Nin 40 sano iska dhigayay wiil qoys maalqabeen ah ka lumay oo lagu fahmay arrimo ay hooyo garatay

Dayanand Gosain ayaa iska dhigay in uu yahay wiilka ka maqan nin milkiile guri ahaa waxa uuna qoyska la noolaa 41 sano

Xigashada Sawirka, RONNY SEN

Qoraalka sawirka, Dayanand Gosain ayaa iska dhigay in uu yahay wiilka ka maqan nin milkiile guri ahaa waxa uuna qoyska la noolaa 41 sano

Maxkamad ku taalla dalka Hindiya ayaa xukun xabsi ah ku ridday nin lagu helay dambi ah inuu iska dhigayay wiil ay dhaleen qoys maalqabeenno ah, muddo 41 sano ah.

Wariyaha BBC-da ee lagu magacaabo Soutik Biswas ayaa soo tebiyay sheekadan layaabka leh oo kiiskeeda uu waqti dheer socday.

Bishii February ee sanadkii 1977-kii, wiil dhowr iyo toban jir ah ayaa la waayay kaddib markii uu iskuulka ka tagay, isagoo kusii jeeday guriga waalidkiisa oo ku yaalla bariga gobolka Bihar.

Kanhaiya Singh, waxa uu ahaa wiilka keliya ee uu dhalay nin maal qabeen ah oo guryo ku lahaa tuulada, saamayn badanna lahaa.

Qoyskiisa waxay booliska ka diiwaangeliyeen xogta ku saabsan in uu maqan yahay.

Dadaal dheer ayaa loo galay in la raadiyo Kanhaiya. Aabihiis oo sii gaboobayay waxa uu billaabay in uu aad u walwalo.

Nin ka mid ahaa dadka tuulada ayaa u sheegay in wiilkiisa uu nool yahay, mar dhowna uu imaan doono.

Bishii September ee sanadkii 1981-kii, nin dhowr iyo 20 jir ah ayaa yimid tuulo qiyaastii 15km u jirta meeshii uu ku noolaa Kanhaiya.

Waddooyinka ayuu ku heesi jiray wuuna tuugsan jiray si uu u helo wax uu nolosha ku dabbaro.

Dadkii la kulmay ayuu u sheegay in uu yahay "wiil uu dhalay nin caan ah" oo daggan Murgawan, oo ah tuulada wiilka laga waayay.

Faahfaahin badan lagama hayo sida dhabta ah ee ay wax u dhaceen xilligaas. Balse waxaa la ogyahay in markii Kameshwar Singh loo sheegay hadal-haynta ku saabsan wiilkaas, uu u safray tuuladii si uu usoo arko.

Qaar ka mid ah dariskiisii, oo la socday, ayaa u sheegay in ninkan dhallinyarada ah uu yahay wiilkiisa la waayay, sidaas ayuuna guriga ugu kaxaystay.

"Indhahayga way daciifeen, si fiicanna uma arki karo. Haddii aad ii sheegtaan inuu wiilkayga yahay, waan haysanayaa," ayuu Singh ku yiri raggii, sida ay booliska sheegeen.

Murgawan waa tuulo yar oo 1,500 oo ruux ay ku nool yihiin

Xigashada Sawirka, RONNY SEN

Qoraalka sawirka, Murgawan waa tuulo yar oo 1,500 oo ruux ay ku nool yihiin
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Afar maalmood kaddib, Singh xaaskiisa, Ramsakhi Devi, waxaa gaaray warka ku saabsan in wiilkoodii la waayay uu soo laabtay. Waxay markaas ku maqnayd caasimadda gobolka, Patna, oo ay u raacday gabadheeda, Vidya.

Durbadiiba way soo laabatay, balse markii ay aragtay wiilka la keenay waxay ogaatay in uusan ahayn wiilkeedii.

Waxay sheegtay in Kanhaiya uu dakhar ku lahaa qaybta bidix ee madaxa, laakiin ninkan uusan astaantaas lahayn.

