Boris Johnson muxuu ka aaminsan yahay qaaradda Afrika?

Xigashada Sawirka, Reuters
Boris Johnson, ka dib marka uu la wareego xilka Ra'iisulwasaaraha, wuxuu wajahayaa caqabado Theresa May ku kallifay in ay iska casisho jagada.
Waxaa caqabadahaas ka mid ah in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub. Heshiisyadii hore ee May waxaa diiday Baarlamaanka.
Balse taasi ka dib muxuu yahay qorshihiisa ku wajahan Afrika?
Waxaa suuragal ah in hadallo aan wanaagsaneyn ay ku jiraan wixii uu horey uga sheegay Afrika.
Warbixin uu qray sanadkii 2002, ka dib booqasho uu ku tegay Uganda, nuxurkeeda waxaa ka mid ahaa inuu yiri: "Dhibaatada haysata Afrika ma aha inaan mar xukumi jirnay, ee waa in aynaan hadda gacanta inoogu jirin".
Wuxuu inta ku daray in "nidaamkii gumaystaha uu soo afjaray adoonsiga uuna keenay falashadda beeraha, halka dedaallada caawinta ay keenaan gabaabis dhanka siyaasadda ah.
Isla sannadkaasi ayaa warbixin uu ku qoray wageyska Daily Telegraph, waxa uu ku sheegay in dalalka Barwaaqa-Sooranka ah ay boqoradda u hibeyn jireen "carruur madow oo sacabka iyo calan ruxidda ku wanaagsan".

Xigashada Sawirka, Vila Somalia
Sanadkii 2016 wuxuu wargeyska the Sun ku qoray in madaxweyne Barrack Obama uu "naceyb soojireen ah u qabo Boqortooyadda Britain" maadaama uu "Asal ahaan ka soo jeedo Kenya".
In kastoo aanu ka xishoon hadalladaasi adag, haddana marka uu xilka la wareego, wuxuu xoogga saari doona ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, taasoo qeyb ay ka tahay inuu heshiisyo ganacsi la saxiixdo dalalka Afrika.
Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha dalalka Afrika ayaa durbadiiba soo dhaweeyay xilka loo dhiibay Boris Johnson.
Madaxda qaaradda Afrika ee ka hadlay doorashadiisa ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Ghana iyo kan Zimbabwe oo sheegay inuu doonayo "xiriir aad u dhaw ay yeeshaan labada dal".
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1

Dhammaadka X boggan, 2
Sidoo kale madaxdii u hambalyeesay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo bartiisaTwiter-ka ku sheegay in uu rajeynayo inay ka wada shaqeeyaan danaha labada dal.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 3