysan hub culus islamarkana waxa ay haystaan ay tahay dhowr gaari oo tikniko ah.
"Baabuur badan ma wataan saddex baabuur iyo labo baabuur oo ay dowladda ay ayaan hore ka qabsadeen , shantaas gaari ayay haystaan," ayuu yiri Mr Fiqi
"Rasaastu waa wax la beeciyay iyo ciidanka soo goostay wixii ay wateen iyo keyd hore oo u yaalay waagii ay cariga ka talinayeen keydkoodii rasaasta waxbaa uga yaalla marka waxaasi oo la isku daray ayay dagaalka u isticmaalayaan," ayuu yiri.
Ahlu-sunna ayaa la sheegay in tan xilligii la asaasay ay dhaqaalo ka heli jireen dadka deegaanak iyo dadka kale ee aaminsan mad-habkooda ee ku sugan daafaha caalamka.
"Dhaqaala ahaan waxay ku tiirsan yihiin dadka manhajkooda aaminsan haba ugu badnaadaane dadka gobolada dhexe ee Galmudug deggan oo xoolaha iyo tabarucaadka iyo dad dibadaha jira oo manhajkaa aaminsan oo ilaa hadda wax u soo dira ayuu yiri," mr Fiqi.
Wasiir Fiqi ayaa xusay in dhalinyarada ahlu-sunna ee imika dagaalamaysa ay yihiin dad mintid ah oo aysan jirin meel ay u baxaan taasina ay keentay in ciidamada dowladda ay iska cabiyaan.
maxaa keenay in ay ciidaamda dowladda ku adkaato in ay qabsadaan Guriceen?
Cabdisalaan Yuusuf Guuleed oo ahaa taliya ku xigeen hore ee hay'adda nabad-sugidda ee (NISA) ayaa dhankiisa qaba in abaabulka iyo hoggaanka ciidamada dowladda u ahaa mid liitay.
"Ragga isu yimid ee ahlu-sunna la galaya dagalka ma aha niman leh Commander cotrol oo khibrad dagal iyo dagaal galin leh ma aha, taasi waxay keentay in maalinkii kowaad-ba ay ciidankii oo dhan ay galiyaan oo saraakiishoodii wada dhimatay," ayuu yiri.
Mr Guuleed ayaa dhanka kale rumeysan in markii hore ee duulaanka lagu qaadayay la dhayalsaday awoodda ciidamada Ahlu-sunna .

Xigashada Sawirka, GOOBJOOG NEWS
Taariikh kooban Ahlu-sunna
Ahlu-sunna ayaa markii ugu horeysay soo ifbaxy sanaddii 2008-dii sida uu sheegay Axmed Macallin Fiqi.
Waxaa Ahlu-sunna asaasay culumaddii daganayd magaalaad Guriceel.
xiligii la asaasayay waxaa magaalada Guriceel ka talinayay Al-shabab oo iyagu xiray qaar ka mdi ah culumada taasi oo ay ka dhalatay in ay dhalinyarada iyo culumada ka fal celiyaan.
Ilsa sanadaasi 2011 ayaa waxa ay billaabeen in ay dagaal la galaan Al-Shabaab. Waxaa lagu bilaabay dhalinyaradii xirta ahayd ee deegaanadaasi kutubta ka akhrisanayay.
Asasaakooda ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay al-Shabab dileen qaar ka mid ah culumadii halkaasi joogay islamarkana ay qaar kale isaga carareen.
24-kii April, 2011, Ahlusunna Waljamaaca ayaa Al-Shabaab kala wareegtay Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.
Ahlu Sunna ayaa markii dambe xoog ku muquunisay Al-Shabaab, isla markaana ka saartay inta badan deegaannada gobollada dhexe.










