Sida 'dhibic buluug' ah oo yar oo maskaxdeenna ku jirta ay u maamusho hurdada

Maskax

Xigashada Sawirka, Serenity Strull/BBC/Getty Images

Qof kasta oo hurdo-la'aan la ildaran wuu garanayaa dulqaad-la'aanta iyo niyad-jabka kugu soo fool leh marka aad u halgamayso inaad is duu-duubto oo ada hurdo fiican hesho.

Waxaad jeclaan lahayd inaad haysato badhan isla markaaba dami kara dhammaan hawlahaas maskaxeed.

Fikradda ku aadan neerfayaasha maskaxda maaha mid si aad u fog loo baaray sida ay u muuqato. Inta badan saynisyahanada neerfaha waxay isku raaceen in xaaladeena soo jeedka ay ku jirto nooc joogto ah.

Waxaa howshaan qabta isku-xire shabakadeed kaas oo isku xiriiriya qeybo maskaxeed oo kala duwan, waxaana bartankiisa ku yaalla qayb yar oo neerfo ah oo loo yaqaan "locus coeruleus," oo macneheedu yahay "dhibic buluug ah".

Cimi-baaris

Xigashada Sawirka, Serenity Strull/ BBC/ Getty Images

Habka isbadalka maskaxda iyo qaabka ay u shaqeyso

Maadada Coeruleus locus ( barta baluuga ah) wuxuu ku yaalaa jirridda maskaxda, meel wax yar ka sarreeya cirifka qoorta, wuxuuna ka kooban yahay ilaa 50,000 oo unug, waana qayb yar oo ka mid ah 86 bilyan ee neerfo ee habka dhexe ee neerfayaasha.

Dhakhtarka Marie Antoinette, Félix Vicq d'Azyr, ayaa ahaa qofkii ugu horreeyay ee ogaaday jiritaankeeda dabayaaqadii qarnigii 18aad, laakiin muddo dheer waxay ku guuldareysatay inay ka sii hesho xog dheeraad ah. Tani waxay bilawday inay isbedesho qarnigii 20-naad, markii ay caddaatay in midabka buluuga ah ee locus coeruleus uu door muhiim ah ka ciyaaray fariiimaha ka baxa maskaxda.

Maadada Norepinephrine (sidoo kale loo yaqaano noradrenaline) waxay kordhisaa suurtogalnimada in neerfaha uu ku dhex gubto qulqul koronto ama danab.

Marka la hawlgeliyo, unugyada ku jira maadada coeruleus locus waxay u gudbaan xirmooyinka neurotransmitter-ka iyadoo la raacayo saadaalintooda ku jihaysan qeybaha kale ee maskaxda, si ay u hagaajiso xiriirka ka dhexeeya neerfayaasha aaggaas.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tani waxay ka dhigan tahay in marka dhaqdhaqaaqa maadada coeruleus ee locus uu kordho, waxay bilaabi doontaa inay saameyn ku yeelato qaybaha maskaxda qaarkood si ka badan kuwa kale, taas oo saameyn weyn ku yeelan karta waxyaabo ay ka mid yihiin in qofka wax diiradda saaro, iyo hal-abuurka.

Buugeeda Hyperefficient: ee lagu magacaabo (Optimize Your Brain to Transform the Way You Work), cilmi-baaraha neerfayaasha iyo qoraaga Mithu Storoni waxay ku qeexday coeruleus locus iyo xakamaynta calaamadaha norepinephrine in ay yihiin sanduuqa maskaxda, oo leh habab kala duwan oo ku habboon noocyada hawlaha qaarkood.

Heerka 1: Dhaqdhaqaaq aad u jilicsan oo ku socda dhibicda buluugga ah. Heerarka hooseeya ee noradrenaline waxay keenaysaa in dareenkayagu noqdo mid kala daadsan oo maskaxdeennu ay ku warwareegaanayso hal fikir oo kale.

Marxaladda 2: Firfircoonida dhexdhexaadka ah ee dhibicda buluuga ah, oo ay weheliso kicitaan marmar ah si looga jawaabo dareenka ugu habboon.

Xaaladdan maskaxeed, waxa laga yaabaa inay noo fududayso inaan sii wadno u-fiirsashada hawlaha caqliga ku dhisan.

Iyadoo la tixgelinayo doorka dhibicda buluuga ah ee soo jeeditaanka maskaxeena, ayaa waxay sii uyaraataa xilliga habeenkii , inta lagu jiro hurdada. Si kastaba ha ahaatee, gabi ahaanba ma aamusna, laakiin si goos goos ah ayaa loo hawlgeliyaa.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Cilmi-baaris ay dhawaan Anita Lüthi ka samaysay Jaamacadda Lausanne (Switzerland) ayaa soo jeedinaysa in hawshani ay go'aamin karto tayada hurdadeena.

Habeenkii oo dhan, waxaan u kala bedelnaa jiifkeena heerarka kala duwan ee hurdada. Waxaa jira hurdada REM, oo ah in qofka uu indhaha dhaqdhaqaajiyo taas oo, sida magaceeda ka muuqata, lagu garto libiqsiga indhaheenna.

Waxay la xiriirtaa riyooyin muuqda waxaana loo maleynayaa inay muhiim u tahay habaynta iyo xoojinta xusuusta e maskaxda. Si kastaba ha ahaatee, inta badan nasashadayada ayaa waxaa muhiim u ah hurdo aan ahayn nooca REM, inta lagu guda jiro maskaxdu waxay samayn kartaa nasiino qoto dheer, oo ka saaraysa qashinka unugyada.

Hurdadu waxay ka mid tahay waxyaabaha aadka muhiimka ugu ah aadamaha sida khubaradu ay sheegeen. Waxaana mar walba maqalnaa ama aragnaa tallooyinka dhaqaatiirta ee la xiriira in qofku helo hurdo wanaagsan si uu uga badbaado cudurro badan oo ka dhasha hurdo la'aanta.

Dhaqaatiirta ayaa sidoo kale sheegaya in hurdadu, ay tahay cuntada jirka bani'aadamka waana hab lagu dhiso laguna dajiyo oo lagu sugo caafimaadka maskaxda qofka.

Xaddiga hurdada ee qofku u baahan yahay waxay ku xirantahay da'diisa, sababtoo ah qaar dadka ka mid ah ayaa u baahan hurdo badan qaarna in yar ayay u baahanyihiin.

Dr Shehu Saalax ayaa sheegay in qof kasta oo bani'aadam ah uu seexdo hurdo wanaagsan marka loo eego da'diisa.

Arrinta muhiimka ah ayaana ah inuu qofku oggaado inta saacadood ee uu u baahanyahay inuu hurdo isla markaana uu isku dayo qofku in helo hurdo ku filan caafimaad ahaan.

Khabiirku wuxuu sheegay in carruurta yaryar ay seexdaan qiyaastii 20 saacadood maalintii 24kii saacadoodba. Carruurtu waxay seexan karaan sidoo kale ilaa 18 saacadood,