Shaqaale nadaafadeed oo si aan ula kac aheyn ah u dhaqay farshaxan magaalo lagu qurxinayay

Xigashada Sawirka, Raquel Garcia / Rachel Kinchin - Pwsh!
Farshaxan lagu qurxiyay magaalada Cardiff ee dalka UK ayaa waxaa si aan ula kac aheyn u dhaqay shaqaale nadaafadeed oo ka howlgalay halkaas.
Mashruucan oo ay wadday dowladda hoose ayay shaqaalaha dhaqeen markii uu dhacay khalad ka dhashay is fahan la'aan.
Waxaana farshaxanka looga gollahaa in lagu qurxiyo magaalada si ay u noqoto mid soo jiidasho leh.
Waxaana farshaxanka gudaha magaalada ku xardhay gabdho saddex ah si loo xoojiyo isdhaxgalka ka jira halkaas.
Maamulka Cardiff ayaa raallin gelin ka bixiyay 'dhaqidda farshaxanka' oo uu ku tilmaamay inay ka dambeysay kadib 'khalad weyn oo dhacay kaas oo ay ku lug lahaayeen shaqaale nadaafadeed.

Xigashada Sawirka, Raquel Garcia - Pwsh!

Xigashada Sawirka, Rachel Kinchin - Pwsh
Beth Blandford oo 25 jir ah oo kamid aheyd dadkii farshaxanka sameeyay ayaa sheegtay inay "ka naxday oo aysan rumeysan karin waxa dhacay"
Waxay intaas ku dartay in muddo shan maalmood ah ay ku qaadatay in farshaxanka ay ku xardhaan gudaha magaalada.
"Ku dhawaad shan maalmood ayay inagu qaadatay farshaxanka, maalin kasta waxaan howlgaleynay 12 ilaa 16 saacadood"
"Waa mashruuc aan horey usoo qorsheynay, waana ku faraxsaneyn hirgelintiisa, ceeb ayaa dhacday" ayay tiri Beth Blandford.
Waxay intaas raacisay "in uu ahaa mashruuca muujinayay isdhexgalka iyo kala duwanaanshaha, farshaxankii si aan ula kac aheyn ayaa loo dhaqay"

Xigashada Sawirka, Raquel Garcia - Pwsh!
Amber Forde, oo 20 jir kana soo jeedda Cardiff, waxay sheegtay inay dooneysay in dhaqankeedii ay ku gudbisay farshaxanka ay ku xardheen magaalada.
"Waxaan sameeyay ilaa saddex farshaxan oo ka turjumayay dhaqankeyga, aad baan uga naxay dhibaatadan"
Amber waxay sidoo kale sheegtay in farshaxankan uu yahay dhaqan u muhiim ah bulshada.
"Waxay ila tahay arrin muhiim ah maadaama farshaxanka uu soo bandhigayo muuqaalka iyo bilicda magaalada iyo sida bulshooyin kala duwan ugu nool yihiin Cardiff iyo sida inta badan farshaxanka ay ugu lug leeyihiin dadka laga tiro badan yahay"

Xigashada Sawirka, Raquel Garcia - Pwsh!
Rachel Kinchin oo ah soo saare ka aheyd mashruuca Pwsh ee lagu sameeyay farshaxanka ayaa sheegtay , "Mashruucan ay maalgelisay dowladda hoose ee Cardiff oo ina garab istaagtay, haddana si weyn looga xumaaday waxa dhacay kaas oo ka dhashay is fahan la'aan"
Bayaan kasoo baxay dowladda hoose ee Cardiff ayaa lagu sheegay in wax laga naxo ay tahay in shaqaalihii nadaafadda ay dhaqeen farshaxankii qurxoonaa ee soo bandhigayay magaalada.
"Waxaan arrinta ka raalligelineynaa Beth Blandford, Amber Forde iyo Temeka Davies oo ka qeyb qaatay fursad ay ku qurxinayeen Cardiff"
"Waxaan la shaqeyneynaa agaasimaha mashruucan si tallaabo deg deg ah aan u qaadno" ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Cardiff.











