Trump: Waxaan "si buuxda u maamulay" weerarkii Israa'iil ay Iiraan ku qaadday"

Donald Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Donald Trump

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay Aqalka Cad ku sheegay in uu "mas'uul iyo hoggaamiye" ka ahaa weerarkii ay Israa'iil ku qaaday Iiraan 13-kii Juun. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmail Baghaei, ayaa hadalka Mr. Trump ku tilmaamay "qirasho cad oo muujinaysa masuuliyadda Mareykanka ee ku lug lahaanshaha fal sharci-darro ah iyo jebin weyn oo xeerka caalamiga ah," isagoo intaas ku daray in Mareykanka "lagu xisaabtamo oo lagaga qaado mas'uuliyad."

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay intii lagu jiray casho Aqalka Cad loogu sameeyay madaxda dalalka Bartamaha Aasiya in Iiraan ay dalbatay in laga qaado cunaqabataynta culus ee Mareykanku saaray, isla markaana uu diyaar u yahay inuu arrintaas laga wada hadlo.

Donald Trump ayaa saxaafadda uga warramay xafiiskiisa Oval Office isagoo sheegay in uu ahaa "kan si buuxda u maamulayay" markii Israa'iil ay weerartay Iiraan. Wuxuu weerarka Israa'iil ku tilmaamay "mid aad u xoog badan," wuxuuna sheegay in khasaaraha weerarkii ugu horreeyay uu ahaa "ka badan intii ay keeneen weerarradii xigay."

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmail Baghaei, ayaa fariin uu ku qoray barta bulshada ee X ku sheegay in "qirashadan ay tahay caddeyn aan la dafiri karin oo muujinaysa ku lug lahaanshaha tooska ah iyo ka qeyb-qaadashada Mareykanka ee gardarrada Israa'iil ku qaaday Iiraan, isla markaana ay tahay aqbalid cad oo Mareykanku ku qirayo mas'uuliyaddiisa fal sharci-darro ah iyo jebin weyn oo xeerka caalamiga ah." Mr. Baghaei wuxuu ugu baaqay in "Mareykanka lagula xisaabtamo falkaas."

Iiraan waxay horey u sheegtay dhowr jeer in weerarka Israa'iil uu ahaa mid si buuxda ula jaanqaaday saraakiisha Mareykanka.

Qoraalka Baghaei wuxuu tixraacayaa hadalladii Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio, kaasoo bishii Juun ee sanadkan sheegay kadib weerarkii Israa'iil ku qaaday Iiraan in weerarka Israa'iil uu ahaa "fal madax-bannaan" isla markaana uu yiri "annagu [Mareykanka] qayb kuma lihin weerarrada lagu qaadayo Iiraan."

Waqtigaas, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka uu bayaan ku sheegay: "Caawa, Israa'iil waxay qaaday fal madax-bannaan oo ka dhan ah Iiraan. Annagu kuma lug lihin weerarrada ka dhanka ah Iiraan, mudnaanta ugu weynna waa ilaalinta ciidamada Mareykanka ee gobolka." Mr. Rubio wuxuu sidoo kale uga digay Iiraan inay ka fogaato weerarro ay ku qaaddo bartilmaameedyada iyo ciidamada Mareykanka ee gobolka.

Mr. Baghaei wuxuu qoray in hadda, Mr. Trump oo qirtay in "anigu si buuxda ayaan mas'uul uga ahaa," uu daaha ka rogay beentii Xoghayihiisa Arrimaha Dibadda, isla markaana si toos ah u qirtay in Washington ay ahayd cidda hagaysay hawlgalkan tan iyo bilowgii.

Maalintii ugu horreysay ee weerarkii lama filaanka ahaa ee Israa'iil, waxaa la dilay taliyayaal badan, iyo sidoo kale saynisyahano iyo khubaro ka tirsanaa barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.

Trump: Iiraan waxay rabtaa in cunaqabateynta Mareykanka laga qaado, wadahadalna loo furo

Iran iyo Mareykanka khilaafkoodu muddo ayuu taaganyahay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Si daacad ah, "Iiraan waxay codsatay in cunaqabataynta laga qaado. Iiraan waxay wajahaysaa cunaqabatayn culus oo ka timid Maraykanka, taasna waxay ku adkaysay xaaladda," ayuu yiri Mr. Trump isagoo ka hadlayay casho aqalka cad ka dhacday oo ay ka soo qaybgaleen madaxda dalalka Bartamaha Aasiya.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa yiri, "Waxaan diyaar u ahay inaan dhageysto arrintan oo aan arko waxa dhaca. Albaabku waa u furan yahay wadahadal."

