Trump wuxuu rabaa inuu joojiyo xaqa muwaadinimo eee dhalashada, halkeey ka taagan yihiin dalalka kale?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Amarka fulinta ee madaxweyne Donald Trump ee ah joojinta xaqqa dhalashada ama qofka kud hasha Mareykanka ayaa dhaliyay caqabado dhowr ah oo dhanka sharciga ah iyo walaac ah oo soo wajahay qoysaska soogalootiga ah.
Ku dhawaad 160 sano, wax ka bedelka cutubka 14aad ee dastuurka Mareykanka ayaa dejiyay mabda'a ah in qofka ku dhashay dalka uu yahay muwaadin Mareykan ah.Amarka ayaa hadda hakad ku jira maadaama uu kiisku marayo maxkamadaha.
Laakiin iyada oo qayb ka ah xakamaynta tirada dadka soogalootiga ah, Trump waxa uu raadinayaa in uu dhalasho u diido carruurta muhaajiriinta ah ee si sharci darro ah dalka ku jooga ama fiisaha ku meel gaadhka ah.
Talaabadan ayaa u muuqata mid taageero dadweyne iyo shacbiyad haysata. Ra'yi ururin uu samayay Koleejka Emerson ayaa soo jeedinaysa in dad badan oo Maraykan ah ay taageersan yihiin Trump.
Laakin bal aan sameyno is-barbardhig sharciyada kale ee muwaadinimada dunida kale?
Dhalashada muwaadinka guud ahaan caalamka
In qofka dal ku dhashay uu noqdo si toos muwaadinka dalkaasi ama xaq u leh ciidda uu ku dhashay ma aha mid ka dhacda inta badan dalalka kale duwan e caalamka.
Maraykanku waa mid ka mid ah ilaa 30 waddan - inta badan Ameerika - kuwaas oo siinaya dhalasho toos ah qof kasta oo ku dhasha gudaha xuduudahooda.
Taas bedelkeeda, dalal badan oo Aasiya, Yurub iyo Afrika ka mid ah waxay u hoggaansamaan mabda'(xaquuqda dhiigga), halkaas oo carruurtu ka dhaxlaan dhalashadooda waalidkood, iyada oo aan loo eegin meesha ay ku dhasheen.
Waddamada kale waxay leeyihiin isku-dar labada mabda'a, sidoo kale siinta dhalashada carruurta deganaanshaha rasmiga ah haysta.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
John Skrentny, oo ah barafasoor cilmiga bulshada ka dhiga Jaamacadda California, San Diego, ayaa aaminsan in, in kasta oo xuquuqda ku dhalshada ay ku badan tahay dalalka Ameerika oo dhan, "dal kastaa wuxuu lahaa waddo u gaar ah".
"Tusaale ahaan, qaar ayaa ku lug lahaa addoonsiga iyo dadkii hore ee al adoonsan jiray .Taariikhdu way adagtahay," ayuu yiri. Dalka Maraykanka, wax ka beddelka cutubka 14aad ayaa la ansixiyay si wax looga qabto xaaladda sharciga ah ee addoommada la xoreeyay.
Si kastaba ha ahaatee, Mr Skrentny ayaa ku doodaya in waxa ku dhawaad dhammaan looga gol lahaa ay ahayd"dhisidda qaran ka soo baxay gumeysi hore".
"Waxay ahayd in ay istiraatijiyad ka dhigtaan cidda ay ku darayaan iyo cidda ay ka saarayaan, iyo sidii ay qaranka-ay u maamuli lahaayeen," ayuu yiri. "Dad badan, xaqa dhalashada, oo ku salaysan in ay ku dhasheen dhulka, waxay u sameeyeen ujeedooyinkooda dawlad-dhisidda xilligaasi.
"Qaar ka mid ah, waxay dhiirigelisay socdaalka ka imanaya Yurub, kuwa kale, waxay hubisay in dadka asaliga ah iyo addoommadii hore, iyo carruurtooda, lagu daro xubnaha buuxa, oo aan laga tegin waddan la'aan. Waxay ahayd istaraatijiyad gaar ah wakhti gaar ah, waxaana laga yaabaa in wakhtigaas la soo dhaafay."
Siyaasadaha is-bedelaya iyo xayiraadaha sii kordhaya

Xigashada Sawirka, Reuters
Sanadihii la soo dhaafay, wadamo dhowr ah ayaa dib u eegis ku sameeyay sharciyadooda dhalashada, iyagoo adkeynaya ama kala noqday dhalashada dadkii ku dhashay sababo la xiriira walaaca socdaalka, aqoonsiga dhalashada, iyo waxa loogu yeero "dalxiiska dhalashada" oo ay dadku booqdaan waddan si ay ugu dhalaan.
Hindiya, tusaale ahaan, mar la siiyay dhalasho toos ah qof kasta oo ku dhashay dhulkeeda. Laakiin muddo ka dib, welwelka laga qabo socdaalka sharci darrada ah, gaar ahaan Bangladesh, ayaa horseeday xannibaado in la so rogo.
Laga soo bilaabo Dicember 2004, ilmaha ku dhashay Hindiya waa muwaadin kaliya haddii labada waalid ay Hindi yihiin, ama haddii mid ka mid ah waalidku yahay muwaadin kan kalena aan loo aqoonsanin soo galooti sharci darro ah.
