Kurdi: Ma taqaanaa waddan aanan hadda ka mid ahayn dunida balse dadkiisa ay weli jiraan?

.

Xigashada Sawirka, UMUT KACAR / ALAMY

Cod aad u dheer ayaa laga maqlayaa waddooyinka magaalada Diyarbakkar, xitaa haddii aadan fahmeyn hal eray oo ka mid ah luuqadda Kurdida waxaad dareemi kartaa xanuunka dhawaaqaas.

Magaalada Diyarbkar ee dalka Turkiga, waxaa lagu tilmaamay in ay tahay magaalada ugu weyn ee Kurdiyiinta Turkiga.

Booqashadii BBC-da ee magaalada Diyarbkar waxay dhacday xagaagii. Aad bay u kulushahay xilligaas. Aagga oo dhan wuxuu isu beddelay huruud, sida fallaaraha cadceedda ee kulul. Waddooyinka magaalada, gaar ahaan laamiyada, ayaa ahaa kuwo kulul.

Maalintii, magaalada oo dhan waxay u muuqatay in laga guuray. Balse fiidkii, waxaa billaabanaya in la maqlo dhawaqa carruurta kor iyo hoos u boodboodaya si ay deegaanka uga dhigaan mid caadi ah.

Deegaankaas wuxuu caan ku yahay dhul bacrinsan oo beeraha ku wanaagsan, oo wax soo saar leh.

Sawaxanka, iyo dhawaaqyada la maqlayay waa kuwo ka guuxayay waddooyinka Diyarbkar. Waxay si gaar ah uga imaanayaan dhismayaasha magaalada.

.

Xigashada Sawirka, UMUT KACAR / ALAMY

Codadka ayaa muujinaya sheekada xanuunka Kurdistan

Dhawaaqa geedaha, eeyaha ciyaya iyo dhawaaqyo kale ayaa laga maqlayaa waddooyinka. Mararka qaarkood waxaad maqli kartaa hoonka gawaarida.

Waxaa ka mid ah astaamaha muujinaya xanuunka Kurdistan. Xitaa waad maqli kartaa marka uu ku dhex-jiro dhawaqyada kale sababtoo waa ka duwan yahay oo waxaa uu muujinayaa jacayl, rajo, murugo iyo quus, intaba.

Dhisme lagu magacaabo Mala Dengbez ama Dengbez, wuxuu leeyahay barxad qurux badan. Si qurux badan ayaa lo xardhay, inkastoo uu yahay dhisme yar oo duq ah. Waxaa ku dhex yaalla goob farshaxan. Halkaaa ayaa laga maqlayaa codkii xanuunka ee aan horay uga soo hadalnay.

Waxaa jirtay gabadh ka sheekaynaysay taariikhda xanuunka badan ee Kurdistan.

Dhulkaas oo hore loo oran jiray Kurdistan, maanta wuxuu u qaybsan yahay afar gobol oo ka kala tirsan Suuriya, Ciraaq, Turkiga iyo Iiraan.

Dad badan oo Kurdiyiin ah ayaan haatan lahayn dal gaar u ah oo ay sheegtaan, badankooda waxay hadda ku nool yihiin Bemulk.

Luuqadda Kurdiyiinta, dhaqankooda, iyo taariikhdooda awgeed, Kurdiyiinta waxay sii wadeen inqalbiyadooda uu ku sii nagaado dalkii ay lahaan jireen.

Dhowr sano ka hor, maleeshiyaadka Kurdiyiinta waxay bilaabeen dagaal u dhaxeeyay iyaga iyo dowladda Turkiga.

Inta badan magaalada Diyarbakr ayaa lagu burburiyay dagaalkaas. Dadaallada dib loogu dhisayo magaalada ayaa sababay in dib loo soo celiyo bilicdeedii hore. Inta badan magaaladan waxaa ka socda dayactir.

.

Xigashada Sawirka, TERRY RICHARDSON

Codka hallaasiga ah

Aaggaan Mala Dengbez, dad badan ayaa isugu yimid si ay u dhegeystaan ​​nin shaarub dheer leh oo ka sheekeynaya taariikhda xanuunka badan ee Kurdiyiinta. Waxa uu xiran yahay shaar jeexjeexan isagoo gacantiisa midig ku haysta shax.

Qofkaan wuxuu hadlayey saacado badan, wuxuuna markasta bedelayay sida uu u hadlayo. Waxaa jiray waqtiyo uu maanso u bedelayay hadalkiisa.

Wuxuu u ekaa qof leh cod hallaasi ah oo aad u hadal wanaagsan. Dad badan sheekadiisa ayaa taabatay, iyagoo dareemaya qiiro, qaarkood madaxa ayay gacmaha saarteen, halka kuwa kalana ay u muuqdeen in ay ilin iska masaxayaan.

.

Xigashada Sawirka, TERRY RICHARDSON)

Waa maxay macnaha magaca Dengbe?

Ereyga kurdida ee Dengbe micnihiisu waa Cod wanaagsan. Waxuu ka kooban yahay laba eray oo kala ah Deng oo micneheedu yahay codka iyo Be oo ah dheh.

Xaqiiqdu waxay tahay in fannaaniinta Dengbe ay yihiin sheeko-yaqaanno, taas oo ka dhigaysa in taariikhda Kurdiyiinta ay sii noolaato.

Tuulooyinka iyo magaalooyinka Kurdiyiinta, waxaa caado u noqotay in dadka ay isu yimaadaan oo dhegeystaan ​​sheekooyinka taariikhiga ah ee ay wadaagaan.

Inta badan sheekooyinkaas waxaa soo tebiya ragga. Balse waxaa jiro dhowr gabdhood oo fannaaniin ah oo caan ku ah dhaqanka ee Dengbe.

Waxaa laga yaabaa in aysan aqoon lahayn, laakiin xirfadahooda cod, waxaad moodaa inay yihiin maktabad waayo-aragnima ah, oo waad la yaabeysaa sheekada iyo taariikhda ay hayaan, waa hanti ay ka dhaxleen awoowayaashood taas oo loo sii gudbinayay jiilba jiil.

.

Xigashada Sawirka, B.O'KANE / ALAMY)

Caqabadda Dengbe

In kasta oo Dengbe hadda la aqoonsaday, haddana caqabadda cusub ee hortaagan waa in dadku bilaabeen inay u qaxaan magaalooyinka fog.

Mid ka mid ah dadka qaxay waa Baran Setin oo 32 sano jir ah. Wuxuu ku dhashay tuulo fog oo buuraley ah oo ku taal xadka Armenia.

Waa meel qurux badan, laakiin noloshu ay adag tahay. Wuxuu go'aansaday inuu u cararo Istanbul. Sannado badan ka hor Kurdiyiinta ayaa halkaas deggenaa.

Baran adeerkiis waa fannaan dhanka Dengbe ku nool, wuxuu ka bartay aabihiis. Baran wuxuu sheegay in uusan codka Dengbe ee adeerkiis uusan fahmi karin.

Kuwani waa nolosha iyo sheekooyinka taariikhda xanuunka badan ee Kurdiyiinta, oo ay adag tahay in laga fahmo eray, gaar ahaan ajaanibta marka ay maqlaan codka Dengbe.

Waxaa jiro walaac laga qabo in la waayo taariikhdan maadaama dhalinyarada, sida Baran, ay sii badan doonaan.

Balse sidoo kale waxaa jirto rajo ah in gudbinta dhaqanka oo jiilba jiilka ka dambeeya uu gacan ka geysan doono dhaqanka Kurdida inuu sii noolaado.