Halkee ayay Soomaaliya kaga jirtaa dalalka ugu shaah cabka badan adduunka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shaahu waa cabitaanka loogu cabid badan yahay dunida oo dhan. Sida laga soo xigtay warbixin sanadkii 2016 laga soo saaray shaah cabidda, Turkiga ayaa hoggaanka u haya dalalka aadka shaaha looga cabo ee adduunka.
Waxaa ku xiga dalka Ireland iyo UK, halka dalalka Ruushka iyo Morocco ay kala galeen kaalmaha afaraad iyo shanaad.
Halkan hoose, ayaan ku qeexeynaa shaah cabidda iyo sida ay dalalka dunidu ugu kala horreeyaan.
Turkiga

Xigashada Sawirka, Getty Images
Turkiga waa dalka ay dadkiisu ugu shaah cab badan yihiin guud ahaan caalamka. Sida ay tilmaameyso xogta la helay qof walba oo Turki ah wuxuu cabaa celcelis ahaan ilaa 1,300 oo koob oo shaah ah (3.16kg) sanadkiiba. Taasi waxay u dhigantaa 3-4 koox maalintii, iyadoo tirada koobabka shaaha ee ay Turkidu cabaan ay gaaraan ilaa 10 xilliyada qaboobaha.
Haddii si kale loo dhigo, cabitaankan waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah dhaqanka Turkida. Waxaad arki kartaa dad ku cabaya guryahooda dhexdooda, maqaayadaha iyo meelaha raggu ku caweeyaan, isu imaatinnada bulshada sida tacsida iyo aroosyada. Turkida ayaa sidoo kale shaah kusoo dhoweeya martidooda.
Nooca ugu badan ee laga cabo Turkiga waa shaaha madow. Si kataba, noocyada kale ee shaaha sida ka laga sameeyo caleenta rosehip, kan ubaxa Linden laga sameeyo iyo kuwo kaleba waa laga cabaa dalkaas.
Ireland

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa la isla dhex maraa in Ireland uu yahay dalka labaad adduunka ee ay ku badan yihiin kuwa caba khamriga marka laga soo tago Jamhuuriyadda Czech. Si kastaba, dalkan keliya kaalinta labaad kama gelin cabidda khamriga ee balse cabidda shaaha ayuu sidoo kale kaalinta labaad kaga jiraa.
Sida ay tilmaameyso xogta la hayo, celcelis ahaan waxaa dalkaas laga cabaa 2.19 kg oo shaah ah sanadkii, sidaas ayuu ku noqonayaa dalka labaad ee ugu shaah cabka badan dunida, waxaana aad looga cabaa shaaha madow oo khafiif ah.
Dhaqanka shaah cabidda ee dalkaas wuxuu kasoo billowdaa 200 oo sano kahor markii dadka reer Ingiriis ay dalkaasi bareen in shaahu yahay cabitaanka dadka taajiriinta ah.
Markii dambe, shaahu wuxuu noqday mid ay wada heli karaan dadka Ireland, taasoo keentay in isticmaalkiisu uu aad u bato oo ay dadku isku kululeeyaan martidana kusoo dhoweeyaan.
UK

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalka saddexaad waxaa noqday United Kingdom, oo sanadkii laga cabo 1.94kg oo shaah ah. Shaaha waxaa dalkaas baray dadka kasoo jeeda Holland dabayaaqadii 1650, kuwaasoo shaaha cagaaran kasoo dhoofin jiray Shiinaha mar dambena HIndiya.
Wax yar kadib, keliya dadka boqortooyada kasoo jeeda ayaa heli karay shaaha sababo la xiriira canshuurta saa'idka ah ee keentay in qiimihiisu aad sare ugu kaco.
Canshuurta saa'idka ah ee shaaha saarneyd ayaa dhalisay in si qarsoodi ah dalkaas lagu soo geliyo caleenta.
Waxaa kadib la yareeyay xaddiga canshuurta caleenta shaaha taasoo sababtay in dhammaan dadka Britain ay helaan shaaha.
Noocyadii ugu badnaa ee UK laga isticmaali jiray waa shaaha madow, Earl gray, chamomile iyo peppermint.
Ruushka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ruushka waa dalka afaraad adduunka ee ugu shaah cabka badan iyadoo sanadkii laga cabo 1.38kg oo shaah ah.
Sanadkii 1630 ayuu shaahu gaaray Ruushka markaasoo safiirkii Shiinaha uu shaah caddiyad uga dhigay Aleksey Mikhailovich oo Ruushka ka talin jiray, isagoo uga dan lahaa wanaajinta xiriirka ganacsi ee Ruushka iyo Shiinaha.
Mar dambe isla sanadkaas, labada dal ayaa galay heshiis ganacsi, sidaas ayuuna shaahu ugu baahay Ruushka.
Maanta, dadka Ruushka maalintii oo dhan ayay shaah cabaan, waxayna jecel yihiin kan aadka u macaan ee caleentu ku badan tahay, mararka qaarna waxay ku darsadaan liin iyo caleenta mint.
Soomaaliya halkee ayay kaga jirtaa dalalka ugu shaah cabka badan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaan shaki ku jirin in dadka Soomaalida ay aad u jecel yihiin shaaha, gaar ahaanna kan caddeyska ah.
Balse Soomaaliya ma aysan soo gelin liiska tobanka dal ee ugu shaah cabka badan adduunka.
Shaaha Soomaalidu wuxuu shaahyada kale uga duwan yahay in lagu daro dhirta sida heelka, qarfaha iyo sanjabiilka, waxaana la sheegaa in Soomaalidu jecel yihiin shaaha kan macaan.
Dhaqanka Soomaalida ayuu sidoo kale qeyb ka yahay shaaha, waxaana kala duwan sida qoys walba uu shaahu u sameysto.