Waxa uu sidoo kale ku guul darraystay in uu garto macallin wiilka lumay wax bari jiray.

Hase yeeshee Singh waxaa ka dhaadhacsanayd in wiilkan uu yahay wiilkiisii. Maalmo yar kaddib Ramsakhi Devi waxay booliska ka diiwaan gelisay dacwad ku saabsan in qof uu si khaldan isaga dhigayo qof uusan ahayn, ninkiina waa la xiray, inkastoo hal bil kaddib lagusoo daayay damiin.

Kiiskiisa ayaa iska socday muddo dheer. Markii lasoo daayay waxa uu qaatay magacii wiilka uu isku tilmaamayay, waxbarasho ayuuna billaabay.

Aqoonsiyo kala duwan ayuu u adeegsaday meel walba, sidaas ayuuna ku bixinayay canshurta, codkiisana uga dhiibanayay doorashooyinka.

Mid ka mid ah kaararkiisa aqoonsiga wuxuu muujinayaa in uu dhashay sanadkii 1964-kii.

Muddo kaddib wuu guursaday, reer ayuuna abuurtay.

Sawir laga qaaday Dayanand Gosain oo aroos ahaa sanadkii 1982-kii

Xigashada Sawirka, RONNY SEN

Qoraalka sawirka, Sawir laga qaaday Dayanand Gosain oo aroos ahaa sanadkii 1982-kii

In ka badan 50 milyan oo kiis ayaa waqtigaas ilaa hadda aan laga dhammaystirin waddanka Hindiya, oo maxkamadihiisu mararka qaar ay gaabis ku shaqeeyaan.

Gosain qoyskiisa waxay sheegeen in da'diisu ay tahay "qiyaastii 62 sano", taasoo waafaqaysa da'da ugu qoran qaarka aqoonsiga ee muwaadinnimada.

Dambi baareyaasha waxay xaqiijiyeen in Gosain uu ahaa wiilka ugu yar ee afar wiil oo uu dhalay nin beeraley ahaa oo lagu magacaabi jiray Jamui.

Waxaa kale oo ay ogaadeen in uu ahaan jiray wiil jidadka ku heesa, kuna tuugsada, guriga qoyskiisana kasoo tagay sanadkii 1981-kii.

Chittaranjan Kumar, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan booliska Jamui, ayaa sheegay in Gosain uu guursaday isagoo da' yar, laakiin xaaskiisa ay ka tagtay islamarkiiba.

Singh ayaa xaaska hore u guuriyay Gosain hal sano kaddib markii uu gurigiisa geeyay.

Laakiin markii uu Singh geeriyooday kaddib waxa uu guursaday xaas kale oo u dhashay labo wiil iyo saddex gabdhood. Markii uu Singh geeriyooday waxa uu dhaxlay kalabar ka mid ah guri wayn oo qadiimi ah.

Gautam Kumar ayaa sheegay in uusan aaminsanayn inuu aabihiis iska dhigayay qof uusan ahayn

Xigashada Sawirka, RONNY SEN

Qoraalka sawirka, Gautam Kumar ayaa sheegay in uusan aaminsanayn in aabihiis uu iska dhigayay qof uusan ahayn

Kiiska ka dhanka ah ninkan waxaa la dhageysanayay in ka badan 40 sano, waxaana ku lug yeeshay ugu yaraan 12 garsoore.

Ugu dambayntiise, maxkamad ayaa guddi u saartay dhageysiga kiiskan oo lagu soo afjaray 44 maalmood oo aan loo kala kicin.

Intii u dhaxaysay bishii February ee sanadkan ilaa bishii April ayaa loo kuur galayay markhaatiyaasha iyo caddeymaha.

Garsoore lagu magacaabo Mishra ayaa dambi ku helay Gosain.

Bishii June maxkamad ka sarraysa taas ayaa ayidday xukunka, waxayna ku xukuntay ninkan toddobo sano oo xabsi adag ah.