Dhacdo 57-sano ka hor dhacday deegaanka Soomaalida oo qayb ka mida la xaliyey iyo hadal hayn ka dhalatay

Geelo

Xigashada Sawirka, Buux

    • Author, Cabdiraxmaan Buux
    • Role, Wariye

Waxay dhacdadani ka dhacday deegaan miyi ah oo hoos tagta degmada Qabri- bayax ee gobolka Faafan ee dowlad deegaanka Soomaalida sanadkii 1968-dii.

Arooryo hore iyadoo ay tahay ayaa geel ay lahaayeen qoyska reer Qodax oo ahaa reer guuraa miyigaas yaallay waxaa lagu war helay geela oo diday oo yaacay iyadoo markii dambe qayb ka mida geela la waayey.

Baadi goob dheer ka dib waxaa la ogaaday in rag ay qayb ka mida geela dhaceen oo ay ula kaceen dhanka degmada Araarso oo ka tirsan gobolka Jarar.

"Geelu isaga oo daaqaya ayuu diday, waxaa didiyey owr geela ku jiray ka dibna waxay kala talaabeen wadada jayga ahayd ee hadda noqotay laamiga ee degmada Araarso, nimanka geella dhacay aroor hore ayay dhaceen markii ay dhaceenna waxaa qaybsaday shan nin oo walaalo ah," ayuu BBC-da u sheegay Xasan Qodax oo aabihiis ka mid ahaa dadka geela la dhacay lahaa.

Wuxuu intaa raaciyey in ergo aabihiis ku jiro oo uu geelu isugu jiray ay ku baxeen halkii geela loo kaxaystay si ay ragga dhacay ugu soo celiyaan basle ergadii ayuu sheegay inay wax ka duwan waxay doonayeen la kulmeen.

"Geellu wuxuu ahaa 43-neef, geellaas isaga oo xerada ku jira oo ragii dhacay haystaan ayuu aabahay iyo raggii kale ee geelu ka dhaxeeyey soo arkeen basle raggii haystay inay qaalin ka mid soo kaxaystaan waa u soo diideen,"ayuu yiri Xasan.

Geel la kala dhacay

Xigashada Sawirka, Farax

Ka sokow dhacdada geele qoyska Qodax lagu dhacay, waxaa labada dhinac horrey u dhex taallay geelal badan oo ay iska dhaceen, dhaca geeluna wuxuu deegaanadaas ka ahaa dhacdo ku badan.

Ragga geela dhacay wuxuu Xasan Qodax aabihiisa ka soo gaaray inuu ka mid ahaa nin lagu magacaabi jiray Dayib Cabdi oo ahaa geel jire deegaanka degaanaaa.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhacdadaas waxay ahayd mid aan libdhin oo odoyadii ka kala tirsanaa raggii geela kala dhacay ay uga sheekeeyeen carruurtoodii sheekada ah in barigaas geel la kala dhacay.

Nus qarni in ka badan ka dib, isla degmada Araarso ayaa sanadkan 2025 ka dhacday dhacdo ka duwan tii 1968-dii ka dhacday.

Qoyska Dayib Cabdi ayaa 57 sano ka dib qoyska reer Qodax Xasan ku wareejiyey geel ay sheegeen inuu baadi dhac celin u yahay geelii barigaas ay ka dhaceen.

Dayib Cabdi ayaa sagaal neef oo geela ka qaatay geelaas barigaas la dhacay oo 43 halaad ka koobnaa basle rag kala duwan oo uu ka mid ahaa ay kala qayb sadeen sida dhinacydu u sheegeen BBC-da.

Goob ay culimo iyo odoyaal dhaqan goob joog ka ahayeen oo ku taalla degmada Araarso ayaa qayb ka mid ah geela barigaas la dhacay lagula kala wareegay.

Cabdillaahi Dayib Cabdi oo aabihiisa ka mid ahaa raggii barigaas geela dhacay ayaa shan neef oo ka mid sagaal neef oo qoyskiisa ku maqnaa ku wareejiyey Xasan Qodax Xaad oo abihiisa Qodax laga dhacay geelaas muddo nus qarni ka hor ah.

