Shaah ma daare : 64 jir aan afartan sano oo Cimrigiisa ah shaah afka saarin

Eng Cabdulqaadir Cabdulaahi Cali oo ah 64 jir bartay cilmiga muhandasnimada ayaa ku dhashay sanadkii 1958dii baadiyaha Degmada Garbo ee Gobolka Nogob ee Dowlada Deegaanka Soomaalida
Eng Cabdulqaadir Cabdulaahi oo ku magac dheer Bureyda ayaa kuraynimadiisa ahaa geeljire ka hor inta uusan u tacliin doonanin magaalooyinka xiliyadaas oo kurayga ahaa ayuu sheegay in reer miyiga uu san sida maanta uu isticmaalo shaaha u cabi jirin oo shaa cabistu ay aalaaba ku koobneyd magaalada.
markaan baadiyaha joogay shaahba maanaan aqoon kolkaan magaalada soo galayna dan weynba ka ma yeelan kolkiiiga soo horbaxana waan cabi jiray mana raadsan jirin waxaanse maqli jiray dadka oo leh shaah baa i haya markaas baan ku odhan jiray halkuu kaa qabtay ma caloosha ma madaxa
Injineer Bureyda oo labaatankii sano ee u danbeeyay ku nool deegaanka kadib markii uu ka soo guuray Ingiriiska ayaa asxaabtiisa waxay ku naaneysaan shaah-macabow isagoo inta badan lagu arko xiliyada uu firaaqada haysto isaga oo fadhiya goobaha shaaha lagu cabo, inta aan la joogay ee wareysign aan qaadayay waxaan dareemay inxataa 8 shaqaalaha goobaha shaaha ay barteen in uusan dalab shaah ama Bun(qaxwe) dalbaneeyn.
Goorma ayay shaah iyo Injineer Bureyda kala boodeen?
sanadkii 1979kii ayuu Injineer Bureyda sida uu sheegay isaga oo arday ka ah dalka Uganda waxa uu fasax ku yimid magaalada Mombasa ee dalka Kenya, galabtii ayuu imaan jiray maqaaxi shaah oo halkaa uu ku lahaa nin reer Muqdisho ahaa Soomaaliduna isugu imaan jirtay waxaana daw ahayd in qofkii Muqaaxixadaa soo fadhiisto uu dalbado ugu yaraan koob shaah. sidaas ayuu Bureyda ku cabayay shan iyo toban maalmood shaah oo ay Soomaalidu dhahdo sheekaduu bilaa.
Maalinkii lix iyo tobnaad ayuu ka baaqday koobkii casariyaha ahaa waxa uuna isla galabtaa dareemay madax xanuun uu u maleeyay markii uu la wadaagay saaxiibkii oo galabtaa xeebta la joogay waxaase wax uu qaadan waayay ku noqotay markii uu saaxiibkii u sheegay in malaha uu shaah hayo.
Waxaan ku idhi "cabaasoow madaxaa la iga hayaa "
markaasuu igu yidhi "malaha shaah baa ku haya"
waxaan ku idhi "Shaah ima qabto aniga ma reer magaal baad i mooday sidaada oo kale"
"ma ihi dadka aalaaba qaata kaniiniyada xauun baabi'yaha ah oo markaan madax xanuun dareemo waan yara seexdaa galabtaa intaan xaafada ku soo laabtay ayaa seexo is idhi waan gami' waayay waxaan u maleeyay in maadaamada magaaladu kaneeco badneed in Malaariyo i hayso abaaraha sagaalkii fiidnimo ayaan u qasday in aado isbitaalkii weynaa ee Mombaasa markaan ku dhawahay ayaa arkay muqaaxi shaah oo hindi lahayd waan ku leexday intii aan sii socday baan is la sii tashaday waxaan is idhi hadii waxa ku hayo uu shaah yahay dhimataye maxaad ka nooshahay hadii uu noqda waxan shaah waa in uu noqdaa koobkii kuugu danbeeyay markaan koobkii cabay ayaa waxaa iga soo booday dhidid oo aan dareemay caafimaad saas ayaana shaah isku deynay" ayuu yidhi Injineer Cabdulqaadir Cabdulaahi Bureyda.
shaaha oo kaliya ah ma deyn Bureyda
waxa uu aaminsanyahay Injineer Bureyda in shaaha bunka jaadka sigaarka iyo wax walba oo qofka markuu barto ku keena qabatin in uu yahay wax qofka xoriyadda ka qaadayo sidaa darteedna ay tahay in qof walba uu la dagaalamo wax walba oo shaqsiyadda qof badalaya khasbayana isagoo aaminsan in qofka oo ka adkaado naftiisa iyo damaacigeeda uu gaadhayo heerka ugu sareeyo ee adaanaha
Injineer Cabdulqaadir Cabdulaahi Bureyda waa aqoonyahan wax badan ka badalay nolosha arday xoolodhaqato ahayd iminka dadaal uu sameeyay ku dhameeyay jaamacada waa aasaasihii dugsiga hoyiga ee Sheygoosh isaga oo caan ku ah haladaygnimo balan oofin uu caan kaga yahay bulshada uu la noolyahay













