Taliyihii ciidanka cirka Pakistan oo fashilay xogta ku saabsan weerarkii ay Hindiya ku qaadi rabeen

Xigashada Sawirka, Getty Images
Taliyihii hore ee ciidamada cirka ee waddanka Pakistan, Muhammad Anwar Shamim, oo hadda howlgab ah, ayaa shaaca ka qaaday faahfaahinta ku saabsan qorsheyaashii militeriga Pakistan ay ku damacsanaayeen inay weeraraan Hindiya.
Janaraal Shamim ayaa sheegay in sanadkii 1984-kii ay taliska militeriga Pakistan damceen in ay weerar la beegsadaan xarunta cilmi baarista atomic-ga Hindiya ee Bhabha, oo ku taalla tuulada Trombay.
Sababta qorshahaas uu ku yimid ayaa ahayd in xilligaas ay militeriga Pakistan ka cabsanayeen in diyaaradaha dagaalka ee Hindiya ay duqeeyaan shaybaarka Pakistan ee lagu farsamaynayay nuclear-ka, oo ku yaalla magaalada Kahuta.
Waxaa jiray dad kooban oo markaas si dhab ah u fahansanaa xogta rasmiga ah ee ku saabsanayd howlgalkaas militeri.
Taliyihii hore ee ciidanka cirka Pakistan, oo khudbad jeediyay 16-kii bishii December ee sanadkii 1985-kii, ayaa sheegay in xilligaas ay Pakistan ku tashanaysay inay hubka nukliyeer-ka booskiisa adeegsadaan diyaaradaha dagaalka ee noocoodu yahay F-16.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Pakistan markaas sannado badan ayaa uga dhimmanaa in ay yeelato awoodda hubka sida ba'an wax u gumaada ee nukliyeerka.
28-kii bishii May ee sanadkii 1998-kii ayay ahayd markii ugu horraysay ee ay Pakistan ku dhawaaqday inay ku hubaysan tahay nukliyeer, inkastoo cadaawadda kala dhaxeysay Hindiya ay soo jirtay waqti aad uga horreeyay xilligaas.
Waxaa wali taliyeyaasha ciidanka qalabka sida iyo saraakiisha wasaaradda gaashaandhigga ee Pakistan dhagahooda kasii guuxayay guul darradii ay kala kulmeen Hindiya oo uu dagaal hore dhex maray.
Sanadkii 1978-kii, madaxweynihii Pakistan ee waqtigaas, Janaraal Zia-ul-Haq, ayaa amar ku siiyay taliskiisa militeriga in ay darajada u kordhiyaan taliyaha ciidanka cirkana ka dhigaan Anwar Shamim.
Xilkaas waxa uu hayay ilaa laga gaaray sanadkii 1985-kii.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Anwar Shamim shaqadiisa ma aysan ahayn oo keliya in uu diyaaradaha F-16-ka kusoo kordhiyo awoodda ciidamada cirka ee Pakistan, waxa uuse sidoo kale xaqiijiyay in diyaaradahaas ay howlgalladooda si rasmi ah u billaabaan sanadkii 1983-kii.
Ilaa laga gaaray markii uu howlgabka noqday, waxa uu la-taliye khaas ah u ahaa janaraal Zia-ul-Haq oo uu ka caawin jiray xogaha ku saabsan arrimaha militeriga iyo amniga.
Sidaas awgeed, islamarkii uu shaqada joojiyay sanadkii 1985-kii, waxa uu jeediyay khudbad uu ku fashilay macluumaadkii ku saabsanaa qorsheyaasha weerarrada.
Hal sano kaddib markii ay Pakistan xaqiijisay inay haysato hubka nukliyeerka, waxaa qarxay dagaalkii ay la gashay Hindiya ee la magac baxay Kargil, oo dhacay sanadkii 1999-kii.
Dadka qaar ayaa xitaa is weydiinaya su'aal ku saabsan in Hindiya iyo Israa'iil ay rabeen inay burburiyaan hubka nuclear-ka ee ay heysato Pakistan.
Horay waxaa usii jirtay sheekada ku saabsan in diyaarad dagaal oo ay Israa'iil leedahay ay burburisay warshaddii nuclear-ka ee dalka Ciraaq.
Afartan sano ka hor ayuu dhacay howlgalkaas oo ay Israa'iil ku magacowday "Operation Opera", waxaana loo adeegsaday diyaaradda militariga ee loo yaqaanno F-16.
Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa soo tabiyay in Israa'iil ay sheegtay in "haddii aysan weerarkaas fulin lahayd ay Ciraaq awood u yeelan lahayd hubka nuclear-ka".










