Maxaa sii adkaynaya xaalka xabbad-joojinta Qasa?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Paul Adams
    • Role, Weriyaha BBC ee arrimaha diblomaasiyadda

Xamaas ayaa ku dhawaaqday dib-u-dhac ku yimid sii-deynta maxaabiista, wax yar uun ka hor xilligii lagu waday in la sii daayo kooxda xigta ee la haysto.

Bayaan rasmi ah oo ay soo dhigtay barta Telegram, kooxda ayaa sheegtay in go'aankan uu yahay "digniin" ay u direyso Israel, iyagoo sheegay in ay siinayaan dhexdhexaadiyeyaasha waqti dheeri ah si ay cadaadis ugu saaraan Israel in ay fuliso "waajibaadkeeda."

Hamas waxay intaas ku dartay in "albaabku weli furan yahay" kolka ay noqoto qorshaha si sii-deynta iyo suurgalnimada ay ku hirgeli karto Sabtida oo ah xilligii ay qorshaysnayd..

Maxay tahay sababta rasmiga ah ee dib u dhaca?

Kooxda waxay xustay dhawr cabasho oo ay ka qabaan Israel, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Dib-u-dhaca lagu sameeyay dib-u-celinta barakacayaasha reer Gaza.

Israa'iil oo wali rasaas ku furaysa dadka dib ugu laabanaya guryahoodii.

Shaki ayaa jira oo ku aaddan in Israa'iil aysan oggolayn in noocyo gaar ah oo gargaar bini'aadannimo ah la keeno Qasa.

Saraakiil kale oo reer Falastiin ah, kuwaas oo aan la xidhiidhin kooxda Hamas, ayaa sidoo kale xusay in Israa'iil ay ka cagajiidayso in Gaza la keeno guryo si kumeelgaar ah loogu noolaado (caravans) si ay hoy ugu noqdaan dadkii guryahooda waayay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Iyadoo Israa'iil ay si furan u hadal hayso in la dhiirrigeliyo in dadka rayidka ah ay ka baxaan Gaza, go'aanka ay uga gaabsatay in la keeno hoyga kumeelgaarka ah waxa uu sii xoojinayaa cabsida laga qabo in si khasab ah loo musaafuriyo Falastiiniyiinta.

Donald Trump ayaa si joogto ah uga hadlay arrintan, taasoo sii fogeysay welwelka Falastiiniyiinta. Waxa bilaabmay hadal uu horey ugu sheegay si lama filaan ah, oo uu ku talinayay in dadka Gaza ay ka baxaan inta dib-u-dhiska lagu jiro.

Laakiin hadda waxa uu arrintaas ka dhigay dalab rasmi ah, isagoo sheegay in dhammaan dadka Gaza ay tahay in la saaro, isla markaana Mareykanka uu gacanta ku dhigo maamulka Gaza

Haddii Trump ay ka dhab tahay sida waxa uu wado, dadka reer Falastiinna dhab ahaan waa ay og yihiin in cidda qorshihiisa u fulin doontaa ay noqon doonto Israel, taas oo ka dhigan in xoog loo adeegsan doono mar kale.

Hadda, Trump wuxuu sheegay in haddii dhammaan maxaabiista lagu haysto Gaza aan la soo deyn Sabtida, uu soo jeedin doono in xabbad-joojinta la baabi'iyo, isla markaana xaalku xumaan doono.

Iyadoo laga cabsi qabo in dagaalku dib u qarxo, Xamaas waxay ka fiirsan kartaa waxa faa'iido u leh si ay u sii deyso maxaabiista hadhay.

Qaraabada iyo saaxiibada maxaabiista, ayaa is-mariwaaga hadda taagan iyo faragelinta Trump ay ku keenaysaa walaac cusub.

"Hadalladan iyo bayaanadan oo dhan, dabcan, waxay Hamas ka dhigayaan mid sii adkaysa xaalka," ayuu BBC-da u sheegay Dudi Zalmanovich, oo xaaskiisa adeerkeed Omer Shem Tov, uu wali gacanta ugu jira Hamas.

"Waxaan jeclaan lahaa inuusan hawsha sii wadwadin," ayuu yidhi Zalmanovich, isagoo tixraacaya Trump.

Israa'iil waxay leedahay tuhunkeeda la xidhiidha sababta Hamas uga cago-jiidayso sii deynta maxaabiista, kuwaas oo ay ku sheegtay in ay tahay in xaalka maxaabiistu xun yahay oo ay doonayaan in xaalkooda wanaajiyaan.