War been abuur ah oo sababay isku dhac dhex maray Tahriibayaal iyo boolis

Xigashada Sawirka, Reuters
Ciidamada booliska ee dlka Giriigga ayaa dagaal gacanta la isula tagay la galay boqollaal tabriibayaal ah oo isugu tagay meel u dhow magaalada ku taalla dhinaca waqooyi ee Thessaloniki.
Dadka soo galootiga ah ayaa halkaas si deg deg ah ugu xoomay iyagoo rajeynaya inay u gudbaan Waqooyiga waddanka Macedonia.
Dhibaatada ayaa markii ugu horreysay ka billaabatay xerada qaxootiga ee lagu magacaabo Diavata, ka dib markii baraha xiriirka bulshada lagu faafiyay war sheegaya in xadka loo furi doono dadka soo galootiga ah.
Wargayeska kasoo baxa Giriiga ee la yidhaahdo Kathimerini ayaa soo tabiyay in tobannaan qof oo soo galooti ah ay ku mudaharaadeen gawaari waaweyn oo ku sugnaa boosteejada Larissa ee magaalada Athens, arrintaasoo kalliftay in la joojiyo adeegga tareennada.
Inbadan oo ka mid ah dadkan ayaa ah qaxooti kasoo tahriibay bariga dhexe.
Wariyeyaasha halkaas jooga ayaa sheegaya in qaar ka mid ah soo galootiga ku sugan bannaanka hore ee xerada ay ulo iyo dhagaxaan ku tureen booliska oo iyagana ku jawaabay suntan dadka ka ilmeysiisa.
Warbaahinta Giriiga ayaa been abuur ku tilmaamay wararka lagu faafiyay Facebook-ka ee ku saabsan inuu jiro qorshe soo galootiga loogu fasaxayo inay u tallaabaan xadka waqooyiga Macedonia.

Xigashada Sawirka, Reuters
Qiyaastii 600 oo ruux ayaa habeenkii oo dhan ku sugnaa bannaanka xerada, subaxdiina waxaa dhacay isku dhacyo horleh, ka dib markii ay booliska xireen waddooyinka aada dhanka Waqooyi.
Tahriibe Kurdish ah oo ka barakacay dalka Ciraaq ayaa isagoo khadka taleefanka kula hadlayay BBC-da yidhi: "Xaaladda xerada Diavata way kacsan tahay hadda, waxaan ka cabsaneynaa in boolisku ay naga daad gureeyaan xeradeenna ku meel gaarka ah ee xadka u dhow".
"Waxaan Giriiga ku noolahay muddo 11 bilood ah, anigoo sugaya in la iiga soo jawaabo codsigeyga magangalyo doonka ah, mana ogi ilaa waqtiga aan sii sugi doono", ayuu yidhi.
Karzan Abdullah, oo 24 jir ah, oo sidoo kale Kurdi ah ayaa BBC-da ku yidhi: "Waxaan Giriiga joogaa 12 bilood, waa inaan Yurub horay usii galo sababtoo ah halkan nolol nooma taallo".
Dhaxalka xasaraddii soo galootiga ee 2015-kii
Tobannaan kun oo soo galooti ah ayaa wali ku harsan xeryo ay buux dhaafiyen oo ku yaalla gudaha dalka Giriiga, waxayna intooda badan halkaas tageen intii u dhaxeysay 2015-kii ilaa 2016-kii.
Markii uu culeyskaas xad dhaaf noqday, Jarmalka ayaa qaabilay 800,000 oo qof oo magangalyo doon ah, arrintan ayaana noqotay mid uu ilaa hadda muran ka taagan yahay.
Sharciga caalamiga ah ayaa qaba in la qaabilo dadka magangalyo doonka ah ee kasoo carara colaadaha iyo dacwadaha.
Xaaladda ayaa sii xumaatay markii uu Turkiga la saxiixday midowga Yurub heshiis ku saabsan inuu hor istaago dadka soo galootiga ah ee ku qulqulaya qaaradda Yurub.










