Maxay huteelada dalxiiska ee Turkigu xagaagan u haawanayaan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xilliyadan oo kale sanadkii, xeebaha Turkiga ee badweynta Mediterranean-ka, ayaa soo jiita dalxiisayaal badan, taas oo mararka qaar lagu macneeyo siday u buuxaan inaysan lahayn meel hal shukumaan lagu xirto laakiin maxaa dhacay xagaagan?
Inkastoo tirokoobyada rasmiga ah ay muujinayaan in dakhliga dalxiiska ee rubucii labaad ee sanadkan uu kordhay 12 boqolkiiba, marka loo eego sannadkii hore, kobaca dalxiiska ee Turkiga ayaa hoos u dhacay.
"Markii ugu horreysay muddo sanado ah, hoteellada waxaa soo food saartay deggenaansho la'aan weyn inta lagu jiro Luulyo," ayuu yiri Mohammed Jim, oo ka tirsan Ururka Macaamiisha Dalxiiska (TACONFED).
Turkiye, tiradani waxay caadi ahaan ahayd 90-95 boqolkiiba inta lagu jiro xilliga xagaaga ee ugu sarreeya.
Tan iyo markii ay dhammaadeen xannibaadihii Covid, tirada dalxiisayaasha ajnabiga ah ee adduunka ayaa kordhay sannad kasta.
Si kastaba ha ahaatee, xawliga kororka Turkiga ee dalxiisayaasha wuxuu ahaa mid gaabinaya marka loo eego meelaha kale ee dalxiiska ee kulaala badda Mediterranean-ka, maadaama dalxiisayaasha ajnabiga ah ay u muuqdeen kuwo doorbidaya inay helaan meelo qiimo ahaan jaban.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sicir bararka xoogan ee xilligan ka jira dalka Turkiga ayaa sidoo kale muwaadiniinta u diiday in ay aadaan fasaxa sababo la xiriira maciishada qaaliga ah, taasi oo keentay in hoos u dhac uu ku yimaado qiimaha hoteelada.
Sicir bararka rasmiga ah ee Turkiga ayaa hadda maraya 61.8%.
Nuur Duman, waa mulkiilaha hotelka Cesme, oo ku yaalla meel caan ah oo loo dalxiis tago oo ku taalla galbeedka Turkiga.
"Hadii aanu huteelku u dhawayn xeebta, ma awoodi kari lahayn inaan buuxiyo qolalkayga," ayay tiri, iyada intaaraacisay "huteelada kale ee ku yaalla gudaha ayaa silicsan, waxaana dhammaanteen ku qasbanaaday inaan hoos u dhigno qiimaha qolka."
Nuur, waxaa uu sidoo rumaysan yahay in xita qurbo-joogta Turkiga ee ku nool Yurub oo mararka qaarkood dib ugu soo laabta waddankoodii fasaxyada qurbaha aysan dooran inay yimaadaan.
Saamaynta dalxiiska ciyaaraha

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida laga soo xigtay mas'uuliyiinta Turkiga, dhacdooyinka isboorti ee ugu waaweyn Yurub ee xagaaga ayaa qayb ka ah hoos u dhaca tirada dalxiiska ee Turkiga.
Jarmalku waxa uu martigelinayey ciyaartii Euro 2024, iyo UEFA European Football Championship intii u dhaxaysay 14ka Juun ilaa 14ka Luulyo iyo in ka badan 600,000 oo dalxiisayaal ajnabi ah ayaa booqday tartamadaas.
Paris ayaa qaabishay in ka badan 11.2 milyan oo dalxiisayaal ah muddadii saddexda toddobaad ahayd ee ay matigalinaysay Ciyaarahii Olombikada ee sanadkan 2024-ka ee lagu qabtay Faransiiska.
Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Turkiga Mehmet Nuri Ersoy, oo qiray saameynta ay leeyihiin dhacdooyinka isboortiga ayaa sheegay in kororka tirada dalxiisayaasha uu sii socon doono ilaa Sebtembar.
