Haweeneey Swedish ah oo loo haysto xasuuq ay ka gaysatay Siiriya mar ay ka mid ahayd IS

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haweeney u dhalatay dalka Sweden ayaa lagu xukumay 12 sano oo xarig ah kadib markii lagu helay dambiyo dagaal oo ka dhan ah dadka Yazidi-ga ah kadib markii ay ku biirtay kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka Suuriya.
Lina Ishaq, oo 52 jir ah, ayaa lagu helay dambi ah in ay addoon ahaan u haysan jirtay saddex dumar ah oo Yazidi ah iyo lix carruur ah oo iyana Yazidi ah, kuwaas oo ay ku haysatay magaaladda Raqqa intii u dhaxaysay 2014-2016. Waxaan lagu cadeeyayay dambigaan bishii September ee sannadkii hore.
Waa markii ugu horeysay oo dambiyo ka dhan Yazidiga oo ka mid ah diimaha laga tirada badan yahay ee Ciraaq kuwaas oo ay gaysteen IS lagu maxkamadeeyo gudaha dalka Sweden.
Ishaq waxa ay ku biirtay IS iyada oo qoyskeeda u rartay Syria sanadkii 2013. Waxa ay horay xabsi ugu sii jirtay dambi ahaa in ay wiilkeeda oo 2 sano jira ahaa u waday dalka Siiriya "kuna fashilantay in ay ka hortagto" in IS ay wiilkeeda12 jirka ah u adeegsadaan caruur askareed ahaan. Wiilkeeda ayaa dhintay 2017 kii, isagoo jira 16 ahaa.
Ishaq ayaa maxaabiis la xirneed ku qasbtay inay indho-shareer xirtaan oo ay ku dhaqmaan diinta Islaamka, sidoo kalana jirdil ayay u geysatay.
"Haweenayda la xukumay waxay qayb ka ahayd nidaam addoonsi oo ballaaran oo IS ay ku soo rogtay haweenka iyo carruurta Yazidiga," ayay tiri guddoomiyaha maxkamadda degmada Stockholm, Maria Ulfsdotter Klang.
"Waxay u hawlgashay si madax-bannaan si ay u sii wado addoonsiga iyo xorriyadda ka qaadida dhibbanayaasha waxayna gacan ka geysatey sidii loogu sii tahriibin lahaa meelo kale."
Yazidisku waa dad diimed qadiimi ah oo tiro yar oo inta badan ku nool gobolka Sinjar ee waqooyiga Ciraaq.
Horaantii bishii Agoosto 2014 kii IS ayaa duulaan ku qaaday deegaanada Yazidiga ee gobolka Sinjar iyagoo bilaabay olole xasuuq ah.
Muddo saddex sano gudahood ah ilaa 5,000 oo Yazidi ah ayay IS dileen nus milyan qofna waa ay barakiciyeen.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
In ka badan 6,000 oo haween iyo carruur ah ayaa la qafaashay oo addoon ahaan loo haystay. Xubnaha IS ayaa jirdil u geystay maxaabiistooda oo ay kula kaceen tacaddi dhanka galmada ah oo istaraatiiji ahaa oo looga gol lahaa in lagu cirib tiro dadka Yazidi ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Lina Ishaq waxa ay ku dhalatay dalka Ciraaq, waxa ay ka dhalatay qoys Kiristaan ah, kuwaas oo Sweden u soo guuray yaraanteedi, sida ay ku warrantay warbaahinta Sweden. Waxay soo islaamtay guurkeeda ka hor.
Iyada iyo ku dhawaad 300 oo kale oo Swedish ah, oo rubuc ka mid ah ay dumar ahaayeen, ayaa ku biiray iS 2013kii.
Markii khilaafada IS ay biloowday inay burburto 2017, Ishaaq waxay ka carartay Raqqa iyada oo u baxsaday Turkiga. Waxaa loo gacan galiyay Sweden 2020 kii.
Iswiidhan hadda waxay hoy u tahay ilaa 6,000 oo Yazidi ah.
Dawood Khalaf oo ah gudoomiyaha ururka Yazidga ee magaalada Skaraborg ayaa sheegay in dacwad oogayaasha Ishaq ay gacan ka geysteen abuurista kalsooni ka dhex dhalata bulshadooda Sweden iyo maamulada deegaanka.
"Waan garanayaa haween ay u yeereen booliska Sweden si ay su'aalo u weydiiyaan, kuwaas oo aan ku dhiiran in ay marqaati furaan cabsi ay ka qabaan in loo gacan geliyo IS," ayuu u sheegay warbaahinta dadweynaha ee SVT. "Ka dib maxkamadeyntaan, sidii hore wax waa iska badaleen."
Qareenka Ishaq, Mikael Westerlund ayaa sheegay in Ishaq ay weli diidan tahay eedeymaha loo haysto uuna ka fiirin doono racfaan.












