Maxaad kala socotaa xakamaha dhanka sharciga ah ee xadidaya awoodaha madaxweyne Trump?

Madaxweyne Trump ayaa wajahaya loollanka dhanka garsoorka ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Trump oo saxiixay xeerar madaxweyne

Todobaadkii ugu horreeyey muddo xileedkiisa labaad, madaxweyne Donald Trump wuxuu durba la soo baxay murqo siyaasadeed oo u uku maquuninayo habdhaqankii soo jireenka ahaa ee Mareykanka looga bartay.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay bishii Jannaayo, wuxuu amray in la hakiyo dhammaan codsiyadii cusbaa ee magangelyo-doonka. Wuxuu joojiyey batrnaamijkii dib u dajintii qaxootiga, wuxuu kale oo hawiray shaqaaleynta iyo qarashaadkii dowladda.

Intaas kuma ekaane wuxuu meesha ka saaray ha'ado ku dhisnaa xeer baarlamaan oo ka soo baxay Golaha Wakiillada Mareykanka, sida hay'adda gargaarka dibedda ee USAID, isagoo shaqada ka diray kumannaan ka tirsan shaqaalaha federaalka oo la kala dooransiiyey in ay isa sii casilaan si xaquuq la siiyo ama ay sugaan inta qandaraasku ka idlaanayo, wuxuuna gebi ahaanba mamnuucay doorinta jinsiga qofka.

Leexada falalka kalegi-duulnimada ficillada ah ee ku saleysan ballanqaadyadii uu sameeyey intii lagu jirey ololihiisi doorashada ayaa durba tijaabiyey xadka awoodaha madaxweynenimo – islamarkaana waxay soo jiiteen caqabado dhanka sharciga oo ay inta badan gadaal ka riixayaan xisbiga Dimuqraadiga iyo ururrada shaqaalaha. Illaa haddana maxkamadaha sare ayaa ah jidgooyada qura ee hor taagan Trump, waxayna si ku-meel-gaar ah u laaleen qaar ka mid ah hindisooyinkii ugu qallafsanaa ka soo baxay xukuumadda cusub, sida go'aankii uu dhalashada ugala laabanayey dadka ku dhashay ciidda Mareykanka balse ka ka soo jeeda qoysas si sharcidarro ku joogey dalkaas.

Laakiin Trump waxaad mooddaa in uusan dheg jalaq u siin amarka maxkamadaha oo uu u tafaxaytay xafiiltan dhex mara isaga iyo garsoorka Mareykanka, kaas oo ku dhammaan kara Maxkamada Sare. Todobaadkanna, xaakim fadhiya Rhode Island ayaa sheegay in maamulka Trump uu si cad uga gows-adeygay xukunka maxkamadda ku amartay in xayiraadda laga qaado balaayiin Dollar oo loo qoondeeyey qaar ka mid ah hay'adaha federaalka. Aqalka Cad ayaase eedeyntaas ganafka ku dhuftay, iyagoo tillaabada madaxweyne Trump qaaday ku tilmaamay mid si buuxda sharciga ugu qotoma.

Trump oo lagu bannaanbaxay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Haddii amarrada Trump ay gaaraan Maxkamadda Sare, halkaas oo Lix ka mid ah Sagaalka garsoore ee fadhiya ay u janjeeraan dhanka Madaxweynaha – ku waas oo ay ku jiraan Saddex uu kalkii hore soo magacaabay – waxaa iska cad cidda uu u xaglin karo xukunkooda. Tusaale ahaan, doorkii hore ee Trump, maxkamaddu waxay soo saartay go'aan Madaxweynaha Maraykanka ka bariyeelaya in dacwad lagu soo oogo inta uu kursiga ku fadhiyo.

Go'aankaas oo ahaa mid ugub oo ballaariyey awoodaha madaxweynaha. Laakiin dadka arrimahan u dhuundaloola waxay qabaan in trump uu xilligan wado qorshe kale oo u uku sii labo-jibaarayo awoodihiisa.

Haddaba haddii Maxkamadda sare ay ku Trump ku raacdo go'aamada culculus ee uu soo rogey, tani waxay awoodda miiggan u siineysaa in uu meel mariyo isbeddello siyaasadeed oo aan u baahneyn in aqalka wakiilladu ay farogeliyaan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida uu sheegayo Ilya Shapiro oo ah garyaqaan ku xeeldheer arrimaha dastuurka oo wax ka dhiga machadka Manhattan, xitaa haddii maxkamaddu ku gacansayrto awaamiirta Madaxweynaha, guuldarradaas dhanka sharcigu waxay u noqon kartaa mid siyaasad ahaan anfacda.

"Wuxuu halkaas ka heli karaa faa'ido siyaasadeed oo kula loollamo garsoorka, waayo haddii laga guuleysto wuxuu helayaa xaabo siyaasadeed oo u uku huriyo guluf ka dhan ah garsoorayaasha uu u arko in ay caqabad ku yihiin damaciisa." Ayuu yir Shapiro.

Arrin kale oo laga cabsi qabo ayaa ah in Madaxweyne Trump uu gebi ahaanba dhegaha ka fureysto go'aan kasta oo maxkamadeed ka dibna uu talada maroorsado, tanina waa mid uu dhowr jeer ooh ore uga dhawaajiyey.

"Waxaan dooneynaa in aan wiiqno musuqmaasuqa," ayuu yiri Trump oo intaas ku daray "in garsoore ka hor timaado tillaabadan oo kale waa mid aan maangal ahayn."

Axaddiina, Ku-xigeenka Trump ayaa sheegay in aysan marnaba ogalaan karin in garsoorku faraha la soo galo go'aamada fulinta.