Maxay tahay farriinta quusta ah ee ay dirayaan saxafiyiinta ku sugan Qasa?

Xigashada Sawirka, BBC/ ISMAIL MONEER
Saxfiyiinta ku nool Marinka Qasa ayaa bilaabay in ay diraan farriimo ku saabsan xaaladda halista ah ee ay ku shaqeeynayaan xilli ay Israa’iil dib u billowday duqeeynta dhanka cirka ee ay ka waddo Marinka Qasa.
"Marxaladdii lagu gudbinayay wararka iyo sawirrada waa dhmmaatay, waxaa billowday marxladda la isku dayayo in la noolaaado,”ayuu yir Cizaa Muctasi oo ah saxafi ka ku sugan Marinka Qasa oo la hadlayay in ka badan 15 milyan oo taageerayaashiisa ah oo ku xiran bartiisa.
Waa qoraal ka duwan qoraalladiisii hore, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qasa toddobadii bishii Oktobar.
Wiilkan dhalinyarada ah ee 24 jir ka ah ayaa ka mid ah wariyeyaasha madaxa bannaan ee sida joogtada ah u tabinayay dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas, waxaana uu ahaa mi codka dadkiisa gaarsiiya meel dheer.
Qaraalka uu soo dhigay bartiisa wariye iyo sawir qaade Cisaa Muctasi wuxuu ku yir "Arrintu hadda waa nolol iyo geeri, wax badan ayaan dagaalka kasoo warramay oo aan dalkayga iyo dadkayga u shaqeeyay" balse waxaa uu walaac ka mujiyay howgalka wajiga labaad ee dagaalka ay Israa’iil billowday.
Waa mid ka mid ah saxafiyiin Falastiiniyiin ah iyo dadka saamaynta ku leh baraha bulshada, kuwaas oo wali ku sugan gudaha Marinka Qasa, iyaga oo waqtigooda oo dhan u hura in ay diiwaan geliyaan dagaalka iyo soo gudbinta xaqiiqooyinka noloshooda ee lagu hayo go’doominta iyo duqaynta maalin kasta.
Waxaa ka mid ah saxfiyiinta diray farriinta quusta ah Bisan Cowdaha, oo 25 jir ah. Sadex milyan oo qof ayaa ku xiran barteeda Instagram-ka, iyada oo ka hadlaysa xaaladda murugada leh ee ay wajahayaan saxfiyiinta ayay tir “gebi ahaanba waa lumisay rajadii badbaadada,”
Waxaa ay caan ku noqotay waraysiyo ay ka qaaddo carruurta iyo haweenka dagaalku saameeyay, waxayna la wadaagtaa sheekooyinkooda dhammaan qaybaha kale ee bulshada aduunka mararka qaar ayay ilmaysaa marka ay ka hadlayso xaaladaha qaar.
Muqaal ay dhawaan soo bandhigtay waxaa ka muuqday wajigeeda daal, iyadoo sheegtay inay u barakacday koonfurta Qasa kadib markii ciidamada Israa’iil dadka ku amreen in halkaas ay u guuraan.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Saxafiyiinta ku nool Marinka Qasa ayaa sheegay in hadda ay walaac ka qabaan xaladdooda caafimaad ee dhanka maskaxda ah iyo midka jireed intaba.
Saxafiyiinta ayaa la kulma khatar weyn inta ay ku guda jiraan howlahooda shaqo ee marinka , tan iyo bilowgii dagaalka, 61 wariye iyo shaqaale warbaahin ah ayaa lagu dilay, 54 ka mid ah waa Falastiiniyiin, sida uu sheegay guddiga difaaca saxafiyiinta, oo ah hay'ad aan dowli ahayn oo Mareykan ah.
Labadii maalmood ee la soo dhaafay, baraha bulshada ee Qasa waxaa lagu arkayay mowjado la mid ah farriimaha ay jeedinayeen qaar ka mid ah dadka saamaynta ku leh, kuwaas oo isu xil saaray in ay caalamka u sheegaan waxa dhacaya.
Ismaaciil Joowd oo ah saxafi ku sugan Marinka Qasa, ayaa diray farriin la mid ah tii ay direen saaxiibbadiisa waxaana uu sheegay “in hadda aysan jirin wax rajo ah oo adduunka uu ka qabo."
Weriyaha BBC-da ee Laanta Afka Carabiga Cadnaan Al Bursh ee Marinka Qasa ayaa ka mid ah saxfiyiinta ka hadlay dhibaatada ay kala kulmayaan Marinka Qasa oo uu ka sacdo dagaalka Israa’iil iyo Xamaas.
“Weligayba waan ku faani jiray in aan saxafi noqdo, laakiin hadda rabitaankii ayaa iga sii dhammaaday” ayuu yir wariye Cadnaan .
"Waxaan rabaa inaan la hadlo Dunida Carabta iyo caalamka oo dhan." Ayuu hadalkiisa sii raaciyay .