Dalal badan oo Afrikaan ah, oo taariikh ahaan raacaya nidaamka ah in qofka ku dhasho ciidooda ay muwaadiniin yihiin xilligii gumeysiga, ayaa markii ay xornimada qaateen nidaamkaas meehsa ka saaray. Maanta, badankood waxay u baahan yihiin ugu yaraan hal waalid inuu noqdo muwaadin ama deganaashiyo rasmi ah.
Dhalashada xitaa aad ayey u xaddidan tahay inta badan wadamada Aasiya, halkaas oo ay ugu horrayn go'aamiyaan asalka qofka, sida waddamo ay ka mid yihiin Shiinaha, Malaysia, iyo Singapore.
Yurub sidoo kale waxaa lagu arkay isbedel weyn. Ireland waxay ahayd waddankii ugu dambeeyay ee gobolka oo aan arrintan xaddiday.
Waxay baabi'isay siyaasadii ka dib ra'yi ururin Jun 2004, markii 79% codbixiyayaashu ay ansixiyeen wax ka bedel dastuuri ah oo u baahan ugu yaraan hal waalid inuu noqdo muwaadin, degane rasmi ah, ama degane ku meel gaar ah oo sharci ah.
Dawladdu waxay sheegtay in loo baahan yahay isbeddel sababtoo ah haweenka ajnabiga ah ayaa u safrayay Ireland si ay ugu soo dhalaan si ay caruurtooda u helaan baasaboorka Midowga.
Mid ka mid ah isbeddellada ugu daran ayaa ka dhacay Jamhuuriyadda Dominican, halkaas oo, 2010, wax ka beddelka dastuurku uu dib u qeexay jinsiyadda si looga saaro carruurta muhaajiriinta aan sharciga lahayn.
Go'aanka Maxkamadda Sare ee 2013 ayaa tan dib u bilaabay 1929-kii, isaga oo ka xayuubiyay tobanaan kun - oo u badan kuwa ka soo jeeda dalka Haiti - dhalashadooda Dominican. Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa ka digay in tani ay dad badan ka dhigi karto waddan la'aan, maadaama aysan haysan warqado dalka Haiti ah.
Talaabadan ayaa waxaa si weyn u cambaareeyay hay'adaha samafalka caalamiga ah iyo maxkamada caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ee Inter-American.
Cabashada dadweynaha awgeed, Dominican Republic waxay soo saartay sharci 2014-kii kaas oo dejiyay nidaam lagu siinayo jinsiyadda Dominican-ku caruurta soogalootiga ah ee, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Haiti.
Mr Skrentny wuxuu u arkaa isbeddelada inay qayb ka yihiin isbeddello ballaaran oo caalami ah. "Hadda waxaan ku jirnaa xilli ay dad badan soo haajireen iyo gaadiidka oo fududaaday, xitaa badweynta la dhex mari karo"ayuu yiri.
Hadda, shakhsiyaadka sidoo kale waxay noqon karaan kuwo istiraatiijiyadeed oo ku saabsan jinsiyadda. Taasi waa sababta aan hadda u aragno dooddan gudaha Mareykanka."
Caqabadaha sharciga ah

Xigashada Sawirka, Reuters
Saacado gudahooda markii uu amarka madaxweyne Trump soo baxay, waxaa billowday dacwado kala duwan oo ay fulinayaan gobollo iyo magaalooyin ay dimuqraadigu maamulaan, kooxaha u dooda xuquuqda madaniga ah iyo shakhsiyaad.
Laba garsoore oo federaal ah ayaa la saftay kiisaskaasi, oo uu ay u dambeeysay garsooraha degmada Deborah Boardman ee Maryland Arbacadii.
Waxay la safatay shan dumar ah oo uur leh kuwaas oo ku dooday in u diidista carruurtooda dhalashada ay xadgudub ku tahay dastuurka Maraykanka.
Inta badan khubarada sharciga ayaa isku raacay in madaxweyne Trump uusan ku joojin karin xaqa dhalashada amar fulineed oo uu soo saaray.
Ugu dambeyntii tan waxaa go'aan ka gaari doona maxkamadaha, ayuu yiri Saikrishna Prakash, khabiir dhanka dastuurika ah iyo borofisor ku takhasusay sharciga Jaamacadda Virginia. "Tani maaha wax uu keligiis go'aansan karo."
Amarka ayaa hadda hakadayuu ku jira maadaama uu kiisku marayo maxkamadaha.
Ma cadda sida Maxkamadda Sare, oo ah halka ay garsoorayaasha muxaafidka ahi sameeyaan aqlabiyad weyn, ay u tarjumi doonto wax ka beddelka cutubka 14aad haddii ay timaado.
Waaxda cadaaladda ee Trump ayaa ku doodday in ay khusayso oo kaliya dadka deganaanshaha rasmiga ah. Dublamaasiyiinta, tusaale ahaan, waa laga dhaafay.
Laakiin qaar kale ayaa ka soo horjeeda in sharciyada kale ee Maraykanku ay quseeyaan muhaajiriinta aan sharciyeysnayn sidaas darteed cutubka14aad waa inuu sidoo kale qusooye.













