Maxay tahay sababta caruur lix jir ah ay caadada ugu dhici karto

Caadada xilligeeda ka soo hormarta

Xigashada Sawirka, Getty Images

“Waxaan ka xumahay in aan arko gabadheyda lix jirka ah oo muuqaalkeedii uu is beddelay. Wax yar ayey ka xanaaqaysaa. Isbeddelladaas welwel ayey i geliyeen”.

Hadalladaas waxaa ku hadashay Archana (ma aha magaceeda runta ah) oo ka mid ah dadka ku nool Satara oo ka tirsan gobolka Maharashtra, ayadoo ka sheekeynaysay isbeddelada ay ku aragtay gabadheeda.

Waa qoys ku nool miyiga, waxaana ayada iyo saygeeda oo beeraley ah uu alle ku manaystay laba ilmood oo tan weyn ay gabar tahay.. Gabadheeda ayaa waxay billowday inay ogaato isbeddel ku yimid nolosha carruurnimadeeda, waxayna go’aansatay inay isbitaalka gayso si ay u heshotalada dhakhtarka.

Rashi oo iyadana ku nool Delhi waxay isbeddel ku aragtay jirka gabadheeda oo ay moodeysay in wax iska caadi ah ay ku dheceen. Cunugteeda lix jirka ah ee miisaankeeduna ahaa 40 Kg, waxay u muuqatay mid faraxan oo caafimaad qabta.

Laakinse xaalku wuxuu isbeddelay markii Rashi gabadheeda uu dhiig ka yimid. Markii ay dawo la raadisay waxaa si cad loogu wargeliyey in gabadheeda ay ku billaabatay caadada.

Baaluqnimada xilliga hore

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxyaabaha dumarka welwelka galiya

“Way adkayd in aan rumaysto waxa uu dhakhtarku ii sheegay” ayey tiri Rashi, waxayna sii raacisay “gabadheydu ma fahamsna waxa dhacaya”.

Dhanka kale, Archana waxaa lagula taliyey inay aragto khabiir arrimaha dumarka ku xeeldheer , kaasoo gabadheeda baaritaan ku sameeyey.

Archana waxay gabadheeda u geysay dhakhtarka, markii baaritaan lagu sameeyeyna waxaa la arkay inay leedahay astaamihii baaluqnimada. “Jirkeeda wuxuu u ekaaday sidi cunug jira 14 ama 15 sano. Caadada waxay ku bilaaban kartaa xilli kasta wixii hadda ka dambeeya” ayuu yiri Dr Sushil Garud oo ka tirsan isbitaalka Motherhood hospital ee Pune.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhakhtarku wuxuu sheegay in heerka Hormoonada gabadha jirkeeda ku jira ay seddex goor ka badan yihiin da’deeda, ayna jiraan sababo badan oo taa keeni kara.

“Archana waxay sheegtay in qasacado ay ku jireen sunta cayayaanka ay gabadheedu ku cayaartay. Waxay noqon kartaa arrinta ugu weyn ee isbeddelka ku keentay hormoonka gabadheeda” ayuu yiri dhakhtarka.

Sida laga soo xigtay website-ka Xarunta Qaranka ee Macluumaadka Bayoolajiga (NCBI), qaangaarnimadu waa qayb ka mid ah nolosha halkaas oo jidhka iyo maskaxda ay ku dhacaan isbeddello waaweyn marka ay ka koraan carruurnimada ilaa qaan-gaarnimada iyo ugu dambeyntii qaan-gaarnimada. Baaluqnimadu waxay u dhaxaysaa 8 ilaa 13 sano gabdhaha iyo 9 ilaa 14 sano wiilasha.

Dr. SNBasu oo ah khabiir dhanka taranka ayaa sheegay in gabdhuhu ay si degdeg ah u bislaan marka loo eego ragga.