"Tirooyinka hadda jira waxay soo jeedinayaan inay ku habboon yihiin inaan gaarno ama xitaa ka gudubno yoolkeenna 60 milyan oo booqasho ah dhammaadka sannadkan, taasoo kor u kacday 6%," ayuu yiri wasiir dalxiiska Turkiga.
Soo jiidashada jasiiradaha Giriiga

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska Turkiga Arsoy, wuxuu sheeganayaa in go'aanka Giriigga ee fududeynta xeerarka fiisaha ee muwaadiniinta Turkiga uu sidoo kale qayb ka yahay hoos u dhaca heerarka buuxinta hoteellada ee dhowr magaalooyin dalxiiska ee dalkiisa.
Bilowgii sanadkan, maamulka Giriigga ayaa soo bandhigay nidaam fiiso degdeg ah, kaasoo u oggolaanaya dalxiisayaasha ka imaanaya Turkiga inay fiisooyin helaan marka ay yimaadaan toban jasiiradood oo Giriig ah oo ku yaal Badda Aegean.
Dadka qaar ayaana muujiyey in jasiiradaha Giriiga ay ka jab yihiin Turkiga.
Warbixinnada waxay soo jeedinayaan in dowladda ay isku dayeyso inay la tacaasho sicir-bararka iyada oo hoos u dhigeysa heerka is-weydaarsiga lacagaha.
“Kororka heerka is-weydaarsiga lacagaha wuxuu si weyn uga hooseeyaa kororka kharashyada, taasoo keentay kororka qiimaha fasaxyada, gaar ahaan alojamiento,” ayuu yiri Firuz Bağlıkaya, madaxda TURSAB, urur dalxiiska oo Turkiga ah.
Tarkan Akyuz, oo ah milkiilaha hoteelka iyo madaxda madasha milkiilayaasha hoteellada ee xarunta taariikhiga ah ee Istanbul, wuxuu qiray in dalxiisayaasha ka imaanaya inta badan dalalka Balkanska ama Carabta ay doorbidaan Giriigga marka loo eego Turkiga, iyaga oo ka cabanaya kharashyada sare ee dharka ama cuntada.
Akoono badan oo baraha bulshada ayaa la iskula wadaagay biilasha jasiiradaha Giriigga, iyagoo sheegaya inay muujiyaan qiimooyin ka hooseeya kuwa Turkiga.
Isticmaale ka tirsan barta X, ayaa sheegtay in uu ku sugnaa jasiiradda Giriigga ee Lesbos afar habeen qiimaha kaga baxay halkaas uu u dhigmo hal habeen oo ay ku joogeen Ayvalik, oo ah magaalo daxliis oo ku taalla agaaga badda Aegean ee Turkiga.
Mas'uuliyiinta dalxiiska ayaa sheegay in Masar, Morocco, Tunisia, iyo Dubai ay sidoo kale noqdeen meelaha xiisaha leh ee dalxiisayaasha caalamiga ah iyadoo qiimaha Turkiga uu kordhay.
Sumcad xumo
Marka laga reebo qiimayaasha sare, warbixino badan oo ku saabsan dalxiisayaal lagu khiyaanay magaaloyinka dalxiisaka waxay sidoo kale saameyn ku yeelan karaan doorashada dalxiisayaasha shisheeye.
Bishii hore, shirkad ku taalla Antalya, oo ah meel dalxiis oo ku taalla koonfurta Turkiga, ayaa keentay muran weyn kadib markii ay ku qaadday dalxiisahaan 1,200 liras ($35; £27) laba koob oo casiir granad ah.
Dhaqamada noocan ayaa tusaale ahan dhibaatayna dalxiisa, sidoo kale xanibaadii dhawaan ee lagu soo rogay barnaamijka Instgram inkasta oo ay koobnayn ayaa sii kordhinaya dhibaatooyinka dalxiisa sida uu sheegay Tarkan Akyuz, oo matalaya 400 hoteel oo ku yaal xarunta taariikhiga ah ee Istanbul.
“Markii hore, waxaan awoodnay inaan saadaalino mustaqbalkeena. Hadda waxaan walaacsanahay,” ayuu intaas raaciyey.













