Hurdada oo la ogaaday sida ay faa'iido ugu leedahay lammaanaha

Hurdada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hurdada ayaa lagu tilmaamay shay muhiim u ah nolosheenna. Hurdo la’aanta maalinlaha ah ayaa la sheegay keliya in aaney keenin dhibaato farabadan ee sida oo kalena ay saamayso nolosha gogosha ee lammaanaha.

Saynisyahan si gaar ah ugu takhusasay hab-dhaqanka oo lagu magacaabo Dr. Wendy Traxel, ayaa BBC-da u sheegtay in hurdadu si toos u saamayso nolosha gogosha ee lammaanaha.

Wendy, ayaa 15-kii sano u danbeeyey baadhaysey hurdada iyo waxyaalaha ku taxaluqa, iyada oo sidoo kalena baadhis ku wadda hurdada lammaanaha iyo sida ay u samayso xiriirkooda khaaska ah. Waxa ay sheegtay in ay ogaatay in hurdadu aanay ahayn mid shakhsiga oo keliya ku eg ee ay mararka qaar labada qof ee lamaanahaba saamayso.

"Waxaan ka shaqeynayay hurdada iyo barashadeeda 15-kii sano ee la soo dhaafay, waana mowduuc caafimaad oo khuseeya lammaanaha. Hase yeeshee cilmi-baarisyada intooda badani waxay soo jeedinayaan in hurdadu ay tahay wax ku kooban doonis shakhsiyeed," ayay tidhi.

Haddii aadan si fiican u seexan, ma noqon kartid lamaane wanaagsan. Haddii aad u sii raacraacdo waxa aad maskaxda ku hayso, waxay u badan tahay inaad noqotid qof niyad-jabsan.

Waxaad noqonaysaa mid aan xukumin dareemayaashiisa, taas oo gaadhi doonta heer aanad garan karin dareenka lammaanahaaga. Sida oo kale in hurdadu aanay saamayn ku yeelan adiga oo keliya ee ay si buuxda u saamaynayso noloshaada oo dhan

Faa'iidada hurdada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hurdo wanaagsan macnaheeda ayaa ah helidda gogol wanaagsan oo dhex marta lammaana. Waxaa jira sababo badan oo arrintan ka dambeeya. Maxaa yeelay hurdadu waxay noqonaysaa mawduuc aad loo dayacay oo ka mid ah nolosha bulshada, muhiimna aad u ah.

Qof kastaa wuxuu rabaa hurdo wanaagsan, qof kastaa wuu ka sheekeynayaa, qof kasta oo baraha bulshada ku jirana wuxuu ka hinaasay saaxiibbadiis oo hurdo fiican seexda.

Hurdada waxay si toos ah ula xiriirtaa dhaqdhaqaaqa rabitaan ee gogosha, hormoonnada qofka, iyo guud ahaan nolosha guud ahaanteedaba. Si gaar ah khubaradu waxay u sheegeen in haweenka hurdada fiican hela ay u xoojiso dareenka baahida gogosha.

Hurdada iyo xiriirka lamaanaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Daraasad la xiriirta caafimaadka carruurta ayaa daaha ka qaadday in ragga haddii ay seexdaan wax ka yar afar saacadood dhowr maalmood oo isku xigta, uu dareenkooda testosterone-ka ee awoodda ragannimada hoos u dhacayo boqolkiiba toban.

Dhimistani waxay u dhigantaa inta iska dhimi karta 10 sanoba. Waxay kaloo saamaysaa hormoonnada dumarka.

Sida lagu sheegay cilmi-baaris kale, haddii dumarku seexdaan hurdo ku filan, awooddooda rabitaan waxay korodhaa boqolkiiba 14.

Hurdo la'aan

Dhanka kale waxaa jira caqabado hor taagan seexashada hurdada fiican ee lammaanaha. Tusaale ahaan haddii midkood khuuriyo waxa ay ku keeni kartaa qofka kale khalkhal dhinaca hurdada ah.

Hurdada waxay sidoo kale ku xiran tahay heerkulka qolka iyo nooca joodariga. Waxay wanaajisaa caafimaadka jirka, maskaxda iyo galmada.