Maxay Soomaaliya u noqotay mid ka mid ah dalalka Afrika ee si fudud lagu helo dal ku galkooda?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Soomaaliya ayaa ka mid noqotay dalalka ugu soo dhaweyn badan Afrika, marka ay noqoto dadka socdaalka ah, iyadoo kaalinta 17-aad ka gashay Tusmada Furfurnaanta Dhanka Fiisaha Afrika ee 2024 (AVOI), ayna heshay dhibcaha 0.785.

Arrintan ayaa ka dhigan in ay si weyn uga horrayso dhanka kala sarraynta dariskeeda Kenya, oo hoos u dhacday 17 boos kuna jirta kaalinta 46-aad, inkastoo ay dhowaan ku dhawaaqeen siyaasad cusub oo ah "in aan fiiso loo baahnayn" sannadkan.

AVOI, oo ay taageerto Midowga Afrika islamarkaana uu wado Baanka Horumarinta Afrika (AFDB), waxay qiimeysaa sahlanaanta ay dalalkaas dadku kaga helaan dalku-galladooda, marka ay rabaan in ay u safraan.

Kaalinta Soomaaliya waxay muujineysaa in shuruudo yar yar mooyee ay dadka Afrikaanka ah ee socdaalka ah si fudud ku tegi karaan, taasoo ka duwan Kenya, oo nidaamkeeda cusub ee loogu magac daray Electronic Travel Authorisation (ETA) lagu dhaleeceeyey inuu yahay “fiiso magaca loo beddelay.”

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa markii hore lagu ammaanay markii uu ku dhawaaqay in Kenya ay dhammaan dadka Afrikaanka ah u ogolaaneyso inay dalkaan soo galaan fiiso la’aan laga bilaabo Janaury 2024, isagoo Kenya u arkayey dal ku dhiirran isku-xidhka gobolka. Si kastaba ha ahaatee, nidaamka ETA—oo ku qasbaya inta badan dadka Afrikaanka ah inay internet-ka dalbadaan ogolaansho ugu yaraan saddex maalmood ka hor safarkooda—ayaa dhaleeceyn kala kulmay dadka, kaas oo lagu tilmaamay in uu yahay mid dhib badan.

“Nidaamka ETA wuxuu kordhiyey caqabadaha iyo tallaabooyin kale oo aysan u fududayn dadka socdaalka ah in ay buuxiyaan” ayuu warbixinta ku sheegay AfDB, iyaga oo ku raacay aragtida ganacsadaha reer Kenya Gina Din oo ku baaqday in dib loo eego siyaasaddaas.

ETA waxay ku qasbeysaa dadka socdaalka ah inay soo gudbiyaan faahfaahinta duulimaadkooda, caddeynta hotel-ka ay degayaan, iyo inay bixiyaan $30 fiiso ah, kaas oo u shaqaynaya 90 maalmood.

Kahor intaan nidaamkan la keenin, booqdayaasha ka socda in ka badan 40 dal oo Afrikaan ah ayaa si fudud uga degi jiray Kenya, fiiso la’aan ama fiiso lagu bixiyo gegida dayaaradaha. In kasta oo dadka ku xidhan Bulshada Bariga Afrika (EAC) laga dhaafay nidaamkan, haddana dadka kale ee Afrikaan ah ayaa u arka siyaasaddan mid dib-u-dhac ah.

.

Xigashada Sawirka, .

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dowladda Kenya ayaa difaacday nidaamka ETA, iyada oo sheegtay inuu yahay tallaabo amni oo lagula soconayo dadka soo galaya, maadaama khatarta argagixisada Al-Shabaab ay jirto. Si kastaba ha noqotee, saameynta nidaamka cusub ayaa si cad uga muuqata hoos u dhaca Kenya ee qiimeynta AVOI.

Dhanka kale, dalalka Benin, Gambia, Rwanda, iyo Seychelles ayaa ku hoggaaminaya Afrika furfurnaanta fiisaha, iyagoo ka qaadaya dhammaan dadka Afrikaanka ah qorshaha dal ku galnimada.

Suudaan ayaa ku jirta kaalinta ugu hooseysa, waxaana ku xiga Liibiya, Equatorial Guinea, iyo Eritrea.

Inkasta oo uu jiro muran ku saabsan nidaamka, Kenya waxay soo dhoweysay tiro sii kordheysa oo dalxiisayaal caalami ah, iyadoo ku dhawaaqday inay soo gaadheen in ka badan hal milyan oo booqdeyaal ah lixdii bilood ee ugu horreysay 2024—koror ah 21% marka la barbar dhigo sanadkii hore.

Laakiin dadka dhaleeceynaya waxay ku doodayaan in nidaamka ETA uu carqaladeynayo ujeeddada weyn ee ah isku xirka Afrika.

“ETA horumar ma ahan—waa fiiso, magaca kaliya loo beddelay,” ayuu yidhi Mohamed Hersi, oo ah khabiir ka tirsan warshadaha dalxiiska Kenya. “Waa in siyaasaddaas la waafajiyaa aragtida Afrika ee furfurnaanta ah.”