Mr. Trump wuxuu adkeeyay in uu "furan yahay wadahadal."

Iiraan waxay sanadihii u dambeeyay wajahaysay cunaqabatayn keli ah oo uu saaray Maraykanku, gaar ahaan kadib markii uu Maraykanku ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee 2015 (JCPOA). Laakiin hadda, kadib tallaabada dawladaha Yurub, cunaqabatayntii Qaramada Midoobay ee saarnayd Iiraan — taasoo si ku-meelgaar ah loo hakiyay ku dhawaad 10 sano — ayaa dib loo soo celiyay.

Mr. Trump ayaa intii lagu jiray cashadii habeen hore sheegay in Iiraan ay mar ahayd "xoogga cabudhinta Bariga Dhexe," balse aanay hadda "lahayn awood ay ku hesho hub nukliyeer ah."

Madaxweynaha Maraykanka ayaa marar badan sheegay in weerarradii milatari ee dhawaan dhacay ay burburiyeen barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan. Si kastaba ha ahaatee, Iiraan iyo Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Atamka (IAEA) weli kama aysan bixin qiyaas sax ah oo ku saabsan burburka dhacay.

Dalalka Yurub ayaa ugu baaqaya Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Atamka inay si degdeg ah u kormeerto barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan iyo in wadahadallo toos ah laga bilaabo Iiraan iyo Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa horey uga sheegay wareysi uu siiyay shabakadda CBS ee Maraykanka in Iiraan ay doonayso inay gaarto heshiis la xiriira Maraykanka.

Hadallada Mr. Trump ayaa imanaya iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, uu shalay sheegay intii lagu jiray fadhigii su'aalaha iyo jawaabaha ee uu la yeeshay ardayda Jaamacadda Bu Ali Sina in Iiraan ay diyaar u tahay "wadahadal cadaalad ah oo sharaf leh" oo lala yeesho Maraykanka, balse aysan "waayo-aragnimo wanaagsan" u lahayn wadahadallo lala yeesho waddankaas.

Maalmihii u dambeeyay waxaa la faafiyay warbixinno sheegaya suuragalnimada dib u bilaabista wadahadallada u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka.

Cumaan, oo horey u martigelisay wareegyo badan oo wadahadallo ah oo u dhexeeyay Iiraan iyo Maraykanka, ayaa ugu baaqday labada dhinac inay dib ugu soo laabtaan miiska wadahadalka.

Ujeeddada wadahadalladan ayaa ahayd in la gaaro heshiis cusub oo lagu xadidayo hawlaha nukliyeerka ee Iiraan, beddelkeedana laga qaadayo cunaqabataynta.

Masoud Pezzekian: Ma jiro wax khilaaf ah oo naga dhexeeya adduunka; "Laakiin uma adeegi doonno iyaga"

Masoud Pezzekian

Xigashada Sawirka, IRNA

Qoraalka sawirka, Masoud Pezzekian

Hadalka Mr. Trump ee ku saabsan Iran ayaa yimid maalin kadib markii Masoud Pezzekian, oo khudbad jeediyay, uu mar kale sheegay in Iran ay "raadinayso nabad iyo amni," balse aysan doonayn inay "ku noolaato dullinimo iyo hoosayn." Madaxweynaha Iran ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal "dabaqaya sharciga caalamiga ah."

Masoud Pezzekian wuxuu yiri: "Ma doonayno dagaal. Waxaan nidhi maalintii ugu horraysay, ma doonayno dagaal. Waxaan rabnaa inaan ku noolaano nabad iyo amni dunidan, laakiin ma aqbalayno inaan ku noolaano dulli."

Mr. Pezzekian wuxuu sii watay hadalkiis aoo waxaa uu yiri: "Wax dhibaato ah kama qabno dunida. Waxaan u sheegnay boqol jeer, laakiin iyagu ma rabaan inaan istaagno."

"Waxay yiraahdeen, 'Aan ka hadalno gantaallada.' Waan ka hadalnay si wanaagsan. Haddana waxay hubaynayaan Israa'iil, annagana waxay noo sheegayaan inaanan haysan gantaallo, inaanan is difaacin, dabadeedna markay doonaan ha na duqeeyaan."

"Looma oggola inay nagu khasbaan wixii ay doonaan oo ay naga dhigaan kuwa u adeega."

Mr. Pezzekian ayaa hadalladan jeediyay fiidnimadii Arbacadii, intii lagu jiray "kulankii uu la yeeshay hormuudka dhaqaalaha dhijitaalka ah" ee lagu qabtay xarunta dhismaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee dalka Iiraan.