Tobanka haween ee adduunka ugu saamaynta badan

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Saameynta haweenka ay leeyihiin way ka qoto dheer tahay sidii hore". Sidaasina waxaa yiri madaxweynaha wargeyska Forbes markii uu ku dhawaaqayay liisk boqolka haween ee sanadkan ugu saameynta badan adduunka. Wuxuu kaloo sheegay in kartida haweenkan ay ka badan tahay tan madaxda caadiga.
Tani maxay ka dhigan tahay? Sida ku cad daabacadda, haweenkan waxay soo bandhigen dhiiranaan, tallaabooyin hindise leh iyo maamulida shirkado waaweyn.
Waxaa jir haween kale oo ay ka mid yihiin Taylor Swift oo ah heesaa iyo Caitlin Clark oo kubbada gacanta ciyaarta, inkastoo aysan xil weyn ka heyn muusigga iyo isboortiga hadana sameeyeen ayey yeesheen sida daabacadda lagu sheegay.
Sameyntan kuma imaan qaabka madaxda caadiga balse waxay ku timid kaalin farsamo oo dardargelisay isbeddel.
Inkastoo haweenka loo doortay jagooyin ay ku maamulayaan in ka badan $33 tirilyan waxsoosaar ah taas oo taabatay nolosha dad ka badan hal bilyan, haddana Forbes waxay sheegeen in tani muujineyso saameynta ay ku leeyihiin dhaqaalaha adduunka.
Si ka duwan dabaqadda sare oo ay ragga ku badan yihiin, ayaa misna saameynta haweenka ay tahay mid muuqata oo la ogyahay.
Shanta shirkadood ee adduunka ugu weyn weli haween kama noqon madax, sidoo kale saddex ka mid ah afarta dal ee adduunka ugu dhaqaalaha xooggan marna haween madax kama noqon.
Hoggaamiyaha guddiga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa ugu sarreysa sanadkii saddaxaad liiska, waxaana ku xiga madaxweynaha bangiga dhexe Yurub, Christine Lagarde. Kaalinta saddexaad liiska waxaa ku jira raysalwasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni halka booska afaraad ay ku jirto madaxweynihii ugu horeeyay oo haweenka ee taariikhda Mexico soo mara, Claudia Sheinbaum.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haweenka kale ee wargeysta lagu daabacay magacyooda waxay u qeybsamaan dhowr dabaqadood oo waa weyn sida ganacsiga, tiknolojiyada, dhaqaalaha, warbaahinta, siyaasadda iyo samafalka.
Tobanka qof ee ugu sareeyay waxaa kaalinta koowaad ku jirta
- Ursula von der Leyen waa madaxweynaha guddiga Yurub.
- Christine Lagarde waa madaxa bangiga dhexe ee Yurub.
- Giorgia Meloni, raysalwasaaraha Talyaaniga.
- Claudia Sheinbaum, madaxweynaha Mexico.
- Mary Barra, madaxa shirkadda baabuurta General Motors.
- Abigail Johnson madaxweynaha shirkadda maalgashiga ee Fidelity.
- Julie Sweet madaxa shirkadda Accenture.
- Melinda French Gates waxay madax u tahay hay samafal.
- MacKenzie Scott waa haweeney dadka caawisa.
- Jane Fraser madaxda Citigroup.
Ursula von der Leyen waxay aheyd ilaa iyo bishii Julay sanadkii 2019-kii madaxa guddiga Yurub oo ah qeybta ugu weyn Midowga Yurub.
Waa haweeneydii ugu horeysay ee qabata jagadaas taas oo mas'uul ka ah qeynuunada saameynaya in ka badan 450 milyan oo reer Yurub ah. Jagadan ka hor waxay ka mid aheyd golaha wasiirada ee Angela Merkel iyadoo soo qabtay xika wasiirka difaaca Jarmalka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Claudia Sheinbaum oo noqotay haweeneydii ugu horeysa ee madaxweyna ka noqota Mexico ayaa kaga hadashay caleemo saarkeedi doorka haweenka kordhaya ee hoggaaminta. Waxay sheegtay in haweenka laga saari jiray hoggaaminta caadiga ah balse taasi way isbaddeleysaa ayey tiri.
Sheinbaum waxay ka mid tahay siyaasiyiinta tirada yar ee ka badbaaday mushkiladda siyaasadeed ee sanadkan 2024-ka. Hadda waxay xukuntaa dal dhaqaalihiisu yahay 1.7 tirilyan oo doolar, dadkiisuna yihiin 130 milyan.
Forbes waxa uu kaloo ka hadlay dadka kale ee saameynta leh sida Taylor Swift iyo Caitlin Clark. Kaalimaha ay bulshada kaga jiraan ayeyna saameyntooda ka timid

Xigashada Sawirka, Getty Images
Forbes wuxuu kaloo ka hadlay kaalinta muhiimka ay haweenka ka qaateen qaabeynta iyo horumarinta garaadka macmalka (AI) ee adduunka. Dadka ugu caansan waxaa ku jira Lisa Su oo madax ka ah shirkadda AMD iyo Safra Catz oo madax ka ah shirkadda Oracle.
Haweenka waxay sidoo kale kaalin ku leeyihiin maareynta dhaqaalaha shirkadaha tiknolojiyada.
Taylor Swift oo liiska kaga jirta booska 23-aad ayaa la sheegay in ganacsiga muusigga ay isbeddel ku keentay. Safarkeeda halka bilyan oo doolar waxa uu dhaliyay baaritaan lid ku ah kuwa maamula tikidhada.
Qeybaha tooska looga daawada filimada waxaa uu Forbes soo qaatay madaxda Netflix iyo Amazon kuwaas oo lagu sheegay in ay mas'uul ka yihiin in ay wax ka beddelaan qaabka adduunka loo go'aansado sheekada iyo codka la doonayo in ay gaaraan balaayiin qof iyadoo bartooda la adeegsanayo.













