Ninkii fashiliyey aflagaaddadii loo geystay Rasuulkeenna (NNKH) oo lagu dhaggan yahay

Maxammed Zubeyr

Xigashada Sawirka, TWITTER/@ZOO_BEAR

Tobankii maalmood ee u dambeeyey waxaa xabsi iyo maxkamad u dhaxeeya wariyaha caanka ah ee shaaciyay aflagaaddadii ay afhayeenka xisbiga talada dalka Hindiya haya ee BJP, Nupur Sharma ay u geysatay Rasuulkeenna (NNKH).

Tani iyo marki la xiray wariyahaasi waxaa la arkayey iyada oo booliska maxkamadda ay geynayaan kana soo celinayaan isaga oo lagu soo oogay dacwada hor leh. Waxaana loo qaaday xadka Hinidya uu la wadaago Nepal si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Booliska Delhi oo Maxammed Zubeyr xiray ayaa ku eedeeyay in 2018-kii uu bartiisa Twitter-ka “uu ku aflagaaddeeyey dadka aaminsan diinta Hinduuga.”

Kaddibna waxay u soo jeeediyeen eedymo la xiriira shirqool dambiyeed, burburin caddeymo iyo inuu waddama shisheeye uu lacago ka helo.

Ugu dambeyntina wariyahan 39 jirka ah booliska magaalada Delhi waxay ku sii daayeen dammaanad iyaga oo wax dambi ah ku waayey.

Maxammed oo ah Injineer dhinaca taleefannada oo ka howlgala magaalada Koonfurta dalka Hindiya ku taalla ee Bangalore, 2017-kii wuxuu aasaasay bogga wararka ee ‘Alt News’.

3,000 oo qormo uu booggaasi soo dhigayna waxaa la akhristay in ka badan 60 malyan oo jeer.

Xarigga Wariyaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dadka garanaya Maxammed waxay ku tilmaamaan inuu yahay ‘Nin go’aan adag oo dadaal badan'.

Inta aan la xirin ka horna wuxuu bartiisa Twitter-ka uu ku soo qoray farriimo uu ku cambaareynayo hogaamiyeyasha Hinduuga ee muslim naceybka caadeystay

Maxammed Zubeyr wuxuu maxkamadda horteeda ka sheegay in loo haysto shaqada uu qabtay iyo inuu muslim yahay.

Xarigga Zubeyr loo geystay waxaa cambaareeyey hoggamiyeyaasha mucaaradka, wariyeyaal iyo dad bulshda u dhaqdhaqaaqa.

NUPUR SHARMA

Xigashada Sawirka, TWITTER/NUPUR SHARMA

Hadal ka soo yeeray Nupur Sharma oo ahayd afhayeenka xisbiga talada Hindiya haya ee BJP waxaa ka dhashay cara xooggan oo gaaray iney waddama badan oo Muslim ah ay ka dhacaan mudaharadyo Hindiya looga soo horjeedo.

Halka taageerayaasha Nupur Sharma ay baraha bulshada ka billaabeen baaq ay dowladda Hindiya u dirayaan in Zubeyr la soo xiro, kaddib markii ay Nupur ku eedeysay inuu "nacayb ku hurinayo" ayna sababtay in barta Twitter-ka loo soo dhigo farriimo xanbaarsan "Hanjabaado kufsi iyo dil."

Maxammed waxay booliska u xireen oo hadda loo haystaa sawir uu afar sana ka hor ka fikir dhiibtay oo loo tarjumay inuu diinta Hinduuga uu aflagaaddeeyey.

Mudaharaad looga soo horjeedo xarigga wariyaha

Xigashada Sawirka, NURPHOTO

Kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda iyo Qaramada Midoobayba waxay walaac ka muujiyeen xarigga wariyahan looga geystay ‘wax uu ku hadlay ama uu qoray’ dartii.

Dadka taageera Mr Zubeyr waxay ku baaqayaan inuu xarig mudneen balse uu mudan yahay in lagu abaalmariyo howsha uu qaranka u qabtay, maadaamaa uu noqday wariye ku dayasho mudan oo u taagan ka hortagga naceybka bulshooyinka dhexdooda ka dhaca.

Muddooyinkii u dambeeyey dalka Hindiya waxaa ku soo badanayey xarigga wariyeyaasha wax ka sheega ama ka qora dowladda uu hoggaanka u hayo xisbiga BJP ee Raysal wasaare Narendra Modi.