Haweenkan da'da yar waxay ka baqayaan inay ku noqdaan dhul burbursan oo arxan darro ay kala soo kulmeen

Xigashada Sawirka, Amar Foundation
10 sano ayaa laga joogaa markii dagaalyahanada dowladda Islaamiga ah ay isku dayeen in ay dadka Yazidiga ah ka tirtiraan gobolka Sinjar ee waqooyiga Ciraaq.
Waxay xasuuqeen kumanaan rag ah, waxayna kufsadeen oo addoonsadeen gabdho iyo dumar. Hadda dadkii badbaaday ayaa waxaa soo wajahay cabsi hor leh iyadoo dowladda Ciraaq ay qorsheyneyso inay xirto xeryaha cooshadaha ka sameysan ee ay ku nool yihiin, kuwaas ku yaalla qeybaha kale ee dalka, si ay ugu dhiirigeliso inay dib ugu laabtaan deegaannadii ay ka soo carareen.
Dhawr haween ah oo Yazidiyiin ah oo ka badbaaday kooxda daacish ayaa ku sugan dalka Ingiriiska, iyagoo halkaasi ku soo bandhigay bandhig faneedyo kala duwan, kuwaasoo doonayay inay soo bandhigaan hidahooda dhaqameed, isla markaana ay soo bandhigaan dhibaatada haysata bulshadooda qoomiyad soo jireen ah oo diin haysata.
Ilin ayaa si aamusnaan ah uga soo daadatay dhabannada Amira iyadoo BBC-da u sheegaysa arxan-darrada foosha xun ee ay xagjiriintu u geysteen markii sannadkii 2014 ay qabsadeen dhulkii ay ka soo jeedeen awooweyaashoodii Yazidigu ahaa. Toban sano ayaa ka soo wareegtay, laakiin xanuunkeedu weli wuu sii jiraa.
Digniin: Maqaalkani waxa uu ka kooban yahay tilmaamo iyo sawrro laga yaabo inay ku dhibaan
Amiira waxaa u suurtagashay in ay u cararto dhanka buuraleyda iyadoo rag beesheeda ka mid ah la toogtay, haween iyo gabdhona la kufsaday oo la addoonsaday.
Laakin labo gabdhood oo walaalaheed ah ayaa ka mid ahaa kuwa loo geliyey guryaha dagaalyahannada dowladda Islaamiga ah (IS), kuwaas oo ku dhawaaqay in Yazidigu yihiin kuwo shaydaanka caabuda.

Xigashada Sawirka, Handout
Si ka duwan gabadhaha kale Amira walaalaheed lama kufsan, ayay tiri, sababtoo ah xilligaas waa la guursaday oo waxay ahaayeen xaasas.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Si kastaba ha ahaatee, hal gabar oo la dhalatay, oo ninkeeda ay dileen dableyda ayaa maalin walba la garaaci jiray.
Waxayna la kulantay hanjabaad iyo naxariis darro oo aan la sheegi karin.
"Waxay umushay 15 maalmood ka hor intaan la qaban, waxayna ku yiraahdeen: 'Waan dili doonnaa ilmahaaga, waxaana kugu qasbaynaa inaad cuntid hilibkiisa'," ayay tiri Amira.
Markaan codkeeda ayaa hoos-u sii-dhacaya iyada oo sharraxaysa sida walaasheeda kale, Delal - oo uur lahayd markii la qabtay - ay u wayday gabadh yar oo ay dhashaya oo oo shan bilood jirta sababtoo ah naaskeeda ma lahayn caano ay ku quudiso. Delal waxay isku dayday inay is disho balse waxaa ka hor istaagay wiilkeeda oo afar jir ah. "Canugeedu wuxuu jiray afar sano oo keliya," ayay tiri Amira. Wuxuu ku yidhi, Hooyo, fadlan ha na dilin. Aan ka baxno halkan.
Markii dambe ayay firinjeerka ka soo qaadatay yaanyo si ay u quutaan, iyada iyo labadeeda carruur ah ee ka badbaaday balse waxay ciqaab ahaan ugu xirnaayeen qol muddo toddobaad ah, iyaga oo aan haysan wax cunto ah, keliya dhalo yar oo biyo ah iyo kartoon caano ah.

