Hindiya: Aabbe qabiil dartii gabadhiisa u dilay oo xukun maxkamadeed sugaya

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, .

"Marwalba waxaan u sheegi jiray inaan qabiil ahaan kala duwannahay. Aanna dooneyn inaan kulanno. Laakiin had iyo jeer waxay ii sheegi jrtay iney i guursan doonto marka ay da'deeda 18 jir gaarto."

Manjunath oo ka soo jeeda Periyapatna oo ka tirsan degmada Karnataka ayaa ka sheekeynaya sid ay wax u dhaceen.

Manjunath wuxuu ka soo jeedaa qabiilka la yirahdo Jadwalsan halka gabadha uu jecel yahay ay ka soo jeeddo qabiilka Savarna Vokkalinga.

Si kastaba ha u dhacdee gabadhi uu jeclaa haatan ifka kuma noola oo waxaa habeennimadi Isninta dilay aabbaheed. Aabbaha marka uu gabadhiisa dilay kaddib isaga ayaa isgeeyey saldhigga booliska isla-markaana qirtay inuu falkaasi geystay.

Lixdii bilood ee u dambeeyay waxa ay boolisku ku hawlanaayeen sidii ay meesha uga saari lahaayeen arrimaha jacaylka iyo muranka labada qabiil u dhaxeeya. Hase yeeshee, aabaha gabadha dhalay oo 50 jir ah ayaa dilay gabadhiisa. Naxdin ayey ku noqotay booliski ku howlanaa xal u helidda khilafka labada dhinac.

Hadal haynta labadan qof ee uu jeceylka dhexmaray oo ka soo kala jeedo qabiillo aan isguursan waxay timid marki uu aabbaha gabadha dhalay uu booliska soo gaarsiisyey dacwad arrinta ku saabsan. Aabbaha gabadha dhalayna wuxuu ku doodayaa gabadhiisa in kulliyadda ay dhiganeysay nin ay jeceyl wadaageen uu ku kufsaday.

Manjunath waxa uu yiri, "Waxay sheegtay in lagu cadaadiyay in ay dacwad soo gudbiso. Aabaheed waxa uu ugu hanjabay in uu dili doono haddii aysan u dacwoon booliiska, booliisku waa ay i garaaceen ka dibna way i sii daayeen."

Manjunath oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, "kadib markii aabahay booliska iisu dhiibay, waxaa ii yimid laba nin oo booliis ah si ay iila hadlaan, waxa uu igula taliyay in aanan dibadda u bixin oo aan is qariyo si aan badbaado u helo."

Munjunath oo ay da'diisu tahay 24 jir waa wiil dhalinyara beeraley ah. Xiriirka jeceyl uu gabadhan u qaadayna wuxuu soo billaawday 6 bilood ka hor.

"In badan ayaan taleefan ku wada hadalnay kuna sheekeysannay mararka qaar iyada oo afkeeda qabta oo aan wax cunin ayey ii iman jirtay kaddibna huteel ayaan geyn jiray oo aan cunto ka soo siin jiray, kaddibna moota ayaan ku geyn jiray kulliyadda ay dhigato" ayuu yiri.

Manjunath Melhalli iyo Taruni waxay labadooduba ka soo jeedaan tuulada Kagundi. Tuulada ay deggan yihiinna waxaa si weyn looga beertaa tubaakada ama buuriga.

Hase yeeshee waxaa wada dagaa qabiillo nabad ku wada nool balse dhaqan ahaan aan isguursan oo haybsooc uu ka dhaxeeyo.

La talin mudda bil ah socotay

Aabbaha gabadha dhalay dacwaddi hore uu Manjunath ka gudbiyey kaddib wuxuu markale ka soo gudbiyey laba dacwadood oo kale. Halka ay gabadhana dacwadda seddexaad gudbisay iyada oo aabbaheed uu ku qasbayo.

"Waxaa dharbaaxay aabbaheed, aniga iyo saaxibkeey oo ka agdhaweyn meesha uu aabbaha gabadhiisa ku dharbaaxayey waxba maanan ka qabana karin oo waan isaga tagnay waxaan gudaha u galnay kulliyadda," ayuu yiri Manjunath.

Dhalinyara badan oo la socotay sheekada jaceyl ee labada dhalinyarada ah u dhaxeeysa ayaa is uruursaday waxay u tageen booliska si ay ugu sheegaan dacwadda laga soo gudbiyey Manjunath iney been abuur tahay. Balse "booliska wuxuu la hadlay gabadha oo keli ah annaga kale wuxuu nagu yiri kabaxa saldhigga." ayuu yiri.

"Hooyadeed waxay ii sheegtay iney gabadha daryeel fiican siineyso marka ay qaan gaartana uu guursan doono oo garab ay ku siin doonto,"

Muddo bil ahna gabadha jaceylka ay wiil u qaadday darteed cadaadis kala kulmeyso qoyskeeda waxaa la siinayey adeeg la talin si looga sii hortgo cadaadiskaasi saameynta uu maskaxdeeda iyo noolasheeda mustqabalkaba ku yeelan karo.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, .

"Waaliddiinteeda dhibaato maskaxeed iyo mid jireedba wey u geysteen maadaamaa ay la socoto wiil ay jeclaatay awgeed," ayey tiri Kamla H oo madax ka ah waaaxda la talinta ee Kulliyadda.

"Gabadha aabbaheed bishii Decemcer ul ayuu igu garaacay, oo dadka ayaa iga badbaadiyey. Hase yeeshee saxibbadey talada ay i siiyeen anoo raacaya wax dacwad ah kuma soo oogin oo waan iska daayey. Gabadha aan jecelahyna aabbaheed habeen iyo maalin wuu garaaci jiray oo jirkeeda nabarra badan ayaa ku yaallay," ayuu yiri Manjunath.

Baaritaanka Kiiska

Booliska in mudda ah waxay wadeen baaritaan kiiskan la xiriiro. Gabadhana mar walba waxaa la siinayey la talin maadaamaa ay marweliba dhibaato ay kala kulmi jirtay waaliddiinteeda gaaar ahaan aabbaheed.

Hase yeeshee, boolisku inta ay baaritaanka wadeen ma sheegin waaliddiinta gabadha iney oggolaadeen guurka Manjunath iyo inkale.

Gabadhuna waxay aaminsaneyd iney mar un qancin doonto aabbaheed balse ma dhicin.

Rajadi ay Taluka ka lahayd iney calmato wiilki ay jecleyd iyo noolasheediba waxaa soo afjaray aabbaheed oo gabadhiisi gacantiisa ku dilay neceyb qabiil dartii.

Aabbaha gabadhiisa dilay oo ay dacwad ku socota waxaa la filayaa in maxkamada la horgeeyo, isla-markana uu muteyso xabsi daa'im maadaamaa uu qof dilay.

Dalka Hindiya wuxuu ka mid yahay dalalka sida weyn ay uga jiraan midab takoorka dhanka qabiilka iyo qabillada aan isguursan.