"Diinta Islaamka ayaa laygu qasbay tacaddi galmana waa la ii geystay"

Rom Braslavski

Xigashada Sawirka, Channel 13 via Reuters

Qoraalka sawirka, Rom Braslavski ayaa eedeyntan ka jeediyay wareysi uu la yeeshay barnaamijka Hazinor ee telefishinka Channel 13 ee Israa'iil
    • Author, David Gritten
    • Reporting from, Jerusalem

La hayste hore oo Israa'iili ah oo la sii daayay bishii hore ayaa TV-ga Israa'iil u sheegay in lagu xad-gudbay labadii sano ee Qasa lagu heystay.

Wareysi uu siiyay TV-ga Channel 13 barnaamijkiisa Hazinor, Rom Braslavski, oo 21 jir ah, waxa uu sheegay inay qaawiyeen oo ay xireen xubno ka tirsan Jihaadka Islaamiga ah ee Falastiin (PIJ).

"Waxay ahayd xadgudub galmo, ujeeddadeeda ugu weynna waxay ahayd bahdil, hadafkeedu wuxuu ahaa in la i bahdilo, in la burburiyo sharaftayda," ayuu yiri.

Waa ninkii ugu horreeyay ee la hayste ahaa ee si cad ugu eedeeya in la faraxumeeyay.

Digniin: Warbixintan waxaa ku jira faahfaahinno aad dhibsan karto

Rom Braslavski waxa uu fasax kaga maqnaa shaqadiisii ​​askarinimo ee millatariga Israa'iil waxana uu ilaalo ahaan uga shaqaynayay xafladdii muusigga ee Nova markii Xamaas iyo kooxaha hubaysan ee Falastiiniyiinta ah ay weerar ku qaadeen koonfurta Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023, halkaas oo ay ku dileen ilaa 1,200 oo qof, 251 kalena ay qafaasheen.

Israa'iil ayaa weerarradaas kaga jawaabtay olole millatari oo ay ku qaadday Qasa kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 68,800 oo qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas.

Afar toddobaad ka hor, Mr Braslavski waxa uu ka mid ahaa 20-kii qof ee u dambeeyay ee la haystayaasha Israa'iil ahaa ee lagu sii daayay heshiis xabbad-joojin ah oo uu Maraykanku garwadeen ka ahaa oo dhexmaray Israa'iil iyo Xamaas.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wareysiga uu siiyay Channel 13, oo la baahiyay goor dambe oo Khamiis ah, Mr Braslavski wuxuu sheegay in siday ula dhaqmayeen PIJ ay si degdeg ah uga sii dartay ka dib markii uu diiday inuu ka noqdo diinta Yuhuuda oo uu qaato Islaamka bishii March ee sanadkan, taasoo sidoo kale ahayd markii ay burburtay xabbad joojintii hore.

Waxa uu sheegay in muddo saddex toddobaad ah ay indhaha ka xirnaayeen, dhagxaanna lagu riixay dhegahiisa gudahood si ay u xaddidaan maqalkiisa, lagana dhimay cunnada iyo biyaha.

Ka dib, wuxuu intaa ku daray, in ay amreen in la jirdilo.

Mr Braslavski waxa uu sheegay in ay xirxireen oo ay feer ku dhufteen oo ay xarig bir ah ku garaaceen – taasina ay ku soo noqnoqon jirtay maalintii dhawr jeer.

"Waxaan galay god, kaas oo aan ka shakiyay inaan ka soo bixi doono anoo nool," ayuu dib u xasuustay.

Bishii Agoosto 2025, PIJ ayaa soo bandhigtay muuqaal muujinaya Mr Braslavski oo ooyaya oo sheegaya in ay ka dhammaatay cuntadii iyo biyihii, ma awoodin in uu istaago ama socdo, uuna joogo "albaabka dhimashada".

Ka dib markii la daabacay muuqaalka, Mr Braslavski wuxuu u sheegay Channel 13, afduubayaashu inay sidoo kale bilaabeen inay tacaddi galmo kula kacaan.

Waxay iga fureen dharkii oo dhan, nigisyadaydii, wax walba, waxay iga xir-xireen..., anigoo cunto la'aan u dhimanaya, Ilaahayna waxaan ka baryay: 'I badbaadi, oo tan hore iga saar'' ayuu yiri.

Mar la waydiiyay in afduubayaashiisu ay sameeyeen "waxyaabo badan oo noocaas ah", Mr Braslavski ayaa ku jawaabay: "Haa. Way igu adag tahay inaan si gaar ah uga hadlo qaybtan. Ma jecli inaan ka hadlo. Wayna adag tahay. Waxay ahayd wax laga naxo."

Waxa uu intaa ku daray: "Adiga waxaad kaliya baryaysaa Ilaah in uu joojiyo waxaan socda. Oo intaan halkaas joogo, maalin kasta, waa naxdin, maalin kasta, waxaan naftayda ku oran jiray: 'Waxaan ka badbaaday maalin kale oo cadaab ah. berri subax, waxaan ku toosi doonaa cadaab kale. iyo jahannamo kale'."

Madaxweynaha Israa'iil Isaac Herzog ayaa sheegay in Mr Braslavski uu muujiyay "geesinnimo aan caadi ahayn marka uu la wadaagay bulshada argagaxa maxaabiistiisa, oo ay ku jirto faraxumayn argagax leh oo uu u dul-qaatay".

"Dunidu waa inay fahantaa baaxadda dambiyada ay argagixisadu ka gaysteen Qasa, naxariis darrada xun, xadgudubyada galmada," ayuu ku qoray bartiisa X.

Ugu yaraan afar haween ah oo la haystayaal ahaan ayaa si fagaare ah uga hadlay dhacdooyin la sheegay in lagu xad-gudbay nafsaddooda ama la-haystayaal kale, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sarkaal ka tirsan PIJ ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in eedeymaha Mr Braslavski ee ku saabsan faraxumaynta ay tahay "mid aan sax ahayn", isagoo aan tafaasiil ka bixin.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xadgudubyada Galmada ee Colaadaha ayaa sheegay March 2024 in iyada iyo koox khubarro ah ay heleen "xog lagu qanci karo" oo kufsi iyo jirdil galmo ah oo loo geystay qaar ka mid ah la haystayaasha Qasa. Waxaa kale oo ay heleen sababo macquul ah oo ay ku rumaysan karaan in tacaddiyada galmadu ay ka dhaceen meelo badan, oo ay ku jiraan kufsi iyo kufsi wadareed, intii lagu jiray weerarradii 7 Oktoobar. Xamaas ayaa sheegtay in natiijada warbixinta ay tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.