Dalka gabdhaha Muslimiinta ah shaqooyinka loogu diido xijaabka dartiis

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tabassum (ma aha magaceeda saxda ah) waa dhakhtar ka timid Mumbai. Markii ay dhamaysatay waxbarashadeeda caafimaadka, waxay shaqo ka dalbatay isbitaallo iyo xarumo caafimaad oo dhow ah.
Dhibco sare ayay heshay markii ay ka qalinjebinaysay caafimaadka. Taas darteed, waxay rajeyneysay in ay shaqo u heleyso si dhaqso leh. Hay’ado 10 ilaa 12 ah ayay shaqooyinka codsatay, middoodna kama aysan helin wax jawaab ah.
Waxay u haysatay in sababta aysan shaqooyinka u helin ay ahayd tartameyaasha kale oo ka aqoon badan ama ka waayo-aragsan.
Barafasoorkeedii jaamacadda oo isaguna Muslim ah ayaa maalmo kaddib kala hadlay xarun caafimaad oo gaar loo leeyahay. “Xaaskiisu waxay igu tiri xijaabka aad xiran tahay wuxuu keeni karaa in bukaannada qaar ay ku diidaan, marka ha filan inaad halkan shaqo ka heli doonto,” ayay tiri.
Waxay sheegtay in markaas ay ogaatay sababta ay shaqooyinkii hore u heli waysay.
Nayla (magaceeda waa la beddelay) oo ka timid magaalada Lucknow ee waqooyiga Hindiya waxaa qof ku sugnaa qeybta soo dhoweynta ee iskuul ay shaqo ka codsatay uu u sheegay inay iska dhigto marada madaxa u saaran haddii ay rabto inay halkaas ka shaqeyso.
Waxay tiri, “Waxaan ku iri, haddii ay taasi tahay siyaasaddiinna, waxay ahayd in lagu xuso shuruudaha codsiga shaqada.” Waxay sheegtay in maalmo kaddib laga soo wacay iskuulkii si loogu ballamiyo imtixaanka, balse ay diidday maaddaama ay ogeyd in aan la shaqaaleyneyn.
oo lagu weydiistay inaad qaadato warqadda wicitaanka imtixaanka. Halkaas ayaan joogay.
Eedeymaha takoorka shaqada ee xijaabka la xiriira

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhanka shaqada, gabdhaha muslimiinta ah, gaar ahaan kuwa xirta xijaabka, waxay inta badan sheegaan in la takooro marka ay shaqo helaan. Haweenka Muslimka ah ayaa aad uga hooseeya bulshooyinka kale dhanka waxbarashada. Tiro ahaanna aad bay ugu yar yihiin meelaha laga shaqeeyo.
Dhowaan hay’ad lagu magacaab ‘Lead By’ ayaa soo bandhigtay warbixin sheegeysa in 47 boqolkiiba gabdhaha Muslimka ah lagu takooro shaqooyinka, taas oo ah tirada gabdhaha muslimka ah ee shaqo raadsada. Ku dhowaad kalabar gabdhahaas ayaan shaqo helin, iyadoo ay sababtu tahay inay muslimiin yihiin.
Dr. Roha ayaa sheegtay in ay sameeyeen daraasad ay u adeegsadeen hab cusub. Waxaa la diyaariyay hal codsi oo shaqo iyo CV isku mid ah oo mid lagu qoray Xabiiba Cali, kan kalena Priyanka Sharma. “Waxaa jiray kun codsi oo midkiiba lagu qoray magaca Xabiiba iyo Priyanka Sharma oo shaqooyin kala duwan lagu codsaday iyadoo loo dirayo dhowr shabakado internetka ah oo shaqooyinka raadiya. Codsiyadan kuma jiraan sawirrada gabdhaha,” ayay tiri.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Gabadha magaca Hindida ah loo qoray ee Priyanka waxaa la soo xiriirtay oo weliba soo wacay 208 goob, halka Xabiiba ay la soo xiriireen 103 keliya, waxaana soo wacay shirkadaha u dhaxeeya shaqo-doonka iyo shaqo-bixiyaha.
Arrin kale oo ka soo baxday daraasaddan ayaa ah in heerka takoorka lagu hayo dumarka Muslimiinta ah uu hooseeyo Waqooyiga Hindiya oo heerkani uu ahaa 40 boqolkiiba. Halka ay ahayd 59 boqolkiiba Galbeedka Hindiya iyo 60 boqolkiiba koonfurta.
Dr. Roha ayaa sheegtay in daraasaddan ay tahay tii ugu horeysay ee dib-u eegis ku sameysa caqabadaha shaqooyinka ka haysta gabdhaha Muslimiinta,balse “ma ahan ayay tiri mid dhamays tiran”.
Siyaasaddeenna oo keliya maaha ee sidoo kale bulshadeennu waa Muslim-diid"
Dad badan ayaa sidoo kale ka faallooday warbixinta daraasadda oo cinwaan looga dhigay 'eexda shaqaaleysiinta'.
Isaga oo ka jawaabaya, Amit Verma ayaa waxa uu qoray, "Waxay muujinaysaa in aanay siyaasaddeena oo keliya ahayn balse sidoo kale bulshadeennu ay tahay mid ka soo horjeeda Muslimiinta."
Qof kale ayaa isna qoray in "daraasaddani ay si macquul ah u soo saartay hab-dhaqanka ka soo horjeeda Muslimiinta ee goobta shaqada."
"Tani waa sahan indho-furan," Amna ayaa qortay. Haweenka Muslimka ah ayaa la kulma takoorid dhanka warshadaha iyo heer kasta.













