Nin dilay gabar uu jeclaa iyo hooyadeed

Xigashada Sawirka, WEST MIDLANDS POLICE
Nin ay booliska Ingiriisku doondoonayeen, oo lala xiriirinayo dilka gabar iyo hooyadeed ayaa la soo xiray.
Raneem Oudeh oo 22 jir ahayd, iyo hooyadeed Khaola Saleem oo 49 jir ahayd ayaa Isniintii meydadkooda oo toorrey ku taallay laga helay guri ay ka dagganaayeen magaalada Solihull.
Booliska ka howl gala West Midlands ayaa sheegay in ay habeenkii Khamiista ay soo xireen ninkaasi oo ku sugnaa xaafadda Sparkhill ee magaalada Birmingham.
Dambi baareyaasha ayaa ninkaas u haya in falkaas uu ka dambeeyay, waxayna magaciisa ku sheegeen Janbaz Tarin oo 21 jir ah, horayna saaxiib ula ahaan jiray Ms Oudeh oo ah gabadha hooyadeed lala dilay.
Saraakiisha booliska ayaa tan iyo markii meydadka haweenkaas la helay waxay wadeen kiiskaan, kaasoo ay ku raadinayeen qofkii dilalka geystay.
Laamaha ammaanka ayaa horay shacabka uga codsaday in ay u soo gudbiyaan macluumaadka la xiriira dhacdadaas, ayagoo qofkii horseeda xarigga ninkaas u ballan qaaday abaal marin lacageed oo gaareysa £5,000.
Qalab Kumbuyuutar, taleefannada gacanta iyo gaari ayaa laga helay meelo kala duwan oo ka tirsan magaalada Birmingham, waxaana ay booliska sheegeen in gacanta lagu soo dhigay hub laga shakisanyahay in dilka lagu fuliyay.

Xigashada Sawirka, WEST MIDLANDS POLICE
Sarkaalad lagu magacaabo Caroline Corfield ayaa dadweynaha uga mahad celisay taageerada ay siiyeen ciidanka, waxayna sheegtay in si fiican looga soo jawaabay codsigii ay shacabka u gudbiyeen, ayna u suurta gashay iney soo xiraan qofka la tuhunsan yahay.
Qoyska ay ka soo jeedaan haweenka la dilay ayaa lagu war galiyay in la soo xiray ninkii lagu raad joogay.
Waaxda booliska ee West Midlands ayaa sheegtay in ay si madax bannaan u sameyn doonto baaritaannada la xiriira kiiskaan maadaama ay xiriir hore la lahayd qoyska ay ka soo jeedaan dadka la dilay.










