Maxay tahay baqdinta iyo walaaca ay Mareykanka u gudbiyeen qaar ka mid ah dalalka Carabta?

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa Khamiistii sheegay in Iran ay hakisay xukunkii dilka ahaa ee lagu fulin lahaa 800 oo mudaaharaadayaal ah, sababo la xiriira cadaadis uga yimid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku aaddan dibadbaxyada.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo wakaaladda wararka ee AFP ay ka soo xigatay sarkaal sare oo Sucuudi ah oo sheegay in Sucuudiga, Qatar iyo Cumaan ay horseedeen dadaallo xooggan oo lagu doonayay in lagu qanciyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump inuu ka fogaado weerarrada uu Iran ku qaado xillligan.
Waxaay dalalkan sheegeen in weerar xilligan lagu qaado Iran ay ka cabsi qabaan inay horseeddo “falcelin khatar ah oo gobolka ka dhacda”.
Sida uu sheegay mas’uulka, "Saddexda waddan ee Gacanka ayaa dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan ku bixiyay daqiiqadii ugu dambeysay si ay u qanciyaan Madaxweyne Trump inuu Iran fursad siiyo si ay u muujiso niyad wanaagsan… kanaalada isgaarsiineed weli waa furan yihiin si loo xoojiyo kalsoonida wadajirka ah iyo niyadda wanaagsan ee haatan jirta."



















