Maxay tahay abaalmarinta caalamiga ee ay gabadhan ku heshay shaqo ay ka qabatay Somaliland?

Xigashada Sawirka, Ayaan Xasan
Ayaan Xasan, waa kalkaaliso caafimaad oo si gaara u baratay umalisonimada, waxay muddo dheer ku nooshahay dalka Sweden, halkaas oo ay ku baratay culuumta caafimaadka gaar ahaan kuwo haweenka.
Waxay BBC-da u sheegtay inay is waydiisay sidii cilmiga ay baratay dib ugu celin lahayd dalkeedii iyadoo ku tabarucaysa waqtigeeda, lacagteeda iyo aqoonteedaba.
"Go'aan waxaan qaatay inaan dalkaygii dib wax ugu celiyo, dhowr jeer oo waddankii aan tagayna waxaan arkay goobaha caafimaadka inay u baahan tahay in wax weyn laga qabto. Marka waxaan isku xilqaamay inaan sanad walba intaan tikitkayga iska bixiyo an sanadkii bil tago waddankii oo wax Alle waxaan ka caawin karo ka caawiyo," ayey tiri Ayaan.
Waxay sheegtay inay xoogga saartay xagga waxbaridda howlwadeennada caafimaadka ee haweenka ah, sida loo gacan qabto hooyada marka ay foolanayso haddii ay ku yimaadaan dhiig-bax ama kalamasiyo.
Umuliso Ayaan ayaa sideed sano ka hor howsheeda is-xilkaanka ka bilowday degmada Gabiley iyadoo ay wehilyana saaxiibbo ay shaqo wadaag yihiin oo u dhashay dalka Sweden.
"Maayar Maxamed ayaan waydiiyey sanadkii 2017-kii , waxan jeclaan lahaa inana wadankii wax ka qabto wadanki annigu milyaneerid mahi tigetkeyga haddan soo goosto bilna fasax soo qaato idinku maxaa naga caawin kartaa? Wuxu yiri ammaan galintiina, meeshii aad degi lahaydeen iyo bishaa ad nala joogtana annagaa idin qaabilsan. Marka runtii aad buu noo soo dhaweyey noona suura galiyey inan ku noq noqo" ayey BBC-da u sheegtay umuliso Ayaan.
Waxa ay abaalmarinta ku mutaysatay

Xigashada Sawirka, Ayaan Xasan
Sida ay BBC-da u sheegtaya Ayaan Xasan, abaalmarinta ayey ku mutaysatay shaqadii is-xilqaanka ahayd ee ay ka qabatay degmada Gabiley.
"Abaalmarinta waxaa la igu siiyey shaqadii is-xilqaanka ah ee aan isku xil-qaamay inaan hooyooyinka isku dhimanaya markay foolanayaan sidii loo kala badbaadi aan cilmigeedii baro umulisooyinka, dhaqaatiirka iyo kalkaaliyaasha ka shaqeeya qaybta hooyooyinka iyo dhalaanka,"ayey intaas raacisay Ayaan.
Abaalmarinta la guddoonsiiyey Ayaan, waxaa wehilisay lacag taas oo ay cadadkeeda ku sheegay ilaa saddex kun oo doollar, balse ay sheegtay inay lacagtaas qudheeda wali u adeegsanayo howshii ay ka waday magaalada Gabiley.
"Lacagtaas Ayaan ahaan waxaan go'aan ku qaatay inaan kaga farxiyo gabdhaha umulisooyinka gobolka Gabiley oo aan ka caawiyo dharka shaqaalaha marka iyaga ayaan u hibeynayaa" ayey tiri.
In loo aqoonsaday shaqadaas ay qabatay laguna abaalmariyey ayey sheegtay inay dhiirigalinayso iyada inay howsha ay haysay sii waddo.

Xigashada Sawirka, Ayaan Xasan
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Siddeed sano oo ay howshan soo wadday waxay sheegtay in isbaddel u muuqdo, oo gabdho badan oo markii ay howsha bilaabaysay la bilaabay ay hadda jaamacado wax ka dhigaan.
"Waxaa jira gabdho badan oo ii mahadceliya oo i dhaha marwalba oo wixii aad na tustay aan ku caawinayno hooyo markay foolanayso adiga ayaan ku soo xasuusanaa, aniga markaan joogo Gebilley waan dareemaa inuu isbaddel jiro" ayey tiri.
Waxay intaa ku dartay inay muhin tahay in dadka iyada oo kale ah ee waxbartay ee ku nool qurbaha ay tahay inay ka fekeraan sidii ay cilmiga ay barteen ay dadkooda dib ugu celin lahaayeen.
Ayaan, ayaa heshay abaalmarinta Medical Mission's Kindness Award, ee sanadkan 2025-ka taas oo ay guddoonsiyeen ururka caalamigaa ee Läkarmissionen oo fadhigiisu yahay dalka Sweden.
"Ayaan Xasan waa qof ku dayasho mudan, xoojinteeda wanaaga iyadoo adeeegsanaysa ka gonaanshaheeda caawinta caafimaadka haweenka iyo carruurta Soomaaliya, iyadoo waxa ay haysataana ay kooban yihiin.waxay u safartay dalka sanadkii 2018-kii si ay u si ay u bixiso daryeel naf-badbaadin ah oo ay u tababarto umulisooyinka maxalliga ah. Iyada oo wadata dadaalkeeda iyo rabitaankeeda ah in ay isbedel sameyso, kaliya ma badbaadin nolosha laakiin sidoo kale waxay dhiirigelisay asxaabteeda inay ka qaybqaataan shaqada. Ayaan waxa ay muujinaysaa in ka go'naanta shakhsiga ahi ay abuuri karto isbedel iyo rajo,"ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay bogga ururka Läkarmissionen oo abaalmarinta bixiyey.













