Muxuu ahaa ninka ay Iiraan ku fulisay xukunka dilka ah ee ay sheegeen inuu basaas u ahaa Israa'iil?

Iran

Xigashada Sawirka, IRNA

Garsoorka Iran ayaa sheegay in xukunka dilka ah ee Ismaciil Fekri la fuliyey kaas oo lagu eedeeyey inuu "basaas u ahaa Israa'iil"

Hay'adda ayaa sheegtay in ka dib markii xukunkii hore la soo saaray, kiiska loo gudbiyey Maxkamadda Sare racfaan ahaan, taas oo sida ku cad dukumentiyada ay maxkmadu go'aankeeda ku xaqiijiyey kuna gabagabeysay.

Sida laga soo xigtay garsoorka, xukunka dilka ayaa la fuliyey "kadib markii la maray dhammaan hannaanka dacwad oogida, lana meel mariyay xukunka Maxkamadda Sare."

Sida laga soo xigtay Mizan, wakaaladda wararka garsoorka Iran, Ferki ayaa la xiray Bishii December sanadkii 2023-kii.

Ismaaciil Fekri, ayaa lagu eedeeyay "la shaqaynta Mossad," sida uu sheegay garsoorka.

Ninkan ayaa garsoorku sheegay inuu isku dayey inuu "siiyo cadowga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran xog sir ah oo xasaasi ah oo ku saabsan dalka, si uu baddelkeeda ugu helo abaal marin."

Waklaada Mizan, ayaa sheegay in Fekri " xiriir la sameyey" laba sarkaal oo ka tirsan Mossad oo ah hay'adda sirdoonka Israa'iil.

Garsoorka, wuxuu sheegay in xiriirkii ugu horreeyey uu sameeyey horraantii sanadkii 1401, ee sanad tirsiyeedka Iran oo u dhiganta sanadihii 2022-2023, ka dibna Mr Fekri "loo wareejiyey saraalka labaad ee Mossad, kaas oo waydiistay eedaysanaha inuu abuuro madal cusub oo xirirka iyo xogta muhimkaba uu ugu gudbiyo madashaas.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bilowgii May, garsoorka Iran ayaa ku dhawaaqay in la fuliyay xukunka dilka ee Mohsen Langarneshin, oo isagana lagu eedeeyay inuu " Basaas u ahaa hay'adda sirdoonka Israa'iil, Mossad."

Mr. Langarneshin, ayaa soo bandhigay inuu yahay "Basaas sare iyo taageere dhowr howlgal oo Mossad ay ka fulisay Iran," Garsoorka ayaa ku andacoonaya inuu ahaa "Taageerihii hawlgelinta iyo farsamada dilkii" Hassan Sayyadkhodaei, oo ahaa kornayl ka tirsan Ilaalada Kacaanka.

Mudane Sayyad Khodai, waxaa la dilay bishii Juun 1402 ee xilli sanadeedka Iran, oo ku beegnayd sanadihii 2023-2024, isagoo ka soo baxaya gurigiisa magaalada Tehran, waxaana toogtay labo qof mootada watey oo rasaas ah ku furay "shan jeer". Bilihii ka horreeyay fulinta xukunka, welwelka ku saabsan fulinta xukunka labada maxbuus ayaa sii kordhay.

Waxaa la rumeysan yahay inay tani tahay dilkii saddexaad ee noocan oo kale ah oo dhawaan dhacay.

Mas'uuliyiin kale oo lagu tuhunsan yahay inay basaas u yihiin Israa'iil ayaa la xiray gudaha Iran tan iyo jimcihii, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran.

Garsooraha guud ee dalka, Gholamhossein Mohseni Ejei, ayaa sheegay in marka la eego colaadda hadda jirta, maxkamadeynta dadka lagu tuhunsan yahay inay la shaqeynayaan Israa'iil ay tahay in si dhaqso ah loo qabto.

Dhanka kale, labo qof oo Israa'iil ah ayaa Axaddii la xiray iyagoo lagu tuhunsan yahay basaas u yihiin hay'adda sirdoonka Iran.

Xiisadda Iran iyo Israa'iil

Iran iyo Isreal

Xigashada Sawirka, Reuters

Labada dal ee Iran iyo Israa'iil ayaa xiisadda ka dhaxaysaa sii korortay ka dib markii jimcihii Israa'iil gudaha Iran ka fulisay duqaymo ay ku dishay saraakiil sarsare oo ka tirsanaa ciidamada Iran iyo saynisyaho ka tirsanaa barnaamijka Nikliyeerka ee Iran.

Sabtidii, Iran ayaa bilowday gantaallo ay ku riday dhanka Israa'iil oo ay sheegtay inay kaga aargoosanayso howlgalkii Tel Aviv.

Labadan dal ee ku yaalla Bariga Dhexe ayaa hadda xiisadda ka dhex oogani u muuqataa mid saamayn calaamiya yeellay iyadoo Israa'iil sheegay in ujeeda howlgaladda ay fulay ay ahaayeen beegsiga barmaanijka Nikliyeerka ee Iran iyo in meesha laga saaro nidaamka Iiraan maamula.

Weerarada ay is dhaafsadeen laba dhinac ayaa sababay khasaare, dhimasho, dhaawac iyo burbur dhismayaal magaalooyinka labada dal ah.

Wamada G7 oo Canada ku leh shirkooda ayaa ku booriyey dhinacyada inay xakameeyaan xiisadda.

Isagoo la hadlayay warfidiyeenada ka hor inta aanu u ambabixin shirka dalalka G7 ee dalka Canada, ayaa Trump waxa uu sheegay in Maraykanka uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Israa'iil, waxa uuna ka gaabsaday in uu dalkaasi ka codsaday in la joojiyo weerarrada ka dhanka ah Iiraan.

Dalalka caalamka ayaa sidaas oo kale ugu yeeray dhinacyada is xakamayn.