Mohsen Fakhrizadeh: Maxay tahay ujeedka loo dilay saynisyahanka reer Iiraan?
Jimcihii ka hor inta badan dadka Iiraan ma aanay garanayn ninkan, xilligaas oo aheyd markii la khaariyay, saynisyahanka nukliyeerka, Mohsen Fakhrizadeh, kaas oo ay aad u garanayeen dadka la socday barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan. Xogaha ammaanka ee reer-galbeedkana waxa ay u yaqaanneen inuu yahay nin saameyn badan.
Warbaahinta Iiraan ayaanan wax wayn ka soo qaadin muhiimadda Fakhrizadeh, iyagoo ku sheegay inuu ahaa saynisyahan iyo cilmibaare todobaadyadii ugu dambeeyay ku howlanaa baadigoobka uu dalkaas ugu jiray "qalab gudaha dalkaas lagu sameeyo oo lagu baaro Covid-19."
Mark Fitzpatrick, oo ka tirsan Mac-hadka Caalamiga ah ee Daraasaadka Istaraatiijiga ah ee London (IISS) kaas oo si dhaw ula socda barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan, ayaa sidoo kale bartiiska Twitterka soo dhigay: "Barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan waa uu ka soo gudbay waagii hal qof uu ku tiirsanaa".
Sidaas oo ay tahayse waxaan ognahay markii Fakhrzadeh la weeraray waxaa la socday dhowr askari oo ilaalo u aheyd, arrintaas oo tilmaamaysa sida Iiraan ay uga taxadaraysay ammaankiisa.
Marka tallaabada dilkiisa - oo aanay weli cidna sheegan - waxa ay u muuqanaysaa mid siyaasadaysan oo aanan ku lug lahayn howlaha nukliyeerka ee Iiraan.

Xigashada Sawirka, Reuters
Laba sababood ayaa markiiba bannaanka ku soo dhacaya: waa midda koobaadee, in halis la galiyo suuragalnimada xiriir horumarsan oo dhexmara Iiraan iyo maamulka cusub ee Mareykanka ee Biden. Midda labaadna, waa in Iiraan lagu dhiirrigeliyo inay falkaas ka aargoosato.
"Cadawgu todobaadyo walaac ah ayey gudaha kaga jiraan," ayuu yiri Madaxweyne Xasan Ruuxaani oo markiisii ugu horreeyay ka hadlayay khaarijinta.
"Waxa ay ogyihiin in xaalka caalamku uu isbaddalayo, oo waxa ay iskudayayaan inay maalmahaas ka faa'iidaystaan si ay gobolka xaalado deganaanshiyo la'aan ah uga abuuraan," ayuu ku daray.
Markii Mr Ruuxaani uu ka hadlayay "cadawga" Iraan, waxa uu ula jeeday maamulka Trump, Israa'iil iyo Sucuudi Carabiya.
Israa'iil iyo Sucuudi Carabiya ayaa waxa ay labaduba ka walwalsan yihiin isbaddalka siyaasadeed ee ku imaanaya Bariga Dhexe iyo cawaaqibka ku imaan kara markii Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Joe Biden, uu xilka la wareego.
Mr Biden ayaa caddeeyay intii ay socdeen ololihii doorashada inuu rajaynayo inuu dib ugu laabto heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan, midkaas oo uu wadaxaajoodkii lagu gaaray hogaaminayay madaxweyne Barack Obama, sanadkii 2015-kii, laakiin uu ka baxay Donald Trump sanadkii 2018-kii.

Xigashada Sawirka, EPA
Walaaca Israa'iil iyo Sucuudi Carabiya ay ka qabaan Iiraan ayaa waxaa la sheegay in loogaga xaajooday waxa ay warbaahinta Israa'iil ku tilmaantay inuu ahaa kulan qarsoodi ah oo magaalada Neom Axaddii la soo dhaafay ku dhex maray Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo Dhaxal sugaha Sucuudiga Amiir Maxamed bin Salmaan.
Hase yeeshee, wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga ayaa waxa uu beeniyay in kulankaas uu dhacay.
Mr Netanyahu ayaa waxaa la sheegay in uusan ku guulaysan inuu ku qanciyo amiirka in la caadiyeeyo xiriirka diblumaasiyadeed ee uu dhaxeeya labada dal.
Isniintii, markii falaagada Xuutiyiinta ee Yemen ee ay Iiraan baritaarto ay weerrarka ku qaadeen xarun ay shirkadda wayn ee shidaalka ee Aramco ku leedahay magaalada ku taal xeebta Badda Cas ee Jeddah, ayaa waxaa suuragal ah inay soo noolaatay fursadda ah in la dhaleeceeyo Sucuudiyiinta.
Warbaahinta mayalka adag ee Iiraan ayaa waxa ay ammaantay "Weerrarka culus ee lagu fuliyay gantaalka Quds-2" ee ay qaadeen Xuutiyiinta.
"Tallaabo istaraatiiji ah ayey aheyd, oo lagu soo beegay waqtigii ay Sucuudiga iyo Israa'iil kulmayeen, iyadoo uga digtay inaanay si khaldan u qaadin tallaabooyinkooda," ayaa lagu daabacay wakaaladda wararka ee Mehr.
Carada Sucuudiga ee weerrarkaas waxaa sidoo kale laga dareemay Mareykanka.
Lataliyihii hore ee Ammaanka Qaranka Mareykanka, John Bolton, ayaa waxa uu arrintaas ku sharraxay buuggiisa, The Room Where It Happened, sida maamulka Trump uu taageerada Iiraan ee Xuutiyiinta ugu arko "olole ka dhan ah danaha Mareykanka ee Bariga Dhexe".
Kulanka la sheegay inuu ka dhacay magaalada Neom ayaa waxaa la sheegay inuu soo qabanqaabiyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo, kaas oo tagay Qatar iyo Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE), halkaas oo Iiraan ay aheyd qodobka ugu wayn ee laga wadahadlayay.
Labo todobaad ka hor, madaxweyne Trump ayaa waxa uu lataliyayaashiisa sarsare waydiiyay inay suuragal tahay inuu tallaabo milateri ka qaado goobta ugu wayn nukliyeerka Iiraan, sida ay ku warramayaan warbaahinta Mareykanka.
Waxa uu u muuqanayay inuu raadinayay fursad uu kula dagaalamo Iiraan ka hor inta uusan xilka bannayn.
Bishii Janaayo, Mr Trump ayaa waxa uu ammaanay dilkii diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee Mareykanka ay Ciraaq ugu gaysteen sarkaalkii ugu sarreeyay milateriga Iiraan, Janaraal Qaasim Soleimani, walow markii dambe ergay gaar ah oo Qaramada Midoobay ay arrintaas u saartay uu ku tilmaamay "mid sharci-darra aheyd".
"Si degdeg ah ayaan ku joojinnay waanan dajinnay… taas taladayda ayey aheyd," ayuu yiri.
Marka waxaa suuragal ah in lagu doodo in dilalka qorshaysani uusan madaxweynuhu hor istaagin.
Madaxweynaha Iiraan ayaa waxa uu dilka Fakhrizadeh ku eedeeyay Israa'iil.
Dhab ahaantiina, warbixinno badan ayaa sheegaya in Ra'iisul Wasaare Netanyahu uu ka mid yahay dhowr hogaamiye oo caalami ah oo toos uga hadlay saynisyahanka la khaarijiyay.