"Xilliyo hore ayaa waxaan aragnay gabdho ay caadadu ku dhacday inta u dhaxaysa Sanad iyo bar ilaa saddex sano ka dib isbeddelka jirka, hadda gabdhaha waxay ku dhacaan 3 ilaa afar bilood gudahood" ayuu yiri Dr. Vaisakhi Rustegi. Archana iyo gabadha Rashi ayaa hadda waxaa u socda daweyn.

Dawootinka cayayaanka beeraha ayaa lala xiriiriyaa caadada degdegta ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maxaa sababa baaluqnimada degdegta ah?

Sida ay dhigayso xogta tirakoob ay samaysay NCBI, qaan-gaarnimada carruurta waxay sababtaa isbeddello jireed iyo kuwo maskaxeed, isbeddelladani waxay keenayaan welwel maskaxeed.

Dr. Suchitra Sarve oo ka tirsan Waaxda Cilmibaarista Caafimaadka Carruurta ee Golaha Hindiya u qaabilsan Cilmibaarista Caafimaadka ee Maharashtra ayaa sheegtay in kiisaska qaangaarnimada xilliga hore ay kordheen cilmibaaristooda.

Daraasad ay hay’adda ICMR-NIRRCH ku samaysay 2,000 oo gabdhood ayaa daaha ka qaaday in hooyooyin badan aanay aqoonsan karin calaamadaha baaluqnimada ee gabdhahooda. Ururkan waxa uu baarayaa sababaha iyo khatarta baaluqnimada hore ee gabdhaha da'doodu ka yar tahay sagaal jirka.

Dhaqtar ka socda Mumbai oo la yiraahdo Dr. Prashanth Patil, ayaa sheegay in kiimikooyinka sunta beeraha ay sabab u yihiin isbeddellada jireed ee Archana gabadheeda oo lix jir ah. Inkastoo tani ay tahay sabab naadir ah, misna wuxuu sheegay in sunta cayayaanka lagu dilo ay keeni karto qaangaarnimada xilliga hore ah, sababtoo ah waxay la xiriiraan isbeddellada hormoonnada.

"Beeralaydu waxay isticmaalaan noocyo kala duwan oo sunta cayayaanka ah si ay u ilaaliyaan dalagyada, daawooyinkan waxay ka soo galaan jidhka sanka iyo afka, sidoo kale waxay ka galaan jidhka iyaga oo raacaya cuntada, waxay saameeyaan qanjirka xakameynaya hormoonnada maskaxda" ayuu yiri Dr. Avinash Bhondve, madaxweynihii hore. Ururka Caafimaadka Hindiya, Mumbai.

“Taa marka laga yimaado, beeralayda waxay isticmaalaan hormoonnada si ay u dedejiyaan koritaanka khudaarta ama ay u kordhiyaan caanaha lo'da iyo khudaarta. Tani waxay sidoo kale saameyn ku leedahay jirka”, ayuu yiri.

Waxa kale oo ay khubaradu sheegeen in kiimikooyinka ku jira gacmo nadiifiyaha ay jidhka ka galaan maqaarka oo ay saameeyaan hormoonnada.

Dr. SN Basu waxa uu sheegay in jidhka bini’aadamka uu leeyahay hormoonka kisspeptin oo ah mid kor u qaada baaluqnimada hore. Waxaa la aaminsan yahay in tani ay khalkhal geliso dheelitirka hormoonka oo ay keento baaluqnimada. Laakiin waxaas oo dhan weli waa laga wada hadlayaa.

Gabdhaha Archana iyo Rashi ayaa lagu duray dawo si looga hortago caadada ilaa ay ka gaaraan da'da saxda ah. Dhaqtarku waxa uu sheegay in gabdhaha da’daas ah aanay u bislaan si ku filan, sidoo kalena aanay u diyaarsanayn fayo dhawrka xilliga caadada.

Sidoo kale saamaynta baaluqnimada xilliga hore ayaa si nafsiyan ah loo arkay, ayadoo gabdhaha qaar ay muuqaal ahaan ka duwanaanaadaan asaagood, taasoo keeni karta saamayn niyadeed iyo mid bulsho.