Ciidamada milatariga oo la wareegay garoonka diyaaradaha Khartuum iyo sida xaalku yahay

Sudan

Xigashada Sawirka, AFP

Ciidamada Suudaan ayaa BBC-da u sheegay in ay dib u qabsadeen garoonka diyaaradaha ee caasimadda Khartoum, halkaas oo ay gacanta ku hayeen jabhadda RSF, taas oo ka dhigan guulihii ugu dambeeyay ee ay ka gaareen dagaaladii sokeeye ee aadka u ba'naa ee labadii sano ee la soo dhaafay.

Gen Mohamed Abdel Rahman al-Bilawi ayaa sheegay in ciidamadu ay si buuxda u xaqiijiyeen, lagana yaabo in isla maantaba ay awoodaan in ay sifeeyaan inta ka hartay dagaalyahanada RSF-ta.

Ciidanka ayaa si xowli ah u socday tan iyo markii ay Jimcihii dib ula wareegeen xarunta madaxtooyada, waxaana dadka shacabka ah ay ku damaashaadayeen waddooyinka markii ay howgallada sameynayeen.

RSF ayaa gacanta ku haysay inta badan caasimadda tan iyo markii uu dagaalku billowday bishii April ee sanadkii 2023. Dalka oo dhan, boqollaal kun ayaa lagu dilay, malaayiin kalena waxaa lagu qasbay inay guryahooda ay ka cararaan.

Mar sii horreysay, afhayeen u hadlay ciidamada ayaa BBC-da u sheegay in ciidamadu ay la wareegeen Buundada Manshiya, oo ah buundadii ugu dambeysay ee ay gacanta ku haysay RSF-ta, iyadoo sidoo kale gacanta lagu dhigay xero ciidan oo ku taalla koonfurta dalka.

Laakin dagaalku uma eka mid wali dhaw.

RSF waxa ay weli haysataa ku dhawaad dhammaan gobolka Daafuur ee galbeedka Suudaan, halkaas oo horraantii toddobaadkan, dad goob joogayaal ahi ay sheegeen in tobannaan qof oo rayid ah lagu dilay markii ay ciidammada cirku duqeeyeen goob suuq.

Arbacadii aynu soo dhaafnay Ciidmamada Suudaan ayaa sheegay in ay dib u qabsadeen qasriga madaxtooyada ee dalkaasi oo ay muddo gacanta ku hayeen ciidammada gurmadka degdegga ah RSF.

Xarunta madaxtooyada ayaa ku taal bartamaha Khartoum, halkaasi oo ay sidoo kale ku yaallaan inta badan wasaaradaha dawladda iyo hay'adaha maaliyadda - ciidamada ayaa ku sii siqayay maalmihii la soo dhaafay kaddib dagaallo qadhaadh oo ay la galeen xoogagga ka soo horjeeda ee RSF.

Tallaabadan ayaa loo arkay guul taariikhi ah maaddaama qabsashada qasriga madaxtooyadu