Waa maxay sababta calanka Cas looga taagay masjidka Jamkaran ee magaalada Qom?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kaddib markii Israel ay weerartay saldhigyada nukliyeerka Iran gelinkii hore Jimcaha kaas oo sababay in dhowr taliye oo militeri iyo seynisyahanada nukliyeerka ay dhintaan, ayaa waxaa calan Cas laga taagay minaarada masjidka Jamkaran ee Qom oo ku yaal magaalada toddobaad ee ugu weyn dalka Iran.
Warbaahinta ayaa sii deysay sawirada dad badan oo taagan daarada masjidka kaddib markii calanka Cas laga taagay minaarada.
Hadaba muxuu yahay calankan Cas ee laga taagay minaarada masjidka? Muxuuse kaga dhigan yahay calankan Cas firqada Shiicada?
Muxuu yahay calanka Cas?
Aan ku bilowno marka hore waxa uu yahay calankan Cas. Calankan ayaa hore loo taagay kaddib markii lagu dilay hoggaamiyhii Xamaas, Ismaaciil Haniyeh magaalada Tehran ee caasimada Iran sanadkii hore.
Sidoo kale waxaa calanka Cas la taagay kaddib dilkii Qassem Soleimani oo ahaa taliyihii ciidamada Qudus ee ilaalada kacaanka kaas oo lagu dilay duqeyntii Mareykanka ee Baqdaad bishii Janaayo ee 2020-kii.
Dhaqanka Shiicada waxa uu midabka Cas kaga dhigan yahay dhiigga dadka dhintay. Calamada Cas waxaa inta badan laga taagaa masaajidyada ama meelaha tacsiada gaar ahaan inta lagu jiro bisha Muxaram.
Sida uu sheegay Yasin Hosseinabadi oo ka mid ah maamulayaasha arrimaha dhaqanka ee masjidka Jamkaran, in calankan laga taago masjdka waa arrin ku cusub masjidkan.
Wareysi ay la yeelatay wakaalada wararka ee AFP sanadkii 2020-kii ayuu ku sheegay in calanka la saaray saddex sano ka hor qeybtii ugu horeysay baroordiiqdii bisha Muxaram markaas oo Shiicada ay xusaan dilka imaam Hussein ibn Ali.
Calanka waxaa ku qoran erayo ay ka mid yihiin, "Shuhadadii Al-xuseen".
Shiicada waxay u aragtaa Imaam Xuseen in uu ka mid yahay dadka ugu xurmada badan iyo shaqsiyaadka ugu sareeya mabaadi'da cadaaladda ee Shiicada.
Kaddib dilkii Qassem Soleimani oo ahaa taliyaha guutada Al-qudus ee ciidamada ilaalada Kacaanka, Hosseinabadi waxa uu ku dhawaaqay:
"Shuhadada Janaraal Qassem Soleimani iyo saaxiibadii dartood, iyo baaqa aargoosiga ee hoggaamiyaha Kacaanka, waxaan taagnay calanka Cas si dhammaan Shiicada adduunka kala joogta iyo qof kasta oo xor ah oo adduunka ku nool ay isugu yimaadaan, ugana aargoostaan dhiiga sida sharcidarada lagu daadiyay ee Qassem Soleimani."

Xigashada Sawirka, Tasnim News Agency
Waa maxay muhiimadda uu leeyahay masjidka Jamkaran?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sdia lagu dhisay masjidka Jamkaran waxay salka ku haysa qisooyin la xiriira halyeey soo maray taariikhda Shiicada.
Sida ay aaminsan yihiin Shiicada Iiraaniyiinta, imaamyadii labo iyo tobnaad ee Shiicada waxaa ka mid ahaa imaan aad diinta ugu fiicnaan oo la oran jiray Hassan ibn Mutlah Jamkarani, imaamkaas ayaa lagu amray sida ay qabaan in uu dhiso masjid. Goobta masjidka laga dhisay sida ay sheegeen Shiicada waa halka hadda uu ka dhisan yahay masjidka Jamkaran, waxayna qabaan in uu halkaas ku tukan doono marka uu soo baxo imaamkaas.
Masjidka waxa uu ku yaalaa dibadda magaalada Qom oo ah magaalo barakeysan sida ay qabaan Shiicada, waana xarunta ugu weyn fiqiga Shiicada Iran.
Masjidka ayaa si tartiib tartiib ah u helay muhiimad kaddib markii uu awooda la wareegay Ayatollah Ali Khamenei oo uu noqday hoggaamiyaha Jamhuuriyada Islaamka sanadkii 1989-kii.
Sida ay wararku sheegayaan, inta badan waa goobtii uu ku tukan jiray Qassem Soleimani, oo ahaa taliyihiin guutada Ilaalada Kacaanka ee Qudus.
Masjidka Jamkaran si weyn ayuu u sii balaartay sodonkii sano ee la soo dhaafay. Hadda waxa uu leeyahay ilaa iyo shan minaaradood, waa arrin aan lagu aqoon inta badan Shiicada in masaajidyadooda yeeshaan shan minaaradood. Inta badan masaajidyada Shiicada waxay leeyihiin hal minaarad.













