Shan qodob oo ugu waaweynaa khudbadii uu jeediyey madaxweyne Xasan Sheekh iyo wixii uu ka yiri Somaliland

Khubadbadii Xasan Sheekh

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay jeediyey khudbad dhowr iyo toban daqiiqo ka koobnayd oo uu kaga hadlay xaaladdaha Soomaaliya iyo qorshayaasha dowladdiisa ee arrimaha midnimada iyo wadajirka.

Khudbada oo lagu baahiyey baraha bulshada ee madaxtooyada Soomaaliya ayuu madaxweynuhu kaga hadlay dhinacyo kala duwan oo ay ka mid ahayeen mowqifka adag ee dowladiisu ka taagan tahay aqoonsiga Israa'iil ee Somaaliland iyo farriimo uu u jeediyey Somaliland.

Qodobka kowaad: Madaxweynuhu khudbadiisa wuxuu diirrada ku saaray sooyaalkii taariikheed iyo marxaladihii kala duwanaa ee dalka ku soo maray isagoo tilmaamay in mudda xileedkiisii hore iyo kan uu haddaba uu ka shaqeeyey in waxkasta lagu raadiyo wadahadal.

Madaxweynaha ayaa xusay in loo baahan yahay in la iska ilaaliyo hadallada xanafta leh ee soo noolaynaya xasuustii murugada leh ee na soo maray.

Qodobka labaad: wuxuu madaxweyne Xasan ku soo qaaday marxaladihii wahadalladii soo dhexmaray Sooomaaliya iyo Somalilnad, kuwaas oo uu sheegay in dhinaca Hargaysa ay ka dhutiyeen.

"Nasiib darro maamuladii is xig xigay ee Somaliland nalama garan ama way garteena waa ku dhiiran waayeen in xalku naga jiro dhanka wadahadalka lagu gaaro midnimo waxayna qadeen waddooyin sii kala fogaynaya dadka deegaanadaas wada deggan ama dadka soomaaliyeed guud ahaantii" ayuu yiri madaxweyne Xasan

Wuxuu intaa raaciyey in xiriiro badan oo ay la sameeyeen madaxdii kala duwanayd ee kala dambaysay ay "kor iyo hoosba ugu sheegeen in cida wax kala dhexeeyaan ay yihiin dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda jidkuna yahay wadahadal"

Isagoo ka hadlayey is-afgaradkii dhexmaray Jamhuuriyada Iskeed madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo Itoobaya ayuu madaxweyne Xasan yiri "MOU-gii sida lama filaanka ahaa dig loo soo siiyey iyadoo wahadallo yididiilo leh noo socdaan ballamana an dhiganay, wuxuu ahaa waddo kale oo lagu lumay ilaa markii dambe aannu iska afgaranay dowladdii shisheeye ee darafka ka ahayd walaalaheenna ay ka adkaysteen inaan iska afgarano MOU-gii."

khubada Xasan Sheekh

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qodobka saddexaad: Khudbadiisa oo inta badan dul hoganaysay ka hadalka aqoonsiga Israel ay siisay Somaliland ayuu hoosta ka xariiqay in waxkasta oo ay ku kacdo ay kaga hortagayaan.

Wuxuu mar kale ku celiyey in Jamhuuriyada Federalka ah ee Soomaaliya ay "tahay Dal xor ah, mid ah, dhulkiisa aan lagu kala goyn karin warqad ay Israel qortay ama uu Netanyahu saxiisay oo isaguba eedeysane caalamka ka ah" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu intaas raaciyeyin in ujeedada aqoonsiga uusan ahayn danta dadka deegaanadaas ku nool balse uu yahay danta Isreal oo uu sheegay inay raadinayso "dhul ay isku ballaariso oo ay si sharci darro ah ugu soo rarto shacabka reer Falastiin, kana dhisto saldhigyo milatari oo khal-khal galiya amniga gobolka Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed, Badda cas, iyo guud ahaan Bariga Dhexe"

Tallaabadaas ayuu sheegay in raad aan fiicnayn ku yeellan doonto dhaqaalaha, horumarka iy degganaanshaha siyaasadeed ee dalka haddii si xigmadu ku jirto loo maarayn.

Qodobka afaraad: Wuxuu sidoo kale khudbada kaga hadlay ictiraaf iyo cidda uu ka dhaxeeyo inay ka wadahadlaan, Jamhuuriyada Iskeed madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Soomaliland ayuu sheegay in ictiraafku uusan ka jirin Netehyahu ee uu ka jiro dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

"Walaalaha Hargeysa ka taliya waxaan leeyahay ugu yarran dib u milicsada waddada la maro haddiiba dal kala go'ayo, South Sudan waxay gooni isu taagtay markii ay qancisay Sudan inteda kale, sidoo kale Eritrea markii ay isla garteen Itoobiya inay kala baxaan ayey kala baxeen, dhammaan kala baxaasi wuxuu ku yimi heshiis siyaasadeed oo qaarkood lagu gaari waayey dagaalo tobbanaan sano socday, dhinaca kale waxaa cad haddii dalkii asalka ahaa uusan ku qancin in la kala baxo oo heshiis siyaasadeed oo lagu wada qanacsan yahay lagu kala baxo in ictiraaf la helaa aysan suurtagal ahayn,"

"sida Taiwanba Shiinaha ugu qancin wayday in la kala baxo, gobolak Catalonia oo Spain ku yaalla uu Spain ugu qancin wayey spain in la kala baxo, sidaas daraadeed haddii aan heshiis siyaasadeed lahelin oo lagu gurto oo lagu kala baxo ictiraaf iyo dowladdo is barbar yaalla midna suurta gal maha" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Qodobka shannaad: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo hadal qaaday bixinta garowshiyo iyo wadahadallo dhab ah isagoo xusay in dowlada federalku ay u fududahay inay waxkasta u hurto in midnimo la gaaro.

"Haddii ay tahay garowshiyo, haddii ay tahay xaq dhiibid haddii tahay xukun baahin haddii tahay walaalo midoobay oo xoog midaysan hela, diyaar ayan u nahay. Waxaan diyaar u nahay wadahadal dhab aha iyo isu gardhigasho ayaa lagu xalin karaa waxkasta jira annaguna dhankayaga taasa ayaan diyaar u nahay"

"Waxaan ku celinayaan oo an cadaynayaa inaan ka garaabayno horreyna ugu garaabnay dhibkii shacabkeena ka soo gaaray dulmigii uu gaystay nidaamkii militariga ahaa gaar ahan kii loo geystay shcabka ku nool qaybta ka mid ah Waqooyiga Soomaaliya, waxaan sidoo kale caddaynayaa inuu wali inoo furan yahay jidka wadahadalka ee an ku xalinayno wixii hore inooga khaldamay"ayuu intaa raaciyey madaxweyne Xasan Sheekh.

Gunaanadka khubadiisa madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaaxiibadeeda caalamka ay qaadayso tallaabooyin looga hortagayo xad-gudubka Israel. Isagoo intaas raaciyey in uu ugu mahadceliyey saaxiibada caalamka iyo ururada ay qaybta ka yihiin doorkoodii ay ku taageereen.

Khudbada madaxweyne Xasan Sheekh jeediyey xalay ayaa ahayd tii labaad oo si toosa ugu hadlo aqoonsiga Israel ee Somaliland.

Isreal ayaa dabayaaqadii bishi December ee sanadkii tagay ku dhawaaqay inay dal u aqoonsatay Jamhuuriyada Iskeed madaxbanaannida ugu dhawaqday ee Somalilnd taas oo ay si adag ugu hortimid dowladda Soomaaliya.