Xasan Qodax Xaad oo la wareegay geela wakiilna ka ahaa qoyskiisa ayaa BBC-da u inuu ku faraxsan yahay in geelii aabihiisa laga dhacay loo soo celiyey.

"57-sanno ka dib waan ku faraxsanahay in geella oo ahaa 43- neef 5-tii neef ugu horeeyay aan la wareegay." ayuu intaas raaciyey Xasan Qodax.

Araarso

Xigashada Sawirka, Farax

Afarta neef ee kale ee geela ah ee ka mid ahaa sagaalka ku maqan qoyska Dayib ayuu Xasan Qodax sheegay inay qoys ahaan ka cafiyeen.

Isagoo ka hadlayey goobta geela uu kula waregay Xasan Qodax waxa uu sheegay in geella xiliga laga dhacay aabihiis ay ahayd wakhtii xoolaha la kala dhici jiray oo dadka xilligaas jaahilnimo u gaynaysay, dadkuna ay iska xalaashanayeen in xoolo booli ah ay dhacaan

"Ninka geela soo dhacaa wuxuu ahaa nin ragganimo leh wakhtigaas". Ayuu yiri.

Qodax wuxuu intaa raaciyey in dadka geela ka haystay ay isku deegaan ahayeen mudo dheer, ayna mar uun sugayeen in ay helaan dhaxalkii Aabahood.

Cabdillaahi Dayib Cabdi oo ah ninka geela celiyey ayaa isna xusay in sababta ay tallaabadan u qaadeen ay tahay inuu celiyo xaqii bani'aadamka ee waalidkii ku maqnaa wixii tabartiisa ah.

"Annaga qoys ahaan waan tashanay dadkii geellaas lahaa warasadii ka joogtay wan u yeernay tiradiisiina waan waydiinay waxay lahaayeen, geellu markii uu soo galay waa la qaybsaday wixii anaga aan helay waan u sheegnay waxaas baan idiin haynaaye naga gudooma ayaan ku niri, wixii kalana naga saamaxa ayaanu nidhi." ayuu yiri Cabdullaahi Dayib.

Cabdullaahi Dayib waxa uu sheegay in xilligii geella la dhacay hooyadii iyo Aabihii aysan is guursanin "Anigan iminka hadlaya taariikhda saan ku hayno geellaas xiliguu reerka yimid hooyaday lama guursanin kuwa aniga iga waawayna mayna dhalanin". ayuu BBC-da u sheegay Cabdillaahi.

Celinta geela ee qoyskiisu wareejiyeen ayuu Cabdillaahi sheegay inay uga dhigantahay xaq bini'aadam oo ay iska gudeen "Xooluhu waa xaq, xaqana waa la kala leeyahay nin walba wixiisa isagaa iskaleh waana xaq bini'aadam" ayuu yidhi Cabdullaahi Dayib oo ah nin geella celiyay.

Geela

Xigashada Sawirka, Farax

Dhacdadan ayaa noqotay mid hadal hayn ka dhalisa deegaanada degmada Araarso ee dowlad deegaanka in wali qaar ka mida bulshadu ay doonayaan inay dhayaan oo gudaan xoolo muddo qarniyo ku dhow ka hor kala dhaceen.

Marka dib loo raaco taariikhda Soomaalida oo u badnayd xoolo dhaqato reer guuraa ah, xoolo kala dhicidu waxay ahayd wax ku suntay tariikhdoodaas hore walow ilaa waqtiyadan ay meelo kooban ka dhacdo dhulka Soomaalidu degto dhacdo la mid taas hore balse ay si weyn u yarraatay.

Geelu wuxuu ahaa qarniyo ka hor ilaa maanta mid hanti xooleed u dhaafsan Soomaalida. Dhanka suugaanta Soomaalidana abwaanno badan ayaa ku amaanay geella, caadiyan geella wuxuu magac iyo muuno gaar ah ku dhex leeyahay bulshada Soomaalida oo xooluhu u yihiin laf-dhabarta nolashooda.