Xagee ku dambeeyaa kiiskii Sheegoow oo dhawaan ay xirtay dawladda Soomaaliya?

social

Xigashada Sawirka, social

    • Author, Abdijaliil Osman
    • Role, Weriye madaxbanaan

Mudanayaasha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la horgeeyay mooshin lagu sheegay in uu yahay mid caddaalad loogu raadinaayo Sargaal hore sheegow Axmed Cali oo ku magacdheer 'Janaraal Sheegow' oo badhtamihii bishii hore ee August lagu xidhay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Madobe oo shir guddoomiyay kal-fadhiga baarlamaanka ayaa qabtay mooshinka oo ay soo gudbiyeen mudanayaasha baarlamaanka ku matala sargaalka, kaddib markii ay ka dalbadeen in lagu soo daro ajendaha kal-fadhiga maanta.

Gudoomiye Aadan Madoobe ma bixin faahfaahin ku saabsan mooshinka balse Xildhibaan Maxamed Cumar Caymooy oo baarlamaanka ku metala Sheegow, ayaa madasha ka akhiryay waxa uu daaran yaahay mooshinkoodu.

“Haddii aan dhacdooyinka nuucaan ahi laga hadlin, waxaa ay joogteyneysaa xad-gudubyadda sharaf dhaca iyo xurmo dilka xuquuqda muwaadiniinta, taas oo dastuurku KMG damaanad qaaday” ayuu yidhi Xildhibaan Caymooy.

Dhinaca kale xildhibaan Jeego oo taageeray mooshinka laga keenay xadhiga sargaalka ayaa sheegay in xadhiga Sheegow aan loo marin hab-raacyada iyo xeerarka u yaala dalka ee la xidhiiidha dacwad oogista, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ciidan la yidhaahdo Boolis Militaaro oo looga talo galay in cadowga ay dadka ka ilaaliyaan magaaladan Muqdisho ayaa fuliyay howlgalka, shuqulna kuma laheyn.” ayuu yidhi Xildhibaan Jeego.

Halkee Ku Xidhan Yahay Sheegow?

SNTV

Xigashada Sawirka, SNTV

Kaddib dagaal culus oo qarxay fiidkii hore ee 18-kii bisha August isla markaana socday ilaa Barqadii 19-ka bisha oo u dhaxeeyay ciidamada Booliska Soomaaliya iyo maleeshiyo uu hoggaaminayay sargaal hore Sheegow ayay ugu danbeyntii laamaha ammaanka ee Soomaaliya waxaa ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan sargaalka iyo qaar kamid ah ciimadadiisa.

Ciidamada ammaanka ayaa wixii intaa ka danbeeyay u dhaadhiciyay Sheegow saldhiga Galbeed ee degmada Dharkeenley halkaasi oo uu ku xidhnaa mudo laba cisho ah.

Laba Cisho kaddib, ciidamada booliska ayaa u wareejiya Sheegow xarunta danbi baadhista ee CID-da ee Muqdisho halkaas oo uu ku xidhnaa 8 cisho, sida uu BBC-da u sheegay Xildhibaan Maxamed Cumar Caymoy.

Kaddib 8 Maalmood oo uu xidhnaa xarunta CID-da ayaa loo wareejiyay xabsiga dhexe ee Muqdisho, halkaas oo uu ilaa iyo hadda ku xidhan yahay.

Qaar kamid ah xildhibanada matala ayaa sheegay in uu caafimaad ahaan wanaagsan yahay sargaalku islamarkaana uu hadda maxkamad suge yahay.

Booliiska ayaa horay u sheegay in maleeshiyada Sheegow ay dhac ka gaysteen gudaha Muqdisho taas oo sababtay in ugu danbeyntii gacanta lagu soo dhigo.

Golaha Shacabka BJFS

Xigashada Sawirka, Golaha Shacabka BJFS

Haddaba maxaa laga damacsan yahay Sheegow?

Seddax toddobaad kaddib qabashadiisa ayaan illaa iyo hadda maxkamad la horgeyn Sheegow, isaga oo ku jira xabsiga.

Ehelada sargaalkan ayaa goor hore ka dalbaday dowladda in caddaaladda la horgeyso Sheegow lagulana xisaabtama wixii uu gaystay, ama dib uu u helo xorriyadiisa.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya oo aan la hadalnay ayaa ka cudur daaratay in ay ka hadasho kiiska sargaalkan.

Sidoo kale, qaar kamid ah masuuliyiinta dawladda Soomaaliya oo aan doonayn inaan magacyadooda soo xigano waxay sheegen in arrinta sarkaalkaan ay tahay mid siyaasadeysan oo aan si dhab ah looga hadli karin halka ay du dambayn doonto.

Darajada Sheegoow ee lagu muransan yahay

social

Xigashada Sawirka, Social

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

BBC oo mar wareysi la yeelatay Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya, Saddiiq Aadan Cali Doodishe iyo Korneyl Cabdullaahi Cali Macoow oo ah nin muddo badan lasoo shaqeeyay ciidamada dowladda isla markaana ka faallooda arrimaha ciidamada.

Doodishe oo aan wax ka weydiinay in uu iftiimiyo darajada Janaraalka ee Sheegow ayaa yidhi “Sheegow waxa uu horraan ka tirsanaa ciidamada dowladda waxa uuna haystay darajada Kabtanka [Captain], ma ahayn Janaraal balse waxa uu xiran jiray dareyska Janaraalnimo”.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Dowladda Soomaaliya ayaa goor sii horreysay baaritaan ku sameysay ninkan, waxana la ogaaday in uu markaasi dowladda ugu diiwaan gashanaa darajada kabtan-nimo, iyadoo ugu dambeyn guud ahaanba ciidamada dowladda laga saaray”.

Korneyl Cabdullaahi Cali Macow oo ah nin muddo badan lasoo shaqeeyay ciidamada dowladda ayaa sharraxaya halka uu markiisi hore Sheegow kagasoo biiray ciidamada dowladda, isagoo yiri : “Sheegow waxa uu kasoo baxay kooxda Al-shabaab sanadkii 2014-kii isagoo xilligaasi ku sugnaa Shabeellaha hoose dhinaca Janaale iyo Bariirre, halkaas oo u qaabilsanaa kooxda aruurinta lacagaha, waxaa la sheegaa in ay isku dhaceen isaga iyo hoggaamiyaashii Shabaab ee halkaas,taasi oo keentay in uu kasoo baxsado isla markaana iskusoo dhiibo dowladda,"

Korneyl Macow oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Sheegow waxa uu sidaasi uga mid noqday ciidamada millitariga isaga oo la siiyay darajada Kabtanka, mana jiro ogaanteyda ciidan uu xukumo oo uu taliye u yahay” ayuu yidhi Korneyl Macow.