Xabsiga geerida u horseeday halgamaagii Muslimka ahaa ee la dagaallamay Ingiriiska

Halkan ayaa lagu dilay Axmed Khaan

Xigashada Sawirka, SUMRAN PREET

Taariikhda halganka gobonnimadoonka Hindiya marka dib loogu laabto waxaa soo kormaray taariikhda halgamaagii muslimka ahaa Axmed khaan Kharaal oo guumeystaha Ingiriiska dagaalka kula jiray.

Axmed wuxuu ka dagaallamayey gobolka Punjab ee dalkaasi Hindiya.

Marki dambana isaga iyo rag kale ay halgan wadaag ahaayeen waxaa daldalaad iyo rasaasba ku dilay guumeystihii Ingiriiska ee dalkaasi guumeysaneyey.

Ciidamada halgaamayaasha uu hoggaaminayey Axmed Khaan Kharaal dadka gobolka Punjaab waxay u yaqaanneen ‘Halgamayaasha Barakeysan’.

Taariikhda halganka gobonnimadoonka ay u soo galeenna waa mid quluubta shacabka dalka Hindiya oo dhan ku nool.

Ninkan oo taariikdiisa halgan aad aad looga warhayn waxaa soo shaac bixiyey oo taariikhdiisa halgankiisa buug ka qoray qoraaga caanka ah Wasiim Axmed Sayid, isaga oo buuggaasi ugu magacdaray ‘Halgamaagi Xornimadoonka ee aan la aqoon ee 1957-kii.”

Jeelka uu Axmed Khaan soo weeraray

Xigashada Sawirka, SUMRAN PREET

Waa kumaa Axmed khaan Kharaal?

Axmed wuxuu ka soo jeedaa qoys beeraley ah oo ka tirsan beesha Kharal ee degta gobolka Punjab ee dalka Hindiya.

Wuxuuna dhashay 1803-dii wuxuuna dhintay bishii bishii September ee sanaddii 1857-kii.

Axmed oo ka soo jeeda qoys hoggaanka dhaqanka u haya beesha Kharaal uu ka soo jeedo. Wuxuuna ahaa shaqsi tani iyo yaraantiisa si weyn looga ixtiraamo gobolka uu ka soo jeedo.

Haddaba hoggaamiyihii dhaqanka ee nabadda jeclaa ee beesha Kharaal wuxuu iisu beddelay halgamaa xornimada dalka Hindiya u dagaallama. 

Xilliga uu Axmed dagaalka halganka billaabayey waxaa Hindiya gumeysi ku haystay Ingiriiska oo si waxshinima ah shacabka dalkaasi ula dhaqmayey sida lagu qoray taariikhda dalka Hindiya. 

Jeceylka uu dalkiisa hooyo u qabayna waxay ku kalliftay inuu la yimaaddo aragti ka duwan guumeystaha, wuxuuna horkacayey kacdoonkii caanka ahaa ee Gogera isaga isagoo abaabulay maleeshiyaad tira badan. 

Sawir gacmeed muujinaya guumeystaha Ingiriiska sida uu macabiisya ula dhaqmayey

Xigashada Sawirka, SUMRAN PREET

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wargeyska Ingiriiska ee Montgomery wuxuu qoray: “Axmed inuu ahaa nin maskax badan, geesi ah oo khiyana badan.” 

Axmed marki uu in muddo ah halgankiisa gobonnimadoonka waday guulo la taaban kara ayuu ka soo hoyey. 

21-ka Octobar 1857-kii wuxuu ciidan ku weeraray Jeelka Gogera oo haddaba ku yaalla degmada Okara, si uu u soo furto qaar ka mid ah dagaallamayaasha gobonnima doonka ee halkaasi ku xiran. 

Balse Isaga iyo Ciidamadiisiba waxay weerar gaadma ah ay kala kulmeen taliya xigeenka xabsiga Gogera, Leopold Oliver Fitzhardinge Berkeley, waxaana halkaasi lagu dailay Axmed iyo kaliyihiisa Sarank iyaga oo la dagaallamaya ciidanka guumeystaha.

Waxaa sida oo kale ciidamada guumeysiga ay qabqabteen ciidamo tira badan oo kuwa gobonimodoonka oo ay marki dambe rasaas iyo daldalaadba isugu dareen.

Axmed Khaan Kharaal waxaa lagu xusuustaa hadalki dhaxalgalka noqday uu ka tagay oo ahaa: "Intaad sanada badan guumeysi ku noolaan lahayd waxaa ka wanaagsan inaad naftaada u hibeyso si aad maalmo aad xorriyad ku noolaato u hesho."