Weerarkii xabsiga Dhexe: Sida loo ilaaliyo xabsiyada waaweyn

.

Xigashada Sawirka, AFP

Dowladda fedaraalka ee Soomaaliya ayaa soo bandhigtay natiijada baaritaanno lagu sameeyay weerarkii xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Sii hayaha xilka wasiirka cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in baaritaanka lagu ogaaday in xabsiga hub la galiyay sidaasina uu weerarka u ku dhacay.

"Gudigga waxay ogaadeen in maalinkii ay bishu ahayd 8 August in xabsiga dhexe la soo galiyay hub, hubkaasi oo ku jiray alaab loo keenay dadka xabsiga ku jiray", ayuu yiri wasiirka

Haddaba Qaabkee ayay tahay in xabsiyad waawayn loo ilaaliya?

Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku jira maxabiis kala duwan.

Maxaabiistan qaarkood ayaa loo haystaa dambiya culus sida dil, halka kuwa kale loo soo xiray in ay xubin ka ahaayeen ururka Al-Shabab.

Korneel Ibraahim Cabdi Samad oo ahaan jiray taliyihii xabsiga dhexe xilligii dowladdii Kacaanka ayaa sheegaya in ilaalinta xabsiga ay u baahan tahay taxadar dheeraad ah.

Korneel Ibraahim Cabdi Samad
Qoraalka sawirka, Korneel Ibraahim Cabdi Samad

Korneel Ibraahim ayaa farta ku fiiqay in ilaalada xabsiga ay u qeybsanto saddex qeybood oo wada shaqeeya.

"Xabsiga dhexe waxaa uu leeyahay saddex waardiye, waardiye albaabada, waardiye gudaha ah iyo waardiye kor la saaro," ayuu Mr Ibraahim.

Korneel Ibraahim Cabdi Samad aya dhanka kale sheegay in askarta waardiyayaasha ee gudaha xabsiga ku jira ay mamnuuc ka tahay in ay hub sitaan loona baahan yahay oo kali ah in ay sitaan seeri iyo bodhadh.

Xabsiga dhexe ee Xamar

Xigashada Sawirka, JOWHAR

Qoraalka sawirka, Xabsiga dhexe ee Xamar

"Waardiyaha gudaha waa ka mamnuuc in uu askariga qori qaato, kuwa gudaha waxay haystaan burar iyo seeri, haddii uu firimbigaa yeeriyo waa in askarta kor saaran uu dareenkooda soo jeedsadaa," ayuu yiri Korneyl Ibraahim.

Korneel Ibraahim Cabdi Samad ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan waxyaabo ay tahay in xabsiga dhexe iyo guud ahaan xabsiyada laga taxadaro laga hortago in la galiyo, sida hubka , mindi, sakiin iyo waxa la mid ah.

Waxaa uu intaa ku daray in maxabiista ay kala dambiya duwan yihiin islamarkana inta isku dambiga ahba meel lagu xiro si gaar ah-na loo ilaaliyo.

"Qola walba meel ayay leedahay,laga soo bilaabo dil ilaa xabsi daa'in ilaa 20 sano meel ayay leeyihiin,10 sano ilaa 5 sano ihyo wixi ka yar-na meel ayay leeyihiin, kuwa aan xukunayn ee gar-sugayaasha ahna meel bay leeyihiin," ayuu yiri.

Sidee ayuu u dhacay weerarkii xabsiga dhexe?

Weerarkii 10 bishan ka dhacay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 10 qof.

Sii hayaha xilka wasiirka cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in ay jirto rasaas badan oo xabsiga la soo galiyay taasi oo weerarka loo adeegsaday.

"waxa kale oo guddiga u cadaatay in maalinkii ay taariikhdu ahayd 10 bisha loo keenay maxaabiistii meesha ku jirtay ee damacsanaa in ay dhibaatooyiin ka sameeyaan xabsiga rasaas dheeri ," ayuu yiri Mr Xasan.

Wuxuu intaasi ku daray in qaabka hubkan lagu soo galiyay ay ahayd in la adeegsaday farsamooyiin kala duwan sida in la adeegsaday oo lagu soo dhex qariyay cunno loo keenay maxaabiista.

"Hubkan waxaa lagu soo qariyay mar jawaan liin ah marna waxaa lagu soo qariyay hilib, maxaabiista ayaana u diyaargaroobay inay halkaasi dhib ka ridaan, ayuu intaa ku daray.

Sii haya xilka wasiirka cadaalada ee dowladda fedraalka ee Soomaaliya ayaa waxaa uu dhanka kale sheegay in la ogaaday in qaar ka mid ah askartii maalinkaa shaqada ku qornayd ay ku lug lahaayeen fududaynta weerarka islamarkana tallaabo laga qaaday.

"Waxaa la ogaaday in arrimahaasi ay fududeeyeen dad ciidamada ka mid ah oo maalintaa shaqada ku qornaa," ayuu yiri Sii hayaha xilka wasiirka cadaaladda .

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan

Xigashada Sawirka, Radio Mogadishu

Qoraalka sawirka, Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan

Waxaa uu intaa ku daray in ilaa iyo imika xabsiga la dhigay 12 qof oo sarakiil iyo askar isugu jirta kuwaasi oo loo haysto in ay ku lug lahaayeen weerarkii ka dhacay xabsiga dhexe.

"Waxaa hadda la qabtay oo gacanta ku jira oo ciidamada asluubta ka mid ah lagu tuhunsan yahay inay falkaas fududeeyeen ama ay sameeyeen dayacaad 12 ciidanka ka mid ah oo isugu jira saraakiil iyo askar kale,waxaa ka mid ah taliyhii xabsiga dhexe iyo ku xigeekiisa oo gacanta lagu hayo," ayuu yiri wasiirka caddaaladda.