Trump oo Israa'iil ka codsaday in aanay dilin hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan

Hoggaamiyaha Iiraan

Xigashada Sawirka, Reuters

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa diiday qorshe ay Israa'iil ku doonayso in ay ku disho Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iiraan Aayatollah Cali Khamenei, sida ay CBS News oo BBC-da gacan-saar le leh ay u sheegeen saddex sarkaal oo Maraykan ah.

Trump ayaa la sheegay in uu ku waaniyay raysal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu in dilka Khamenei aanu ahayn "fikrad wanaagsan", sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiishaasi.

Wadahadalka ayaa la sheegay in uu dhacay kaddib markii Israa'iil ay weerar ku qaadday Iiraan, maalintii Jimciha.

Intii lagu guda jiray wareysi uu siiyay Fox News, Netanyahu ayaan si toos ah u xaqiijin ama beenin warbixin ay daabacday Reuters oo ahayd in Trump uu diiday qorshaha lagu khaarajinayo Aayatullah.

"Waxaa jira warar badan oo been abuur ah oo ka warramaya wada hadallo aan waligood dhicin, mana geli doono taas," ayuu yidhi raysalwasaaraha Israa'iil.

Laakiin waxaan idiin sheegayaa, waxaan u malaynayaa in aanu samayno waxa ay tahay in aanu samaynno. Waanan samayn doonnaa. Waxay ila tahay in Maraykanku uu garanayo waxa u wanaagsan Maraykanka, mana doonayo in aan ku dheeraado".

Sarkaal Israa'iil ah ayaa u sheegay CBS News in "mabda' ahaan" Israa'iil aanay "dilin hoggaamiyeyaasha siyaasadda, waxaan diiradda saaraynaa nukliyeerka iyo militariga. Uma malaynayo in qof kasta oo go'aan ka gaadhaya barnaamijyadaas ay tahay in uu ku noolaado si xor ah oo madax bannaan".

Donald Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Israa'iil ayaa markii ugu horraysay weerar ku qaadday kaabayaasha nukliyeerka Iiraan iyo bartilmaameedyo kale, Jimcihii. Labada dal ayaa tan iyo xilligaas sii waday duqaymaha ba'an ee midba kan kale u uku beegsanayo, iyadoo weerarradu ay galeen maalintii afaraad.

Qoraalkiisii ugu dambeeyay ee Truth Social u uu ju daabaco ee ku saabsan xaaladda sii kordhaysa ee Bariga Dhexe, Trump wuxuu yidhi "Iiraan iyo Israa'iil waa in ay heshiiyaan", isagoo raaciyay in labada dhinac ay la gudboon tahay in ay joojiyaan colaadda "sida aan xal ugu helnay Hindiya iyo Baakistaan" - isaga oo tixraacaya iska horimaadyadii u dambeeyay ee u dhexeeya dalalkaasi.

Isagoo la hadlayay warfidiyeenada ka hor inta aanu u ambabixin shirka dalalka G7 ee dalka Canada, ayaa Trump waxa uu sheegay in Maraykanka uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Israa'iil, waxa uuna ka gaabsaday in uu dalkaasi ka codsaday in la joojiyo weerarrada ka dhanka ah Iiraan.

Wareegga xiga ee wadahadalada Nukliyeerka ee Maraykanka iyo Iiraan ayaa markii hore loo qorsheeyay in ay dhacaan Axadda, laakiin dhexdhexaadiyaha, wasiirka arrimaha dibadda dalka Cummaan, Badr Albusaidi, ayaa ku dhawaaqay maalin ka hor in la joojiyay.

Iiraan ayaa u sheegtay Qatar iyo Cummaan in aanay u furnayn in laga wada xaajoodo xabbad joojinta inta ay weli socdaan weerarrada Israa'iil, sida uu Reuters u sheegay sarkaal dhinaca warbaahinta ah, maalintii Axadda.

Trump ayaa Sabtidii xusay in Maraykanku "aanu wax lug ah ku lahayn weerarka Iiraan".

"Haddii si uun na loo soo weeraro, waddo kasta oo ay Iiraan nagu soo weerarto, awoodda buuxda ee ciidammada Mareykanku waxay kuugu soo degi doontaa heer aan horay loo arag," ayuu yidhi Trump oo digniintan bixiyay.