Stanley Johnson: Sababta uu u qaatay dhalashada dalka Faransiiska

Xigashada Sawirka, BBC/Twofour/Amy Browning
Aabbaha dhalay Boris Johnson ee Stanley ayaa sheegay inuu noqday muwaadin Faransiis ah, xilli uu u warramayey warbaahin laga leeyahay Belgium waxaana uu sheegay in ujeedkiisu ahaa inuu ilaaliyo "xidhiidhka" uu la leeyahay Midowga Yurub ka dib Brexit - qorshihii Ingiriiska ee ka bixitaanka Midawga Yurub.
Mr Johnson, oo hooyadiis ay ahayd Faransiis, ayaa u sheegay BFMTV helitaanka jinsiyadda dalkan in ay u tahay"wax qaali ah" oo u oggolaanaysa in uu sheegto qayb ka mid ah "aqoonsigiisa".
"Waxaan isku tiriyaa mar labaad xubin ka tirsan Midowga Yurub - taasi waa wax aad u wanaagsan," ayuu raaciyay hadalkisa.
Si ka duwan wiilkiisa, oo hogaaminayay ololihii ka bixitaanka Midowga Yurub, Mr Johnson wuxuu u codeeyay inuu lagu sii jiro Midawga Yurub aftidii Brexit ee ka bixitaanka Midawga Yurub ee 2016.
Intii u dhaxaysay 1979 iyo 1984, Mr Johnson wuxuu ahaa xubin ka tirsan baarlamaanka Yurub oo matalaya Wight iyo Hampshire East.
Xafiiska Madaxtooyada ee Downing Street ayaa sheegtay in go'aankaas uu ku aqbalay dhalashada Faransiiska uu ahaa "arrin shakhsi ah oo ku saabsan aabaha ra'iisul wasaaraha".
Stanley Johnson ayaa ku dhawaaqay inuu codsan doono dhalashada Faransiiska December 2020 - bil ka hor inta aysan UK si buuxda uga bixin Midowga Yurub.
Wasaaradda Cadaaladda ee Faransiiska ayaa xaqiijisay Mr Johnson inuu qaatay dhalashada Faransiiska Arbacadii, isagoo codsaday 18kii Noofambar 2021.
Isagoo la hadlayay PA News, ololihii hore ee deegaanka ayaa yiri: "Aad ayaan ugu faraxsanahay, wax fikrad ahna kama hayo heerka go'aankan la qaatay, laakiin waxaan filayaa inay ahayd arrin aad male-awaal u ah in la sameeyo xilligan, xilli xiriirka aan la leenahay Faransiiska iyo EU-da uusan ahayn kuwa ugu fiican."
Mr Johnson waxa uu ku kaftamay in uu mar kale isu soo sharixi karo baarlamaanka Yurub, balse markan uu u tartami karo doorashada Faransiiska.
Waxa uu sidoo kale sheegay in uu hal kelmad jawaab ah ka helay wiilkiisa, Boris - "magnifique"
Sharciga Faransiiska ayaa caadiyan ka hor istaagaya carruurta muwaadiniinta Faransiisku inay sheegan karaan dhalashadan dalkan haddii xubin qoyskooda ka tirsan uu ku noolaa meel ka baxsan waddanka in ka badan 50 sano iyaga oo aan isticmaalin xuquuqdooda.
Si kastaba ha ahaatee, waaxda cadaaladda ayaa sheegtay in Mr Johnson uu awooday in uu dib u soo nooleeyo xaqa uu u leeyahay dhalashada Faransiiska marka loo eego qodob khuseeya kuwa "dhaqan, xirfad, dhaqaale ama qoys" xidhiidh la leh dalkan.
Waxa ay intaa ku dartay in Mr Johnson dhalashadiisa faransiiska ay quseyso isaga oo kaliya, oo aysan gaarsiisneyn faraciisa.
Ma jirto wax shardi ah oo dadka Britishka ah ay ku noqonayaan muwaadin Faransiis ah si ay uga tanaasulaan dhalashadooda UK.
Ka dib aftidii Brexit waxaa sare u kacay muwaadiniinta UK ee qaadanaya dhalashada wadan kale oo Midowga Yurub ah.
Sannadkii 2017 13,141 muwaadiniin UK ah ayaa helay dhalashada mid ka mid ah 18-ka waddan ee xubnaha ka ah - marka la barbar dhigo 5,056 sannadkii 2016 iyo 1,826 oo keliya 2015.
Sababtoo ah wuxuu ku dhashay New York, Boris Johnson wuxuu awooday inuu haysto dhalashada Mareykanka, taa soo uu helay 25 sano ka hor inta uusan ka tanaasulin 2016.