Xigashada Sawirka, Reuters
Qorshaha dowladda Ciraaq ay ku dooneyso in ay ku xirto xeryaha ay ku nool yihiin tobanaan kun oo Yazidiyiin ah tan iyo 2014-kii ayaa qaar badan oo ka mid ah argagax ku abuurtay.
Adeegyada xaddidan ee hadda ka jira xeryaha ayaa lagu wadaa in la joojiyo dhammaadka bisha July, iyadoo la siinayo deeqaha loogu talagalay in ay dib ugu noqdaan gobolka Sinjar, oo ah halkii ay xasuuqyadu ka dhaceen.

Xigashada Sawirka, AFP
"Xaaladdu aad bay khatar u tahay," Vian Dakhil, oo ah xildhibaanka kaliya ee Yazidiga ah ee ku jira baarlamaanka Ciraaq, ayaa sidaas u sheegay BBC. "Waxaa jira kooxo badan oo hubaysan halkaas, ciidamada dawladda Ciraaqna kuma tabar-badna."
Inta badan magaalada Sinjar ayaa weli ah meel burbursan, ayay tiri. "Ma jiraan guryo, ma jiraan dugsiyo, ma jiraan isbitaallo, ma jiraan wax badan."
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa bandhigtay walaacooda, iyadoo sheegtay in aan si qasab ah loo xirin xeryaha. "Qofna laguma khasbi karo inuu ku laabto meel uu halis ugu jiro waxyeello aan laga soo kaban karin, ama uusan heli karin waxyaabaha aasaasiga ah sida biyaha, daryeelka caafimaadka, guriyeynta iyo shaqooyinka si looga caawiyo inay dib u bilaabaan nolol wanaagsan," ayay tiri Farha Bhoyroo, afhayeenka hay’adda ee Ciraaq.
Hay’adda ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay in qaar ka mid ah dadkii ka soo barakacay Sinjar ay danta ku khasabto inay sii joogaan xerooyinka la xiray.
Hadiya, oo 28 jir ah oo sidoo kale qayb ka ahayd munsaasabaddii ay qabanqaabisay hay'adda samafalka ee Amar Foundation, ayaa BBC u sheegtay in ka hor 2014, ay haysatay "wax walba - oo uu ku jiro guri aad u weyn".
Hadda iyada iyo qoyskeedu waxay ku nool yihiin teendho, dhererkiidu yahay 4 mitir, balaceeduna 3 mitir yahay, "sida maxaabiis". Aad bay u kulushahay xagaaga iyo xilliga jiilaalka. Laakiin ugu yaraan, halkaas, waxay dareemaysaa bad-qab.

Hadiya sidoo kale wali waxaa maskaxdeeda ku jira xasuus xun - oo ay ka mid tahay wixii ku dhacay ina-adeerteed, Ghazal.
Ghazal waxaa la qabtay iyagoo siddeed jir ah, laba sano ka dib, waxaa lagu qasbay inay guursato. Markii la soo badbaadiyay 2020, iyadoo 14 jir ah, Hadiya waxay sheegtay inay korinaysay laba carruur ah oo ay ka soo tagtay – waxaana laga dhaadhiciyay in Yazidigu ay yihiin "dad xun".
Ghazal, oo hadda 18 jir ah, wali waa ay wareersan tahay. Walaasheed ka weyn - oo hadda 19 jir ahaan lahayd - waxay ka mid tahay boqollaal haween iyo gabdho ah oo weli maqan.
"Qofna isma waydiinayo gabdhahaas maqan," Zahra Amra, oo ah maamulaha xafiiska Amar Foundation ee Dohuk, ayaa si adag uga cabanaysa arrintaas. Waxay sidoo kale UK kula joogtaa fannaaniinta, tarjumaan ahaan.
“Ma jirto cid naga caawinaysa raadinta walaalaheen. Dagaalyahano aad u badan oo Daacish ah ayaa laga sii daayay xabsiyada. Markii IS timid cidna nama caawin, hadda waxay rabaan inaan ku laabanno Sinjar."

Bishii Agoosto 2014, Zahra waxay wayday ardaydii ay isku fasalka ahaayeen iyo saaxiibbadeedii. Ayeeyadeed ayaa la toogtay sababtoo ah aad bay u tabar darneyd oo waxa ay fuuli weysay buurta Sinjar halkaas oo tobanaan kun oo Yazidi ah ay ku carareen markii ay IS ay soo galeysay magaaladooda.
Laakiin marka laga soo tago waxaas oo dhan waxay tiri waxa ugu daran ayaa ah inay wayday mustaqbalkii ay qorshaynayeen iyada iyo asxaabteedu, iyo saskii ay ka qaadday dhacdooyinkii ay goob-joogga ka ahayd.
"Ma dareemayno badqab," ayay tiri. "Oo cidna ma aamino."













