Maxay yihiin ciidamada weeraray Dawlad Deegaanka Soomaalida ee ay sheegeen inay Soomaliya leedahay?

Xigashada Sawirka, .
Muuqaal uu baahiyay Huggaanka Nabadgalyada ee DDS, Dayib Axmed Nuur ayuu ku sheegay in habeenimadii xalay ay ciidamo ka yimid Soomaaliya gudaha u galeen degmada Shillaabo ee hoostagta maamulkooda.
Wuxuu sheegay in ciidamadaas ay dileen ilaa iyo labo iyo toban ruux. "Waan ka tacsiyeyneynaa dakaas dhintay, dad Soomaaliyeed bay ahaayeen," ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Dadka la dilay ayuu sheegay Huggaanka Nabadgalyadu in ay kamid yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Dawlad Deegaanka.
Dhanka kale wuxuu sheegay Dayib in bishii hore ciyaal yaryar lagu laayay gudaha deegaanka Soomalaida Itoobiya.
Dhacdadaas ayaa ahayd mid ay si wayn uga falceliyeen bulsho badan oo Soomaaliyeed, kadib markii koox hubaysan ay rasaas ku fureen caruur dugsi quraan dhiganeysay oo ku sugnaa degaanka Dhabbad ee gobolka Galgaduud.
Waxaa la sheegay dhacdadaas inay salka ku haysay aano qabiil, inkasta oo ilaa iyo hadda aan xal kama dambays ah laga gaarin.
Dawlad goboleedka Soomaliyeed ee Galmudug oo ka hadlay dhacdadaas ayaa sheegay xilligaas inay jawaab ka bixin doonaan dhacdada, ayna la xisaabtami doonaan dadkii ka dambeeyay.

Xigashada Sawirka, Google Earth
Sidee wax uga dhaceen Shillaabo?
Sida ay noo xaqiijiyeen ilo aan ku kalsoonaan karno, ciidamadaan weeraray degmada Shillaabo ayaa ahaa kuwa isku abaabulay hab qabiil una socday aargudahso.
Sida ay noo sheegeen ilahaan xog ogaalka ah, arrintaan oo ka dhacday gudaha deegaanka Soomaalida, ayaa bilaabatay kadib markii ay maleeshiyo beeleed wiil iyo aabihiis ku dileen gudaha dawlad deegaanka, kadibna maleeshiyo kale oo doonayay inay u aargudaan wiilka iyo aabihii ay isi soo abaabuleen, iyaga oo soo gaaray deegaan lagu magacaabo Fadhi-garaadle, oo 80 kiilo mitir gudaha u jira DDS marka laga yimaad xadka ay la wadaagaan dawlad goboleedka Galmudug.
Daaqa iyo biyaha oo kamid ah waxyaabaha sababa colaadda reer miyiga Soomaalida, ayaa ciidamo ka tirsan kuwa Dawlad Deegaanka Soomaalida oo wardiye u joogay baraag laga qoday deegaanka Fadhi-garaadle waxaa la kulmay maleeshiyadii hubeysneed ee isu abaabushay aargudashada, sidaas ayayna tiro kamid ah ciidamadii ku sugnaa goobta ku dileen.

Xigashada Sawirka, DDS
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hoggaanka Nabadgalyada DDS ayaa intii uu hadlayay eedeymo usoo jeediayay ciidmada Soomaaliya, taas oo ay kamid tahay in hub dawladda Soomaaliya u siisay si ay Shabaab isaga difaacaan ay u isticmaaleen laynta dad ku nool deegaanka Soomaalida ee Itoobaya. Dhawr mar ayaan la xariirnay Dayib si aan wax uga waydiino eedeymahaan uu jeediyay, balse nooma aysan suuragalin inaan helno.
Dhanka kale Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug oo xad kala leh Dawlad Deegaanka Soomaalida aagga ay wax ka dhaceen ayaan hor dhignay eedeymaha uu soo jeediyay Huggaanka nabadgalayada ee DDS.
Wasiirka warfaafinta Galmudug Abshir Cabdi Sheekhoow ayaa u sheegay BBC, in ay waxba kama jiraan tahay in ciidamo ka socda dawlad goboleedkooda oo rasmi ah, in ay u talaabeen dhinaca Itoobiya.
Sanado badan waxaa gudaha deegaanka Soomaalida iyo sidoo kale xuduudaha ay la wadaagaan dawlad goboleedyada Soomaalida ka dhacayay dhacdooyin naxdin lahaa kuwaas oo salka ku hayay aanooyin qabiil.
Sanadkii 2021 kii ayay hayd markii koox hubaysan ay qoys dhan ku laysay deegaanka Saax-qurun. Sidoo kale isla sanadkaan ayay hayad markii caruur dugsileey ah lagu laayay deegaanka Galaadi ee ay ka arrimiso DDS.
Dhammaan dhacdooyinkaan ayaa ha kuwa aan laga gaarin heshiis kama dambeyn ah.













