Ciidanka Itoobiya oo xiray Jeneraal Gabre, maxay tahay sababta

Xarig

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ciidamada ammaanka ee Tigrayga ayaa xiray Sarreeye guuto Guesh Gebre oo ahaa taliyihii hore ee 'Ciidanka milateriga qaybta 15aad, sida ay ku warrantay ilo-wareedyo BBCda ka tirsan.

"Ma jirto cid sharciga ka sarreysa, waana sababta loo xiray," ayuu yiri taliye sare oo ka tirsan ciidamada milateriga oo BBC-da la hadlay.

Sarreeye Guuto Gabre ayaa caan ku ah in uu ka horyimaado taliyayaasha ciidamada qalabka sida ee gobolka kuwaas oo taageeray shirwaynihii guud ee kooxda TPLF, wuxuuna dalbaday in isbeddal lagu sameeyo maamulka kumeel gaarka ah ee Tigrayga oo uu hogaamiyo Getachew Reda.

Gabre oo ka soo horjeeday Taliyeyaasha loo yaqaano "kuwa ciidanka ka sarreeya" ayaa shaqada laga joojiyay tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii hore.

Xafiiska Nabadgelyada iyo Amniga ee gobolka ayaa boggiisa Facebook ku shaaciyay habeenimadii Sabtida in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadayaan xubnaha "ku xad-gudbay anshaxa iyo sharciga."

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay "qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ciidamada" inay ku lug leeyihiin dhaqan aan habboonayn oo xadgudub ku ah sharciga iyo nidaamka milatariga, isagoo aan shaacin magacyadooda.

Getachew Reda, ayaa qoraal uu ku qoray boggiisa X waxa uu kaga dhiidhiyay xadhiga Taliyaha.

"Ma doonayo in aan wax badan ka sheego Guesh Gebre Matefen, waxaan filayaa in qof walba uu garanayo haybtiisa iyo geesinimadiisa," ayuu yiri, isagoo dib u xusuusanaya inuu sameeyay "mucjisadi" uu sameeyey isaga oo ka hortagayey in ciidamada Tigrayga ay ka quustaan oo ay kala firdhadaan intii uu socday dagaalka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Maxaa dhacay? muxuu sameeyay qofkan oo sannad ka hor si xaq-darro ah looga qaaday xilka? Muxuu yahay micnaha in xiriir lala sameeyey cadawaga?" ayuu Getachew qoray, isagoo intaa ku daray in arrintan loo geystay "kaliya sababta oo ah Guesh iyo xulafadiisa ayaa raacay Merhe."

"Tigraay tuugta in la soo qabto ay yihiin kuwa qafaalanaya geesiyaal magac ku leh bulshada ayadoo marmarsiiyo laga dhiganayo sharciga ayaa ah mid ka soo horjeedda jiritaankeeda, cid kasta oo daneynaysa Tigrayga waa inay ka hortagtaa dambiilayaasha," ayuu raaciyay.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska nabad-sugidda gobolka ayaa lagu sheegay in khaladaadkaas ay yihiin kuwo si isdaba-joog ah u dhacay, kuwaas oo laga shaqaynayay khalkhal gelinta nabadda gudaha, isla markaana la isku dayayo in la lumiyo kalsoonida ka dhaxaysa askarta iyo hoggaanka, lagana hortagayo in ciidamadu ay u diyaar garoobaan hawlahooda shaqo.

Waxaa sidoo kale la xusay in Sarreeye Guuto gabre ay xireen ciidamada amaanka ee Tigray sababtaas awgeed.

"Arrinta waxaa dhageysan doonta maxkamadda ciidamada qalabka sida si waafaqsan shuruucda ciidamada," ilo BBC u warramay ayaa sidaas yiri.

Jeneraal Gabre

Xigashada Sawirka, SM

BBC-da waa ay awoodi wayday in ay hesho dukumeentiga lagu magacaabo Dastuurka Ciidanka Tigrayga.

Xafiiska nabadda iyo amniga ee gobolka ayaa ka digay in tallaabo dheeraad ah laga qaadi doono " tuhmanayaasha ku lug leh dambiyada la midka ah".

Xubnihii ka qayb qaatay dagaalkii Tigray-ga waxaa ka mid ah ilaa 175 taliyeyaal, ku xigeenadooda iyo saraakiisha saadka, kuwaas oo u badan dagaalyahanadii hore ee TPLF.

Bishii Janaayo ee sanadkii hore, ilaa 10 taliye sare ah ayaa ka baxay shir markii ay madaxda ugu sarreysa ciidamada Tigrayga ku dhawaaqeen in maamulka ku meel gaarka ah ee gobolka ee lagu dhisay heshiiskii Pretoria uusan gudaneynin waajibaadkii loo igmaday, waxayna go'aansadeen in la beddelo "madaxda itaalka yar".

Waxa ay ku eedeeyeen maamulka KMG ah in uusan kaliya gudan waajibaadkii loo igmaday, balse uu ku fashilmay hadafkii loo igmaday, isla markaana uu ku gacan seyray rabitaanka shacabka, ayna ka faa'ideysanayaan ciidamo shisheeye.