Falanqeeyayaal Soomaali ah: Sidee ayay noqon kartaa saamaynta weerarka Iran iyo Israa'iil?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Jimcihii aroortii, Israel waxay weji cusub u yeeshay xaaladdii ka taagnayd Bariga Dhexe kaddib markii ay weerar lama filaan ah ku qaadday xarumaha nukliyeerka Iran, isla markaana ay dishay saraakiil sar sare oo badan oo Iiraaniyiin ah.

Iran waxay si degdeg ah uga jawaabtay iyada oo qaaday weerar ballaadhan oo ay u adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo taas oo ay ku beegsatay Israel.

Tan iyo weerarradaas wax badan ayaa isbeddlay, qiimaha shidaalka aya akor u kacay, waxaana laga baqayaa in dagaalku sii baaho.

BBC-du waxa ay la hadashay qaar ka mid ah falanqeeyayaal Soomaali ah oo xaalka qiimaynaya, saamayntiisa iyo sida uu ku danbayn karo.

"Iran waa dawlad weyn marka la eego xagga dadka iyo hubkaba, Israa'iil weerarkan ay ku qadaayso waa cabsi ay awooddaas ka qabaan. Kolkaa Iranna waa awood marka loo eego bariga dhexe. Israa'iil dhul ahaan waa dhul yar, se hub ahaan waa dawlad hub badan oo awood leh haysata, saaxiibbo waaweynna leh sida Maraykanka iyo waddammada reer Galbeedka, oo dhammaantood la leh xidhiidh saaxiibtinnimo taas ayayna isku hallaynayaan" ayuu ku qeexay Yuusuf Xasan oo ahaa saxafi hore iyo falanqeeya arrimaha Bariga Dhexe, sida oo kalena booqday badiba dhulka Israa'iil iyo guud ahaan Bariga dhexe.

"Israaiil, oo weerarka bilawday durba xaalad bandaw bay galeen, oo dadkoodii guryaha in ay joogaan bay faree. Markaa dhaqaale burbur weyn ayay Israaiil u tahay, iyada awalba ay sii haysteen xaalado dagaal, oo lubnaan kii ay ku qadday, Falastiin iyo Xuutiyiinta kanna ugu biiray. Markaa labada dal ba hawadooda diyaarado ma gelayaan, oo xaalkani ammaankoodii buu saamaynayaa, oo labada dalba ma haystaan ammaan sugan oo la isku halayn karo. Si fudud labada dal midna ma leh ammaan, waxaana ay wejahayaan burbur, dhimasho, cabsi iyo wixii ugu xumaa ee ka iman kara meel la qarxinayo ama la duqaynayo" ayuu qabaa Cabdiqani Xaamud Abuukaroo arrimaha Bariga Dhexe si dhaw ula socda.

"Labada dal saamayn buu ku yeelanayaa, oo dhaqaalahoodii iyo kharashkoodii waxa ay u jeedinayaan dhanka difaaca. Ku dhawaad sidaynu ognahay boqolkiiba afartan wuxuu maraa ama ka soo baxaa shidaalku waddammada Khaliijka oo Iran aaggaas deggan tahay, markaa saamayn ayay ku yeelanayaan isusocodkii adduunka iyo bariga ehexe. Hadday tahay cirka iyo baddaba, wixii halkaa ka dhacaana waxa uu saamayn ku yeelanayaa noloshii iyo dhaqaalihii adduunka" ayuu BBC-da u sheegay Xasan Ciise Qaasaalli.

Falanqeeyayaasha ay ka digaya khatar baahsan ooo xaaladdan oo sii socotaa abuuri karto, iyada laga cabsi qabo in arrintu faraha ka baxdo.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhinacyadu weli waxa ay ku adkaysanayaan in ay weerarradooda sii wadayaan. Waxaana laga digayaa in dagaalku ku sii baaho gobolka oo dhan ama ay soo galaan awoodo kale, taas oo arrinta uga sii dari karta.

Kacaanka Iiraan ee Islaamiga ah ayaa sanadkii 1979 qabtay hoggaanka wuxuuna loollan la galay dalalka Galbeedka. Wixii intaa ka dambeeyay, hoggaamiyeyaasha Iiraan ayaa ka hadlayay burburinta Israa'iil.

Si taa la mid ah, Iiraan dal uma aqoonsana Israa'iil. Waxay Iiraan sidoo kale Israa'iil ku eedeysaa sii wadidda heysashada dhulalka Muslimiinta.

Israa'iil, ayaa dhanka kale, u aragta Iiraan khatar. Waxay ku adkeysaneysaa in Iiraan ay dooneyso inay sameysato hub nukliyeer.

Inkastoo Iiraan iyo Israa'iil aysan xad wadaagin, xiisadda u dhaxeysa labada dal ayaa sii socota.

Iiraan iyo Israa'iil ayaa muddo dheer ay xiisad ka dhaxeysay. Labada dal ayaa ka fogaaday dagaal toos ah, inkastoo labadoodaba ay qaadeen weerarro aargoosi ah.

Iiraan ayaa sii wadda taageerada kooxaha hubeysan ee bartilmaameedsanaya Israa'iil – waxay taageertaa Xamaas-ta Qasa iyo Xisbullaahi-da Lubnaan.

Si taa la mid ah, kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa ka mid dhinacyada u janjeedha dhanka Iraan ee markasta ku doodda una taagan in ay Israa'iil la dagaallamaan

Maxaa xiga?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa muujiyay rajo ah in weerarka Israel uu ku qasbi doono hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, inuu dib ugu laabto miiska wada-hadallada — kaddib toddobaadyo uu diiddanaa dalabka Trump ee ah in Tehran ay joojiso dhammaan hodminta iyo tarminta macdanta laga sameeyo Nukliyeerka uranium-ka.

Laakiin safiirkii hore ee Mareykanka Ryan Crocker, oo ka mid ah diblumaasiyiinta ugu khibradda badan gobolka, ayaa aaminsan in arrintaasi ay Khamenei u noqon doonto "dulleyn iyo is-dhiib aan la aqbali karin" — taasoo micnaheedu yahay in colaadda ay sii socon doonto oo ay kasii halis badan doonto.