BBC-da oo dabagal ku sameysay haweeney saaxiibteed ku qancisay in ay ku biirto kooxda Daacish

BBC-da ayaa dabagal ku sameysay saaxiibteed ay isku dhowyihiin Shamima Begum kuna dhiiro galisay in ay ku biirto kooxda isku magacowday dowladda Islaamka kadib markii ay ka soo baxsatay xero qaxooti oo ay ku xirneed oo ku taalla dalka Suuriya.
Sharmina Begum, oo ay isku magac yihiin saaxiibteed hore Shamima Begum, oo rabtay in ay ku laabto Ingiriiska ayay ku sheegtay in ay tahay qof cayr ku nool isla markaanna aan haysan diinta Islaamka .
BBC-da ayaa sidoo kale ogaatay in Sharmina ay internedka lacago ugu aruurisay kooxda ISIS, taasi oo sharci darro ah.
Sargaal sare oo Suuriyaan ah ayaa sheegay inuu cabsi ka qabo in dhaqaalahan loo aruuriyay kooxda ay ka caawin karto in ay dib isku abaabusho.
Haweeney wariye ah ayaa iska dhigtay inay taageerto Daacish, waxayna kala qadka interneedka xiriir kula sameysay Sharmina ka dib markii ay ka soo baxsatay xabsiga xerada Al-Hol ee Suuriya oo ay ku xiran yihiin haween ka mid ahaan jiray Daacish iyo carruurtooda.
Laba bilood ka dib, Shamima iyo laba saaxiib oo kale waxay ku biireen saaxiibadood hore oo ka mid noqday wax loogu yeeroo khilaafada ee ay aasaastay kooxda Daacish.
Shamima waxay guursatay dagaalyahan ka tirsan Daacish, waxayna u dhashay saddex carruur ah, kuwaasoo dhammaantood dhintay. Burburkii Daacish sanadkii 2019-kii, ayaa waxaa la helay iyadoo ku nool xero ku taal dalka Suuriya, waxaana lagala noqday dhalashadii ay haysatay ee Britain.
Shamima ayaa xaqiijisay in Sharmina ay ku qancisay inay ku biirto Daacish oo ay raacdo wadadii ay martay.
BBC-da ayaa dabagalka ku sameysay Sharmina Begum ka dib markii ay heshay xog ku saabsan ciwaannadeeda baraha bulshada ee ay isticmaalaysay.
In kasta oo la isla dhexmarayay in Shamima Begum ay u shaqaynaysay qaybta booliska kooxda isla markaan ay sameysay suumanka qarxa, haddana Sharmina waxay sheegtay in fikradaha noocaas ahi ay "dicaayad" ahaayeen.
Waxa ay sheegtay in Shamima ay gurigeeda ka tagtay xilli uu ninkeedu maqnaa sababtoo ah ma uusan ogaleyn inay baxdo.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sharmina ayaa wareysi ay siisay BBC-da waxa ay ku jeesjeestay Shamima oo ay ku tilmaantay mid fashilantay oo aan Muslim ahayn, iyadoo sheegtay in ay meel uga dhacday muuqaalka haweenka ku biiray Daacish.
Xubin hore oo Daacish ka tirsanaa ayaa BBC u sheegay in Sharmina ay ahayd qof yaab leh ah, xitaa marka la eego halbeegga ISIS. Mar la weydiiyay Sharmina in ay ka xuntahay ku biirista Daacish iyo in kale, waxa ay ka meermeertay su’aasha, waxa ayna sheegtay kaliya in aysan dooneyn in ay ku laabato Britain oo ay xabsiga gasho.
Way adag tahay in la sheego sida dhabta ah ee Sharmina ay u sharaxday hawlihii saaxiibteed hore, marka loo eego isku dayga sharci ee Shamima ee ah inay ku noqoto UK.
Dhankeeda, Shamima ayaa sheegtay in saaxiibteed hore ay door weyn ka qaadatay sidii ay ugu qancin lahayd inay u safarto Suuriya markii hore.
"waad ogtahay, inay si fool ka fool ah noola hadlaysay sidii aan ugu biiri lahayn ISIS," ayay tiri.
Waxa ay intaa ku dartay, "Waxaa la igu qalday in la ii sameeyo wax aan jirin, waxaana la igu marin hababaiyay in aan been ka sheego meesha aan u socdo iyo waxa aan qabanayo."
"Waxaan ula jeedaa, fikradayda, inkastoo Sharmina laga yaabo inay weli tahay xagjir, waxaan u maleynayaa inay sidoo kale dhibane u ahayd ISIS," ayay sii raacisay.
Shamima lafteedu waxay hore u qiratay inay ku biirtay kooxaha argagixisada markii ay ka soo tagtay Britain, waxayna si buuxda u fahantay carada ka dhalatay arrintaas ee dhanka dadwaynaha.
Sharmina Begum ayaa iyada oo dhuumaalaysi ku jirta waxa ay waday lacag ururin, iyada oo dhaqaalahii ka soo baxana uu ku dhacayay gacanta Daacish. Waxay baraha bulshada ku soo bandhigtay in ay lacago u aruurineyso haweenka lagu haysto xeryaha waxayna arrintaa ku heshay tagaeero badan.

Xigashada Sawirka, METROPOLITAN POLICE
Suumanka qarxa
Ma cadda inta ay le'eg tahay wadarta guud ee lacagta ay ururisay, laakin waxaa la xaqiijiyay in ay isticmaashay koontooyin kala duwan. Mar la weydiiyay sababta ay lacag ugu ururisay kooxaha argagixisada, Sharmina waxa ay ku andacootay in ay " dooneysay inay dhar iyo cunto ugu iibiso haweenka iyo carruurta masaakiinta ah".
Taliyaha ciidamada Dimuqraadiga Suuriya oo maxaabiista ku ilaalinaya xerada Al-Hol ayaa sheegay in Kooxda Daacish ay dib isu uruurineyso oo ay lacago ay ku soo galaan qaab sharci darro ah taasi oo horseedi karta in ay kooxdu hub ku soo iibsato.
"Haddii aan eegno xeryaha, waxaa jira caruur yar yar oo dhowr sano jir ah oo lagu korinayo fikradda ah sida dadka loo dilo," ayay tiri Newroz Axmed, oo ah xubin ka tirsan Taliska Guud ee Ciidamada Dimuqraadiga Suuriya. Waxay sheegtay in dadkeeda ay ku jiraan kuwa la beegsaday oo la dilay.
Xeradan ayaa waxaa ku nool in ka badan 65,000, waxaana ilaalada xeradaasi ay sheegeen in ay ka heleen bambooyinka gacanta laga tuuro, qoryo iyo suumanka qarxa. Waxay sheegeen in 50 qof lagu dilay halkaas lix bilood gudahood.
Bishii Janaayo, Mareykanka iyo Turkiga ayaa ku dhawaaqay tallaabo wadajir ah oo lagu carqaladeynayo dhaqaalaha loo wareejinayo ISIS.










